27/08/2026
Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Degga Gobolka Banaadir Mudane Abdisalan Xaaji Magan ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Maamulka iyo Howlwadeennada Waaxda.
Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta adeegyada gurmadka, ka hortagga iyo yareynta khataraha ka dhasha dabka, iyadoo la isla eegay sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu ilaalinayo badbaadada bulshada.
Intii uu kulanku socday ayaa la is-dhaafsaday doodo iyo aragtiyo ku saabsan xeerarka ka hortagga khataraha, gurmadka iyo badbaadinta nafta iyo hantida bulshada ku nool caasimadda.
Agaasimaha ayaa ku ammaanay maamulka, howlwadeennada iyo shaqaalaha dadaalka iyo sida ay mar walba heegan iyo diyaar ugu yihiin u adeegidda bulshada, ka hor inta aysan dhicin musiibadu iyo ka jawaabisteedaba.