Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda

Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda ๐—ข๐—ณ๐—ณ๐—ถ๐—ฐ๐—ฒ ๐—ผ๐—ณ ๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜๐—ฒ ๐—”๐˜๐˜๐—ผ๐—ฟ๐—ป๐—ฒ๐˜† ๐—š๐—ฒ๐—ป๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—น ๐—ผ๐—ณ ๐˜๐—ต๐—ฒ ๐—™๐—ฒ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—น ๐—š๐—ผ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ป๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐—ผ๐—ณ ๐˜€๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ฎ ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

TACSIXafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu si murugo leh uga tacsiyeynayaa geerida ku timi...
28/07/2026

TACSI

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu si murugo leh uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Agaasimihii Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha, Mudane Garaad Axmed Nuur, oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuum Garaad Axmed Nuur waxa uu ka mid ahaa masuuliyiintii ugu muddada dheeraa ee ka soo shaqeeyay Xafiiska Garyaqaanka Guud, isaga oo shaqada ka bilaabay sannadihii 1980-meeyadii. Intii uu xilka hayay waxa uu ku suntanaa daacadnimo, hufnaan, karti, iyo u adeegid qaran, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta maamulka iyo shaqaalaha xafiiska.

Sidoo kale, Marxuumku waxa uu ahaa Nabdoon Soomaaliyeed iyo haldoor bulshada dhexdeeda ku lahaa maamuus, xigmad iyo kaalmo joogto ah oo uu u fidin jiray dadka iyo dalka.

Xafiiska Garyaqaanka Guud waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, bahda Garsoorka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku.

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa inuu Marxuum Garaad Axmed Nuur ku mannaysto Jannatul Firdowsa, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelkiisa iyo ummadda Soomaaliyeed.

ุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ูŽู‘ูฐู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐Ÿญ-๐—ฑ๐—ฎ ๐—Ÿ๐˜‚๐˜‚๐—น๐˜†๐—ผ โ€“ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ซ๐—ผ๐—ฟ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดWaxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan s...
30/06/2026

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐Ÿญ-๐—ฑ๐—ฎ ๐—Ÿ๐˜‚๐˜‚๐—น๐˜†๐—ผ โ€“ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ซ๐—ผ๐—ฟ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, oo ah maalintii ay midoobeen gobolladii Waqooyi iyo Koonfur, isla markaana ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Maalintan taariikhiga ah waxay ina xusuusinaysaa halgankii dheeraa ee loo soo maray xorriyadda, midnimada, iyo madax-bannaanida dalkeenna. Waa maalin ku baaqaysa in aan adkeyno wadajirka, nabadda, iyo horumarka si aan u dhisno Soomaaliya xooggan oo mideysan.

Ilaahay ha u naxariisto dhammaan halgamayaashii nafahooda u huray xornimada dalkeenna, hana siiyo shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo, iyo mustaqbal ifaya.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ...
16/06/2026

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyo guud ahaan Ummadda Muslimiinta ah, munaasabadda curashada sannadka cusub ee Hijriga 1448H.

Munaasabaddan qiimaha badan awgeed, waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu sannadkan cusub ka dhigo mid ay ku suntan yihiin nabad, caddaalad, midnimo, horumar iyo barwaaqo. Sidoo kale, waxaan rajaynaynaa inuu noqdo sannad ay shacabka Soomaaliyeed ku gaaraan himilooyinkooda qaran iyo kuwa diineed.

Waxaan bulshada Soomaaliyeed ku boorrinaynaa inay xoojiyaan wadajirka, is-ixtiraamka, dhowrista sharciga iyo ka shaqaynta danta guud ee qaranka.
Sanad Hijriyeed cusub oo barakaysan.
ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda waxa uu si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo a...
18/02/2026

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda waxa uu si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan curashada bisha barakeysan ee Soon-qaad (Ramadaan).

Bishan khayrka iyo naxariista leh waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu inagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo, kana yeelo bil ay ku dheehan tahay cibaado suuban, iscafis, isu-naxariis iyo isku duubni qaran. Waa bil lagu xoojiyo qiyamka Islaamka, lagu garab istaago dadka tabaaleysan, laguna adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada.

Xafiisku waxa uu ku boorrinayaa dhammaan muwaadiniinta inay ka faaโ€™iideystaan fadliga bishan barakeysan, kana shaqeeyaan wanaagga, dhowrista sharciga iyo ilaalinta amniga guud ee dalka.
Ilaahay ha inaga aqbalo soonka, salaadda iyo camalka suuban.

Ramadaan Kariim.

Address

Villa
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252613242015

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda:

Shortcuts

Share