Office of the Auditor General FGS

Office of the Auditor General FGS This is the Official page of the Office of the Auditor General of the Federal Republic of Somalia.

Xafiisyada Hantidhowrka Soomaaliya (XHGS) iyo Türkiye (TCA) ayaa magaalada Ankara ku soo gabagabeeyay wejiga saddexaad e...
22/08/2026

Xafiisyada Hantidhowrka Soomaaliya (XHGS) iyo Türkiye (TCA) ayaa magaalada Ankara ku soo gabagabeeyay wejiga saddexaad ee hirgelinta Heshiiska Iskaashiga labada hay’adood, kaas oo ku saabsanaa Baarista Nidaamyada Macluumaadka (Information System Audit).

Barnaamijka oo qabsoomay 17 ilaa 21 August 2026, isla-markaana ay taageertay Hay’adda Iskaashiga iyo Is-uduwidda Türkiye (TİKA), ayaa lagu falanqeeyay qiimeynta baariyada khataraha nidaamyada macluumaadka, habraacyada baarista, amniga macluumaadka, falanqaynta xogta, adeegsiga Garaadka Macmalka ah (AI) ee baarista, iyo isweydaarsiga khibradaha labada hay’adood.

Khubarada TCA ayaa wafdiga Xafiiska la wadaagay aqoon, habraacyo iyo khibrado wax-ku-ool ah oo la xiriira Baarista Nidaamyada Macluumaadka, iyada oo casharrada iyo doodaha la wadaagay lagu xoojiyay tusaalooyin laga soo keenay shaqooyinka baarista.

Barnaamijka waxa kale oo qeyb ka ahaa booqasho aqoon-kororsi ah oo wafdigu ku tagay xarunta dhexe ee HAVELSAN ee magaalada Ankara, halkaas oo loogu soo bandhigay shaqada iyo teknoolojiyadaha casriga ah ee ay xaruntu hirgelisay.

Iskaashiga waxa uu gacan ka geysanayaa isweydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, kobcinta awoodda xirfadeed ee Baarista Nidaamyada Macluumaadka, iyo xoojinta iskaashiga labada hay’adood.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu uga mahadcelinayaa TCA iyo TİKA taageerada, martigelinta iyo kaalinta ay ka qaateen hirgelinta barnaamijkan.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS (XHGS) ayaa si rasmi ah uga mid noqday Koox-hawleedka La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo D...
20/08/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS (XHGS) ayaa si rasmi ah uga mid noqday Koox-hawleedka La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Dhaqista Lacagaha (WGFACML) ee Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka Sare (INTOSAI).

Arrintan ayaa timid kadib kulankii 19aad ee Kooxda, oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay (18–20 August 2026) ka socday magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxaa kulanka ku matalayay Agaasimaha Baarista U-hoggaansanaanta ee XHGS, kaas oo kooxda horteeda ka jeediyay hadal uu uga mahadceliyay xubinnimada Xafiiska ee WGFACML.

Ku biirista WGFACML waxa ay XHGS u suurtagelineysaa in uu kaalin mug leh ka qaato la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo dhaqista lacagaha, isla-markaana uu si dhow ula shaqeeyo Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee caalamka, gaar ahaan horumarinta mihnadda iyo xirfadaha Hantidhowrka, si baarisyada ay sameeyaan ay gacan uga geystaan la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo dambiyada la xiriira maaliyadda.

Intii uu socday kulanka WGFACML, waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta xogta milkiilayaasha dhabta ah, korjoogteynta iibka iyo qandaraasyada dowladda, iyo maareynta khataraha la xiriira musuqmaasuqa, qiyaanada iyo dhaqista lacagaha.

Xubinnimadan waxa ay XHGS uga dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo h**e loogu qaaday xoojinta ka-qaybgalka Xafiiska ee dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo wax-ku-oolnimada korjoogteynta hay’adaha dowladda.

𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha iyo daneeyeyaasha la socodsiinayaa in aysan jirin Warbixin ...
18/08/2026

𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha iyo daneeyeyaasha la socodsiinayaa in aysan jirin Warbixin Hantidhowr oo rasmi ah oo uu Xafiisku soo saaray ama daabacay oo ku saabsan xogta iyo macluumaadka lagu faafiyey baraha bulshada iyo Internet-ka ee la xiriirta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Xafiisku waxa uu ku boorrinayaa warbaahinta iyo bulshada in xogta la xiriirta Hantidhowrka laga xaqiijiyo kanaallada rasmiga ah ee Xafiiska, kahor baahinta ama dib-u-faafinta.

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska “50 Guurada” ka soo wareegt...
15/08/2026

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska “50 Guurada” ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Wadamada Carabta (AROBOSAI), taas oo socotay muddo saddex maalin ah (13-15 August 2026).

Munaasabaddan, oo ka dhacday magaalada Cammaan ee caasimadda wadanka Jordan, ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqayntii iyo horumarkii ay ARABOSAI ka sameysay xoojinta hantidhowrista, iyada oo kor loo qaadayo aqoonta, kartida iyo fahamka xirfadaha hantidhowrka, isla-markaana ay hay'adaha xubnaha ka ah ARABOSAI wadaagayaan waaya-aragnimada iyo mihnadahooda aqooneed.

Hantidhowraha Guud ayaa madasha 50-guurada ARABOSAI ku soo bandhigay doorka iyo kaalinta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS uu ka qaato xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad-wanaagga, isaga oo sidoo kale muujiyay muhiimadda iskaashiga ARABOSAI, oo uu Xafiisku xubin buuxda ka yahay.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa sida looga faa’iideysan karo Garaadka Macmalka ah (AI), looguna adeegsan karo xoojinta ilaalinta iyo dhowrista khayraadka iyo hantida dadweynaha.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu si joogto ah ugu howlan yahay adkeynta iyo sare-u-qaadista xiriirka iyo wada-shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha hantidhowrka adduunka iyo kuwa gobolka, si loo horumariyo adeegga dadweynaha iyo dowladnimada.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha ay khuseyso la wadaagay 38 warbixi...
10/08/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha ay khuseyso la wadaagay 38 warbixinood oo ka kooban natiijooyinka baarisihii Hantidhowrka ee sannadka maaliyadeedki 2025.

Warbixinnada la baahiyay waxay isugu jiraan Baarista Maaliyadeed, Baarista U-hoggaansanaanta Sharciga, Baarista Waxqabadka, Baarista Nidaamka Macluumaadka, Baarista Mashaariicda, Warbixinta Deeqaha aan Lacagta ahayn iyo Warbixinta Isku-dhafka ah ee Dabagalka Fulinta Talooyinka Hantidhowrka.

Baahinta warbixinnadani waxay qayb ka tahay gudashada waajibaadka sharci ee Xafiiska, waxayna bulshada iyo daneeyayaasha siinaysaa xog ku saabsan natiijooyinka baarista iyo sida loo maamulay khayraadka guud.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa soo saaray Warbixinta Isku-dhafka ah ee Dabagalka Fulinta Talooyinka Hantidhowrka...
10/08/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa soo saaray Warbixinta Isku-dhafka ah ee Dabagalka Fulinta Talooyinka Hantidhowrka sanadka 2025, taas oo si guud u qiimeyneysa heerka fulinta talooyinka ka dhashay dhammaan noocyada baarista.

Natiijada dabagalka ayaa muujisay in 57.7% talooyinka si buuxda loo fuliyay, 24.1% qayb ahaan la fuliyay, halka 18.2% aan wali la fulin.

Xafiisku waxa uu ku boorrinayaa dhammaan hay’adaha ay khusayso in ay dhammaystiraan talooyinka qayb ahaan la fuliyay, isla-markaana ay wada hirgeliyaan kuwa aan wali la fulin, si loo xoojiyo isla-xisaabtanka iyo maamulka khayraadka dadweynaha.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa dabagalka Baarista Nidaamyada Macluumaadka ee SFMIS ku ogaaday in 71.4% talooyink...
10/08/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa dabagalka Baarista Nidaamyada Macluumaadka ee SFMIS ku ogaaday in 71.4% talooyinkii hantidhowrka si buuxda loo fuliyay, halka 21.4% qayb ahaan la fuliyay, iyada oo 7.2% aan wali la fulin

Sidoo kale, XHGS ayaa dabagalka Baarista Nidaamyada Macluumaadka ee SBRS waxa uu ku ogaaday in 70.7% talooyinka si buuxda loo fuliyay, halka 29.3% qayb ahaan la fuliyay.

Natiijooyinkani waxa ay muujinayaan in horumar laga sameeyay fulinta talooyinka baarista, iyada oo loo baahan yahay in la dhammaystiro talooyinka qayb ahaan la fuliyay iyo kuwa aan wali la fulin intaba.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa nidaamyada HEMIS iyo NCSC HRIS waxa uu ku sameeyay baaris hantidhowriseed, taas o...
10/08/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa nidaamyada HEMIS iyo NCSC HRIS waxa uu ku sameeyay baaris hantidhowriseed, taas oo uu ku ogaaday isu geynta 59 khatar, kuwaas oo 38 ka mid ah lagu qiimeeyay khatar sare, 18 kalena khatar dhexdhexaad ah, halka 3 ka mid ahna ay khatartoodu hooseyso.

Baaristan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu qiimeynayo hufnaanta iyo amniga nidaamyada macluumaadka ee hay’adaha dowladda, waxa ayna diiradda saartay afar qayb oo muhiim ah:

1. Hubinta Guud ee IT-ga
2. Hubinta Isticmaalka
3. Hubinta Kaydka Xogta
4. Hubinta Amniga

Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu talooyin lagu hagaajinayo khataraha la ogaaday la wadaagay maamulka hay’adaha ay khusayso, si wax looga qabto, loona xoojiyo maamulka iyo amniga nidaamka macluumaadka.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa baaray 30 mashruuc oo ay maalgeliyaan deeqbixiyaasha caalamiga ah, kuwaas oo kala...
10/08/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa baaray 30 mashruuc oo ay maalgeliyaan deeqbixiyaasha caalamiga ah, kuwaas oo kala ah:

• 𝟐𝟐 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐮.

• 𝟕 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

• 𝟏 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚.

Baarista mashaariicdan ayaa qayb ka ah xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadeed ee mashaariicda lagu maalgeliyo deeqaha.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu “Baarista U-hoggaansanaanta Sharciga” ku sameeyay 22 hay’adood oo ka tirsan ha...
10/08/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu “Baarista U-hoggaansanaanta Sharciga” ku sameeyay 22 hay’adood oo ka tirsan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Miisaaniyadda hay’adaha la baaray ayaa ahayd US$821,996,254.00, waxa ayna baaristu soo saartay 66 khalad oo u baahan sixid sharci, maaliyadeed iyo maamul.

Xafiisku waxa uu hay’adaha la baaray la wadaagay talooyin lagu saxayo khaladaadka, lagu xoojinayo hubinnada gudaha, laguna hagaajinayo u hoggaansanaanta sharciga iyo habraacyada dowliga ah.

Address

Villa
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Office of the Auditor General FGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Office of the Auditor General FGS:

Shortcuts

Share