Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed SOMALI NATIONAL TELEVISION SNTV is regulated by the Ministry of Information, Culture & Tourism Federal Government of Somalia
(1438)

Industry Broadcasting

Founded 1983

2011 (re-launch)

Headquarters Mogadishu, Somalia
Area served

Somalia & abroad (satellite)

Owner Federal Government of Somalia

Daud Aweis is the Minister of Information of Federal Government of Somalia

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia. Headquartered in Mogadishu, the nation's capital, its main responsibility is to provide public service broadcasting throughout the country.

02/09/2026

“Colaadii waa nacnoo calankii nabadaan sidnaa” Abwaan Cabdullahi Sheekh Xalaf.

02/09/2026

:- Asmar & Cadnaan oo Lagu Qabtay Dagaalkii Bariire.

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Golaha Mihnadlayaasha Caa...
02/09/2026

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si ay ugu kuurgalaan hannaanka shaqo iyo doorka Golaha ee nidaaminta mihnadda caafimaadka dalka.

Kormeerkan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Senatar Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), ayaa diiradda lagu saaray dhowrista tayada adeegyada caafimaadka, ku-dhaqanka shuruucda mihnadda caafimaadka, tayada dawooyinka, badqabka adeegyada Isbitaallada, iyo habraacyada lagu hubiyo aqoonta iyo kartida xirfadlayaasha caafimaadka dalka.

Intii uu kormeerku socday, xubnaha Guddigu waxay maamulka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka ka dhageysteen warbixin ku saabsan hannaanka shaqado, waajibaadka iyo doorka ay ku leeyihiin nidaaminta mihnadda caafimaadka, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah waajibaadka Guddiga ee la-xisaabtanka, dabagalka iyo kor-joogteynta hay’adaha caafimaadka, iyadoo ujeeddadu tahay dardargelinta dhowrista tayada iyo shuruucda caafimaadka dalka, si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, islamarkaana ammaan ah.

02/09/2026

Abwaan Maki Xaaji Banaadir “Abwaan Mustaf Sheekh Cilmi, maamuuska iyo soo dhaweyntaan waa mid uu isaga muteystay, waana uga mahadcelinayaa cid walba oo qeyb ka ahayd in abwaanka dalka dib ugu soo laabto.”

02/09/2026

Abwaan Xirsi Dhuux “Mustaf Sheekh Cilmi fanka Soomaaliyeed taariikh weyn ayuu ku leeyahay, waxaana kaaga mahadcelinaynaa Wasiir, maamuuska iyo soo dhaweynta aad u sameysay.”

02/09/2026

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka, Abwaan Guure “Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi waa halyey taariikh iyo sumcad ku leh dalkeenna, waxaana muddo badan u taagnaa wacyigelinta bulshada.”

02/09/2026

“Culimada waan uga mahadcelinayaa sida ay uga soo qeyb galeen kulankan lagu xusayay dhalashada Nabigeenna (NNKH).” Sheekha Masjidka Kashka Sheekh Sayid Ibraahim Xaaji

02/09/2026

WARKA HABEEN EE SNTV 02.09.2026

02/09/2026

Sida loo fuliyay howlgalkii deegaanka Miirtaqwo ee lagu dilay Horjoogihii guud ee Khawaarijta u qaabilsanaa marin-habaabinta Idaacadda Al-Andalus iyo dhagarqabe kala tirsanaa qeybtaas, laguna burburiyay xaruntii ay Khawaarijtu ugu yeeri jireen “Guriga Amniga” iyo qalabkii ay u adeegsan jireen marin-habaabinta dadweynaha.

02/09/2026

Abwaan Mustaf Sheekh Cilmi “Waxaan uga mahadcelinayaa Wasiirka Warfaafinta casuumaadda iyo soo dhaweynta qiimaha badan ee uu xafiiskiisa igu sameeyay. Dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa midnimo iyo waddaniyad.”

Address

Jamaal Abdinasir Street
Mogadishu

Telephone

+2521861035

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed:

Shortcuts

Share