Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Cilmibaarista dhaqanka, afka, suugaanta iyo sayniska.

Masraxa Shariif Saalax ayaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furay buugga “Sooyaalk...
04/09/2026

Masraxa Shariif Saalax ayaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furay buugga “Sooyaalka Maansada”, oo uu qoray Abwaan Maxamed Cabdi Looyaan, kana mid ah hawlwadeennada Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Agaasime-waaxeedyada qaar ee Akademiyada, mas'uuliyiin xilal h**e u soo qabtay iyo xubno ka tirsan bahda qorayaasha, abwaannada iyo suugaanyahannada Soomaaliyeed.

Buugga “Sooyaalka Maansada” ayaa xambaarsan xog iyo qoraallo la xiriira sooyaalka iyo horumarka maansada Soomaaliyeed, isagoo wax weyn ka tari kara diiwaangelinta, ilaalinta iyo fahamka hiddaha suugaaneed ee bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal kooban, isagoo bogaadiyay dadaalka uu Abwaan Maxamed Cabdi Looyaan geliyay qorista iyo soo saarista buuggan, isaga oo sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la qoro lana keydiyo suugaanta Soomaaliyeed, si jiilasha dambe ay uga faa’iideystaan dhaxalka suugaaneed ee dalka.

Munaasabadda ayaa sidoo kale fursad u noqotay bahda suugaanta iyo qorayaasha Soomaaliyeed inay ku dhiirrigeliyaan qoraaga sii wadidda dadaallada ku aaddan qorista iyo horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Daah-furka buugga “Sooyaalka Maansada” ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu kobcinayo qoraalka, cilmi-baarista iyo keydinta suugaanta Soomaaliyeed.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA.

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa lagu qabtay tababar ku saabsan Dhaqanka La Taaban Karo iyo Dhaqanka Aan...
02/09/2026

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa lagu qabtay tababar ku saabsan Dhaqanka La Taaban Karo iyo Dhaqanka Aan La Taaban Karin oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Hiddaha iyo Dhaqanka ee Akademiyada.

Tababarka ayaa loogu talagalay shaqaalaha Akademiyada, waxaana bixinayay qaar ka mid ah hawlwadeennada Akademiyada oo iyagu isu xilqaamay inay tababarkaasi bixiyaan, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Akademiyada.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo aqoonta iyo fahamka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyay waaxda Hiddah aiyo Dhaqanka sida ay usoo qabanqaabiyeen tababarkan iyo shaqaalaha Akademiyada ee ka faa’ideystay tababarka, waxa uu carrabka ku adkeeyay in ay jiri doonaan tababarro kor loogu qaadayo aqoonta dhammaan hawlwadeenada Akademiyada.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Akademiyada ee lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta, daraasaynta iyo horumarinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Soomaaliya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalka ansixiyay heshiiska UNESCO ee ilaalinta hidaha dhaqanka aan la taaban karin.

Tababarka ayaa ugu dambeyn ku soo dhammaaday is-dhaafsi aqooneed iyo dood ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu ilaalinayo hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNA EE AKADEMIYADA.

TACSI.انالله وانا اليه راجعون. Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismail Yusuf Osman  ayaa ...
01/09/2026

TACSI.
انالله وانا اليه راجعون.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida ku timid Guddoomiye Ku-xigeenka Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA (AGA), Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa tacsida iyo murugada la wadaagay mas'uuliyiinta iyo hawlwadeennada Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga ee (AGA) ee uu marxuumku ka tirsanaa, isaga oo sidoo kale tacsida la wadaagay ehellada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Guddoomiyaha Akademiyada ayaa ku tilmaamay marxuum Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim inuu ahaa shaqsi door muuqda ku lahaa howlaha la xariira horumarinta Af Soomaaliga.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa siiyo Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, asxaabta iyo dhammaan bahda AGA ee uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.”

XAFIISKA WARBAAHINTA IYO XARIIRKA DADWEYNAHA EE AKADEMIYADA.

GUDDIHOOSAADKA NAXWAHA IYO XEERARKA AFKA OO SOO BANDHIGAY XOGJEEDIN KU SAABSAN MIDAYNTA EREYBIXINTA NAXWAHA AF SOOMAALIG...
31/08/2026

GUDDIHOOSAADKA NAXWAHA IYO XEERARKA AFKA OO SOO BANDHIGAY XOGJEEDIN KU SAABSAN MIDAYNTA EREYBIXINTA NAXWAHA AF SOOMAALIGA.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa ka qaybgalay xogjeedin ay soo diyaariyeen xubnaha Guddihoosaadka Naxwaha iyo Xeerarka Afka ee Guddiga Af Soomaaliga.

Xogjeedinta, oo ay soo bandhigeen xubnaha Guddihoosaadka Naxwaha iyo Xeerarka Afku, waxay ku saabsanayd muujinta xasilloonidarrada ka jirta ereybixinta naxwaha af Soomaaliga iyo soo bandhigidda halbeegyo cilmiyeed oo lagu maarayn karo kaladuwanaanshaha jira, laguna gaari karo ereybixin cilmi ah oo midaysan.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee Guddiga Af Soomaaligu ugu jiro baylahtirka af Soomaaliga, isaga oo xubnaha ku boorriyay in ay dardargeliyaan ebyidda hawlaha qaran ee horyaalla.

Ugu danbayntii, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, oo kulanka soo gunaanaday, ayaa tibaaxay ahmiyadda weyn ee ay leedahay helidda ereybixin cilmiyeed oo midaysan, una gaar ah naxwaha af Soomaaliga. Guddoomiyaha ayaa, sidoo kale, hoosta ka xarriiqay in ereybixintu tahay udubdhexaadka afka, la’aanteedna afku agoonyahay.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta

Baal-Furka Buuggga Sooyaal Maansada.Waxaa Masraxa Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed  lagu qabanayaa muna...
30/08/2026

Baal-Furka Buuggga Sooyaal Maansada.

Waxaa Masraxa Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed lagu qabanayaa munaasabad lagu soo bandhigayo buugga “Sooyaalka Maansada”, oo uu qoray Abwaan Maxamed Cabdi Looyaan, kana mid ah hawlwadeennada Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Munaasabaddan ayaa ah mid muhiim u ah suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo lagu soo bandhigayo buug xambaarsan xog, aqoon iyo milicsi ku saabsan sooyaalka maansada Soomaaliyeed iyo kaalinta ay suugaantu ku leedahay bulshada, dhaqanka iyo taariikhda dalka.

Bandhigga buugga waxaa ka qeyb geli doona mas'uuliyiin, aqoonyahanno, abwaanno, qoraayaal, bahda suugaanta, hawlwadeennada Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Buugga “Sooyaalka Maansada” ayaa la filayaa inuu kaalin ka qaato kobcinta aqoonta iyo fahamka suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan ilaalinta, diiwaangelinta iyo jiilasha dambe loogu gudbinayo dhaxalka maansada Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa sidoo kale fursad u noqon doonta in lagu dhiirrigeliyo qoraayaasha iyo abwaannada Soomaaliyeed inay sii wadaan qorista iyo kaydinta suugaanta, maadaama maansadu ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa munaasabaddan u aragta tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo qoraalka, cilmi-baarista iyo horumarinta suugaanta Soomaaliyeed, iyadoo Abwaan Maxamed Cabdi Looyaan uu ka mid yahay hawlwadeennada Akademiyada ee ku howlan horumarinta iyo ilaalinta dhaxalka suugaaneed ee Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.
XAFIISKA WARBAAHINTA Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa hambalyo iyo bogaadin u di...
25/08/2026

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan Ummadaha Muslimiinta meel kasta oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee dhalashada Nabi Muxammad (NNKH).

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilka cusub, in ay si wanaagsan u bartaan taariikhda iyo sunnada Nabi Muxammad (NNKH), isla markaana ay ku dhaqmaan akhlaaqda iyo qiyamka wanaagsan ee uu ummadda baray, isaga oo tilmaamay in xuska dhalashada Nabi Muxammad (NNKH) uu yahay fursad lagu xusuusto taariikhda iyo hanuunka uu Nebigeennu u horseeday ummadda Islaamka.

Gudoomiye Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in Nabi Muxammad (NNKH) uu ahaa tusaale ku dayasho mudan oo lagu yaqaanay naxariis, dulqaad, cadaalad, daacadnimo, samir iyo wanaag, isla markaana akhlaaqdiisa iyo hab-dhaqankiisu ay yihiin kuwo bulshada maanta si weyn ugu baahan tahay.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda dhalashada Nabi Muxammad (NNKH). Waxaan Alle ka baryayaa inuu noo siyaadiyo iimaanka, nabadda, midnimada iyo is-jacaylka, isla markaana uu Ummadda Soomaaliyeed ka dulqaado caqabadaha oo dhan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Akademiyada.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in munaasabadaha diimeed iyo kuwa dhaqameed looga faa’iideysto xoojinta isku xirnaanta bulshada, wadajirka iyo nabadda. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay bulsho isku duuban oo ku dhisan is-ixtiraam, walaaltinimo iyo wada noolaansho.

“Waxaa muhiim ah in farxadda munaasabaddan ay noqoto mid qalbiyadeenna ku beerta naxariis, isu-tanaasul iyo walaaltinimo, nabadda iyo midnimadu waa saldhigga horumarka ummadeed, waxaana dhammaanteen waajib inaga saaran inaan ka shaqeyno sidii loo xoojin lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Akademiyada ayaa Alle uga baryay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed caafimaad, nabad, barwaaqo iyo horumar, isagoo sidoo kale shacabka ugu duceeyay in sannadkan uu u noqdo sannad kheyr, isku duubni iyo guulo la taaban karo.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA

Madaxa Warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cab...
22/08/2026

Madaxa Warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cabdullaahi Maxamed (Duceysane) ayaa ka qaybgalay kulanka joogtada ah ee Guddiga Dawladda ee Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha, kaas oo ay martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Xasan Shire, kaas oo adkeeyay muhiimadda shaqada Guddiga iyo doorka uu ku leeyahay xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dawladda, isagoo bogaadiyay dadaallada iyo waxqabadka joogtada ah ee Guddiga.

Afhayeenka Xukuumadda ahna Agaasimaha Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdinaasir Axmed Bashiir, ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda kulanka iyo doorka Guddiga Dawladda ee Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha, gaar ahaan mideynta farriimaha dawladda iyo isku-duwidda xogaha ay hay’adaha dawladdu u gudbinayaan bulshada.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran, iyadoo Agaasimeyaasha iyo Saraakiisha Warbaahinta Dowladda ay ka qaybqaateen falanqeyn, talooyin iyo soo jeedinno ku aaddan sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta xafiisyada warbaahinta dowladda, loona heli lahaa hab mideysan, hufan oo wax-ku-ool ah oo lagu gudbiyo farriimaha dawladda.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay diyaarinta iyo habka loo soo bandhigayo waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee afartii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo laga wada hadlay qorshaha, xogaha muhiimka ah iyo farriimaha loo baahan yahay in si habboon loogu gudbiyo bulshada.

Ka qaybgalka Madaxa Warbaahinta ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa qayb ka ah dadaallada Akademiyada ee ku aaddan xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha dawladda, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, suugaanta iyo gudbinta farriimaha muhiimka ah ee bulshada.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA AKADEMIYADA.

22/08/2026

Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan Munaasabadda Baalfurka buugga Xaaldda Dhagoolayaasha Soomaaliyeed ee u qoray Mudane Muuse Xasan Axmed (Kadle) oo ah xoghayaha Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta  Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan hambalyo u diray dhammaan arda...
15/08/2026

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan hambalyo u diray dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sannadkan u fariistay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare , si gaar ah guddoomiye Ismaaciil ayaa hambalyo u diray saddaxda arday ee kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad ka galay imtixaanka kuwaas oo kala ah.

1.Maxamed Ciise Daahir
2 .Farxiyo Faarax Cumar
3. Aamina Khaalid Cabdalla

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay tahay guul usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed wax lagu farxana ay tahay in ardaydan ay kaalin fiican ka galaan imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare.
Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada

Soojeedin ku Saabsanayd Kaladuwanaanshaha Lahjadaha Af Soomaaliga oo lagu qabtay Akademiyada.Akademiyada Cilmiga, Dhaqan...
12/08/2026

Soojeedin ku Saabsanayd Kaladuwanaanshaha Lahjadaha Af Soomaaliga oo lagu qabtay Akademiyada.

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa lagu qabtay soojeedin uu ciwaankeedu ahaa “Kaladuwanaanta Lahjadaha Af Soomaaliga,” taas oo uu soo jeediyey Abwaan Maxamed Cabdulqaadir Daa'uud (Stanza) oo ah afyahan xubin ka ah Guddiga Af Soomaaliga ee Akademiyada.

Soojeedintan waxaa maanta ka qaybgalay Guddoomiyaha Akademiyada, agaasima waaxeedyada, shaqaalaha Akademiyada, naadiyada ka jira Muqdisho qaarkood, ardayda mastarka Af Soomaaliga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, barayaal isla jaamacaddan ka dhigo af Soomaaliga, aqoonyahanno ka socday Xarunta Dhaxalreeb iyo xeeldheerayaal Af Soomaali oo ka socday Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).

Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa uga mahadceliyay Ustaad Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud (Stanza) soojeedinta uu soo diyaariyey iyo dadaalka uu geliyay horumarinta Af Soomaaliga, Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in qof kasta oo ka tirsan Akademiyada looga baahan yahay inuu soo diyaariyo soojeedinno waxtar leh, kuwaas oo ka qaybqaadanaya kobcinta aqoonta, horumarinta Af Soomaaliga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Soojeedintan ayaa qayb ka ah hawlaha aqooneed ee Akademiyada, waxaana lagu falanqeeyey arrimaha la xiriira kaladuwanaanshaha lahjadaha Af Soomaaliga iyo Cilmi afeedka.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA

Address

Waddada Makka Al Mukarrama, Ka Soo Horjeedka Taallada SYL
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:30
Tuesday 08:00 - 16:30
Wednesday 08:00 - 16:30
Thursday 08:00 - 13:30
Saturday 08:00 - 16:30
Sunday 08:00 - 16:30

Telephone

+252615699059

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta:

Shortcuts

Share