Gaheyr Teacher Training College

Directions

Gaheyr Teacher Training College Gaheyr Teacher Training College (GTTC) is a public institution established to develop teachers.

Hambalyo iyo bogaadinMaamulka Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya qorayaasha c...
04/09/2026

Hambalyo iyo bogaadin

Maamulka Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya qorayaasha cilmi-baarista cinwaankeedu yahay:

“Teacher Training and Instructional Effectiveness in Secondary Schools: Evidence from the Howl-Wadag District of Mogadishu, Somalia.”

Maamulka Kulliyadda wuxuu si gaar ah ugu hambalyeynayaa qoraaga iyo bahda cilmi-baarista guushan aqooneed ee muhiimka ah. Daabacaadda cilmi-baaristan waxay wax weyn ka tari doontaa kobcinta aqoonta iyo cilmi-baarista la xiriirta tayada macallimiinta iyo waxbarashada Soomaaliya.

Waxaan idiin rajaynaynaa guulo badan, cilmi-baarisyo tayo leh iyo horumar joogto ah.

Halkaan Kala Deg kana aqriso: https://oapub.org/edu/index.php/ejes/article/view/6981/9601

Hambalyo dhammaan qorayaasha iyo bahda Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr.

Muqdisho, 27ka Agoosto 2026– Alle mahaddii, maanta waxaa si guul leh noogu soo dhammaaday Imtixaanka Kama-danbaysta ah e...
27/08/2026

Muqdisho, 27ka Agoosto 2026– Alle mahaddii, maanta waxaa si guul leh noogu soo dhammaaday Imtixaanka Kama-danbaysta ah ee Tababarka Macallimiinta Dufcada 2aad ee Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr.

Imtixaankan oo qayb ka ah dadaalka lagu tayeynayo waxbarashada dalka ayaa si habsami leh u qabsoomay, isagoo astaan u ah guulaha joogtada ah ee Kulliyaddu ka gaartay dhismaha macallimiin leh aqoon, xirfad iyo hoggaan waxbarasho oo hufan.

Maamulka Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr waxa ay bogaadin u dirayaan dhammaan macallimiinta Dufcada 2aad ee ka qeyb galay tababarka, kuwaas oo muujiyeey karti, adkaysi iyo go’aan adag oo ay mustaqbalkooda aqooneed iyo xirfadeed ku dhisanayaan. Sidoo kale, maamulka kulliyaddu waxa uu mahadnaq u jeedinayaa dhammaan tababarayaasha, shaqaalaha iyo hay’adaha taageerada bixiyey, kuwaas oo door weyn ka qaatay in tababarku ku dhammaado guul.

Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr waxa ay mar kale adkaynaysaa ballanqaadkeeda ah in ay sii wadi doonto dadaalka ku aaddan tayaynta waxbarashada dalka iyo diyaarinta macallimiin leh aqoon casri ah iyo anshax shaqo oo wanaagsan, si ay door muuqda uga qaataan kobcinta iyo horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Macallimiinta Qaranka

#2026

27/08/2026
Muqdisho 22 August 2026, waxaa xarunta Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Dan...
22/08/2026

Muqdisho 22 August 2026, waxaa xarunta Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Danbe (Final Exam) ee Semester-ka koowaad ee sannad waxbarasheedka 2025–2026.

Imtixaanka maanta waxaa uu si gaar ah ugu bilaawday Bare-ardayda Raaca 2024 ee Tababarka uga socdo Gaheyr.

Maamulka Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr (GTTC) waxay u rajaynayaan dhammaan Bare-ardayda inay imtixaanka ku galaan kalsooni, isla markaana ku dhammeeyaan guul, hufnaan iyo horumar.



Muqdisho 28 July 2026, waxaa xarunta Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr si rasmi ah ugu soo idlaaday Imtixaanka D...
28/07/2026

Muqdisho 28 July 2026, waxaa xarunta Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr si rasmi ah ugu soo idlaaday Imtixaanka Danbe (Final Exam) ee Semester-ka Labaad ee sannad waxbarasheedka 2025–2026.

Imtixaanka maanta waxaa uu si gaar ah ugu soo idlaaday Bare-ardayda gabdhaha ah ee Tababarka uga socdo Gaheyr.

Maamulka Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Gaheyr (GTTC) waxay hambalyo u dirayaan dhammaan Bare-ardayda oo si guul leh u soo gabagabeeyey imtixaanka, iyagoo u rajeynaya guul iyo horumar joogto ah.



Address

Via Tanzania Road, Hamar Jajab
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gaheyr Teacher Training College posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share