13/09/2026
Waxaa shalay galab noo qabsoomay Haldoor Youth Dialogue – Baladxaawo❤️👏
Waxay ahayd galab aan si gaar ah ugu faraxnay, oo aan kula kulannay dhalinyarada Baladxaawo, kana wada hadalnay aqoonta, wacyiga, hoggaaminta iyo doorka dhalinyarada ee dhismaha bulshadeenna.
Runtii, kulankii shalay wuxuu noo ahaa mid ka badan kulan caadi ah. Waxaan ka helnay fikrado cusub, aqoon, dhiirrigelin iyo is-dhexgal qurux badan oo dhex maray dhalinyarada iyo aqoonyahanka.
Mahad gaar ah waxaan u dirayaa Ustaad Dr. Khaliif Xasan Hareed, oo kulanka ku soo kordhiyay aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo talooyinkiisa qiimaha badan. Aad ayaan ugu bogannay sida uu mar walba dhalinyarada ugu garab taagan yahay. Allaha ka abaalmariyo. 🤲
Dhalinyarada Baladxaawo, waxaan idin leeyahay: codkiinna waa muhiim, fikradihiinnuna waa muhiim, mustaqbalkiinnuna wuxuu ku xiran yahay sida aad maanta isu diyaarisaan.
Anagoo ah Haldoor Impact Forum, waxaan idiin ballanqaadeynaa inaan sii wadno madallada noocan ah, oo aan aqoonyahanno, haldoorro iyo khubaro kala duwan idiin soo gaarsiinno, Insha’Allah. ❤️
Baladxaawo, mahadsanidiin kun iyo kow jeer.
Waxaan idinka soo laabanay annagoo wadna xusuus qurux badan iyo qalbi ay ka buuxaan mahadnaq. ❤️
Haldoor Youth Dialogue — Halka fikraduhu ku kulmaan, aqoontuna ku korto.