Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya

Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa hay'ad dastuuri ah, u madax bannaan shaqadiisa.

Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa hay'ad dastuuri madax bannaan, lagu unkay Hindise-Sharciyeed ay ansixiyeen Goleyaasha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, Xeer Madaxweynena lagu soo saaray.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha ...
17/08/2026

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Soo Xiray Aqoon isweydaarsi ku Saabsanaa Horumarinta Anshaxa Shaqada i...
05/08/2026

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Soo Xiray Aqoon isweydaarsi ku Saabsanaa Horumarinta Anshaxa Shaqada iyo Kor u Qaadista Badqabka Goobta Shaqada

Muqdisho, 5 Agoosto 2026 – Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi ku saabsanaa Horumarinta Anshaxa Shaqada iyo Kor u Qaadista Badqabka Goobta Shaqada, kaas oo ay ka qayb galeen haween ka kala socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudadii uu socday aqoon isweydaarsigu, ka qaybgalayaashu waxay yeesheen dooddo iyo isweydaarsi aqooneed oo diiradda lagu saaray doorka haweenka ee goobaha shaqada, xoojinta anshaxa shaqaalaha, ilaalinta badqabka goobta shaqada, iyo horumarinta qiyamka hufnaanta, daahfurnaanta, is ixtiraamka iyo isla xisaabtanka.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyey muhiimadda ay leedahay dhismaha goob shaqo oo ammaan ah, loo siman yahay, isla markaana dhiirrigelisa wada shaqeyn, ixtiraam iyo isaaminaad, si loo xaqiijiyo adeegyo dowladeed oo tayo leh, hufan, kana jawaaba baahiyaha bulshada.

Aqoon isweydaarsigan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda uu ku xoojinayo anshaxa shaqaalaha rayidka ah, kobcinta dhaqanka isla xisaabtanka iyo horumarinta badqabka goobaha shaqada, si loo abuuro jawi shaqo oo hufan, ammaan ah, loo dhan yahay, isla markaana kor loogu qaado tayada iyo waxtarka adeegyada dowladda.

___

Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: www.ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Soo Xiray Tababbarka Hannaanka Casriyeynta Maamulka & Maa...
30/07/2026

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Soo Xiray Tababbarka Hannaanka Casriyeynta Maamulka & Maareynta Maaliyadda Dowladda

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u soo xiray Tababbarka Hannaanka Casriyeynta Maamulka & Maareynta Maaliyadda Dowladda, kaas oo muddo shan maalmood ah u socday Agaasimeyaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda.

Intii uu socday tababbarku, ka qaybgalayaashu waxay kororsadeen aqoon iyo xirfado ku saabsan hababka casriga ah ee maamulka iyo maareynta maaliyadda, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta waxqabadka, hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayeynta adeegyada hay’adaha Dowladda.

Munaasabadda xiritaanka, Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa uga mahadceliyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, macallimiintii bixisay tababbarka iyo dhammaan ka qaybgalayaashii sida wanaagsan uga qaybqaatay tababbarka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyey ka qaybgalayaasha inay aqoonta, xirfadaha iyo waayo-aragnimada ay ka kororsadeen tababbarka la wadaagaan shaqaalaha kale ee hay’adahooda, si loo xoojiyo tayada maamulka iyo adeegyada loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta awoodda hay’adaha Dowladda, horumarinta hannaanka maamulka iyo maareynta maaliyadda, iyo xaqiijinta in bulshada loo fidiyo adeegyo dowladeed oo tayo leh, hufan oo daboolaya baahiyahooda.

Ugu dambayn, ka qaybgalayaashii tababbarka ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin lagu maamuusay dhammaystirka tababbarka, iyadoo lagu bogaadiyey doorkooda ku aaddan horumarinta xirfadaha shaqaalaha, xoojinta hufnaanta hay’adaha Dowladda iyo tayeynta adeegyada loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya

Website: ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Daahfuray Tababbarka Hannaanka Casriyeynta Maamulka iyo M...
26/07/2026

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Daahfuray Tababbarka Hannaanka Casriyeynta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda Dowladda

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u daahfuray Tababbarka Hannaanka Casriyeynta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda Dowladda, kaas oo ay ka qaybgalayaan Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tababbarkan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda hoggaamineed iyo xirfadeed ee Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda, iyadoo la waafajinayo hababka casriga ah ee maamulka, maamulka shaqaalaha iyo maareynta maaliyadda dowladda.

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa sheegay in tayeynta aqoonta iyo xirfadaha masuuliyiinta maamulka ay laf-dhabar u tahay hirgelinta dib-u-habaynta adeegga rayidka iyo kor u qaadidda hufnaanta hay’adaha dowladda. Waxa uu ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababbarka, isla markaana aqoonta iyo waayo-aragnimada ay helaan la wadaagaan shaqaalaha kale ee hay’adahooda.

Tababbarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo maamulka dowladda, lagu xoojinayo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta, isla markaana lagu dhisayo adeeg rayid oo casri ah, karti leh, kana jawaabi kara baahiyaha shacabka.

— Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Web: www.ncsc.gov.so

Agaasimaha Guud ee Guddiga Abukar Gacal iyo Axmed Maxamed Xasan oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayid...
25/07/2026

Agaasimaha Guud ee Guddiga Abukar Gacal iyo Axmed Maxamed Xasan oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa Guddiga Farsamada ee Hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka u furay kulan farsamo oo la xiriira daadajinta howlaha farsamo ee dhaqangelinta siyaasaddan.

____________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha
Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Soo Xiray Tababbar Laba Toddobaad SocdayGuddoomiyaha Gudd...
15/07/2026

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Soo Xiray Tababbar Laba Toddobaad Socday

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababbar socday muddo laba toddobaad ah, kaas oo diiradda lagu saaray Horumarinta Anshaxa Shaqada iyo Kor u Qaadista Badqabka Goobta Shaqada.

Tababbarkan ayaa waxaa ka faa’iideystay shaqaale ka kala socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana loo qabtay saddex dufcadood muddadii uu socday. Shaqaalaha ka faa’iideystay waxay isugu jireen xubnaha Guddiyada Goobaha Shaqada, tababbarayaal, madax qeybeedyo, iyo agaasimeyaasha maamulka iyo maaraynta shaqaalaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in tababbarkani uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda uu ku horumarinayo tayada maamulka shaqaalaha rayidka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo anshaxa shaqada, isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo abuurista goobo shaqo oo ammaan ah, caafimaad qaba, isla markaana dhiirrigeliya wax-soo-saarka iyo wada shaqaynta.

Waxa uu sidoo kale ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay aqoonta iyo xirfadaha ay tababbarka ka kororsadeen ku dabaqaan goobahooda shaqo, si loo helo adeeg dowladeed oo tayo leh, hufan, kuna dhisan anshax, mas’uuliyad iyo xirfad.

Tababbarkan ayaa qayb ka ah qorshaha Guddiga ee lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda, kor loogu qaadayo tayada deegaanka shaqada, isla markaana lagu kobcinayo dhaqan shaqo oo ku salaysan ixtiraam, wada shaqayn iyo isla xisaabtan.

Gabagabadii, Guddoomiyaha ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dhammaan ka qaybgalayaashii si guul leh u dhammaystay tababbarka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalkooda iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta tayada adeegga shacabka loo haayo.

____________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha
Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Muqdisho, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Abuukar Gacal, iyo Muda...
14/07/2026

Muqdisho, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Abuukar Gacal, iyo Mudane Axmed Maxamed Xasan, oo ka mid ah xubnaha Guddiga, ayaa si wadajir ah u daahfuray wejiga saddexaad ee Tababbarka Aqoon-isweydaarsiga Horumarinta Anshaxa Shaqada iyo Kor u Qaadista Badqabka Goobta Shaqada

Tababbarkan ayaa waxaa ka faa'iideysanaya shaqaale ka socda qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dowladda, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta anshaxa shaqada, kobcinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo kor u qaadista badqabka goobaha shaqada si loo horumariyo tayada adeegga guud ee dowladda.

____________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha
Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

13/07/2026
Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa soo xiray wejiga labaad ee tababbarka horumarinta an...
13/07/2026

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa soo xiray wejiga labaad ee tababbarka horumarinta anshaxa shaqada iyo badqabka goobta shaqada

Mudane Abuukar Gacal, Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray wejiga labaad ee tababbarka aqoon isweydaarsiga Horumarinta Anshaxa Shaqada iyo Kor u Qaadista Badqabka Goobta Shaqada.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in tababbarkani uu qayb ka yahay dadaallada Guddigu ugu jiro dhisidda goobaha shaqo ee ku dhisan ixtiraam, islaxisaabtan, hufnaan, iyo badqab, kuwaas oo horseedaya jawi shaqo oo wax ku’ool ah, isla markaana sare u qaada tayada adeegyada ay bixiso dowladda.

Munaasabadda xiritaanka waxaa ka qeyb galay Mudane Axmed Maxamed Xasan iyo Mudane Jaamac Maxamed Xuseen, oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda. Mas’uuliyiintu waxay ka qeybgalayaashii ku boorriyeen inay aqoonta, xirfadaha iyo waayo aragnimada ay ka kororsadeen tababbarka ku dabaqaan goobahooda shaqo, si ay uga qayb qaataan kor u qaadista tayada, hufnaanta, anshaxa, iyo waxqabadka adeegga dowladda.

Tababbarka waxaa ka faa’iideystay shaqaale ka kala socday qayb ka mid ah wasaarado iyo hay’ado kala duwan oo dowladda ah, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta anshaxa shaqada, horumarinta waxqabadka shaqaalaha, iyo kor u qaadista badqabka goobaha shaqada.

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda wuxuu sii wadaa hirgelinta barnaamijyo lagu horumarinayo maamulka iyo tayeynta shaqaalaha rayidka dowladda, si loo xaqiijiyo adeeg dowladeed oo tayo leh, hufan, isla markaana waafaqsan halbeegyada maamulka casriga ah.

Gabagabadii, dhammaan ka qeybgalayaashii si guul leh u dhammaystay tababbarka ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin lagu aqoonsanayo ka qeybgalka iyo dhammaystirka tababbarka.

____________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha
Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa si rasmi ah u daahfuray wejiga labaad ee Tababbarka Aqo...
12/07/2026

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa si rasmi ah u daahfuray wejiga labaad ee Tababbarka Aqoon-isweydaarsiga Horumarinta Anshaxa Shaqada iyo Kor u Qaadista Badqabka Goobta Shaqada, kaas oo ay ka faa'iideysanayaan shaqaale ka socda qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dowladda.



✍️ Xafiiska Xiriirka Dadweynaha
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
🌐 ncsc.gov.so
📧 [email protected]

Address

Guriga Hooyooyinka, Hamarwayne
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:30
Tuesday 09:00 - 15:00
Wednesday 09:00 - 15:00
Thursday 09:00 - 12:00
Saturday 09:00 - 15:00
Sunday 09:00 - 15:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya:

Shortcuts

Share