18/08/2026
Urur Siyaasadeedka RAMAAS wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Xuseen Mahadi Macaloow, oo ka tirsanaa Ururka RAMAAS, una ahaa Wakiilka Ururka ee Degmada Balcad, kuna geeriyooday magaalada Balcad.
Ururka RAMAAS wuxuu si gaar ah uga tacsiyeynayaa geerida Marxuumka, isagoo xusuusanaya kaalintii iyo doorkii uu kaga jiray Ururka iyo bulshada uu ka tirsanaa.
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu Marxuum Xuseen Mahadi Macaloow u naxariisto, dambigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo oo u nuuriyo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa.
Qoyskiisa, eheladiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan bahda RAMAAS waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu ka siiyo samir iyo iimaan, kana abaalmariyo samirkooda.
Aamiin Aamiin.