01/06/2026
Isniin 1-June 2026 : Tababar socday Muddo Labo-Maalin ah oo iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Heyβada FCA ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Magalada Muqdisho.
Tababarkaan ayaa waxaa si Wadajir ah u soo qaban qaabiyey Agaasinka Waaxda Qorsheynta iyo Maalgashiga Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasinka Waaxda Biyaha, Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Gudoomiyaha Dhalinyarada Maamulka Gobolka Banaadir.
Tababarkaan ayaa lagu baranayay Arimaha Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada oo ah Mowduuc Xasaasi ah Caalamiyan, Dalkeenana uu ka mid yahay Dalalka wajahaaya dhibaatooyinka ay ku yeesheen Dunida.
Gaba-gabadii waxaa la aas aasay Naadi Dhalinyaro Mutadawaciin ah oo u taagan ka qeyb qaadashada Wacyigalinta iyo Maareynta Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.
Waxaana loogu waqlalay ( Naadiga Dhalinyarada Deegaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir) Waxaana goobta lagu doortay Gudoonka Naadiga.
Naadigaan ayaa sameen doona Wacyigalinta Adeegsiga Agabka ku haboon Deegaanka, Ka digista qataraha, ka qeyb qaadashada Ololayaasha Nadaafada iyo Dhir Beerista iyadoo la kaashanaayo Heyβadaha Heer Gobol iyo Heer Faderaal ee ku shaqada leh Inshallah.
Ugu danbayn Gudoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banadir Mudane Omar Faruk ayaa soo xiray tababarka asagoona urajeeyay dhamaan dhalinyarada ka qeyb gashay tababarka iyo Sidookale Naadiga deeganka ee goobta lagu dhisay dadaal ,Karti iyo hufnaan Inay ugu adeegaan degaanka iyo guud ahaan Caasimada.
Wabillahi Towfiiq
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir
===========βππππππππβ===========