08/10/2026
Danjire Ferhat Alkan ayaa booqday Dekedda Alport ee Muqdisho, halkaas oo uu warbixin ku saabsan hawlaha dekedda ka dhageystay Ahmet Sami İşler, Maareeyaha Guud ee Albayrak Group Soomaaliya.
Casriyeynta Dekedda Muqdisho, oo ah maalgashi muhiim ah oo ay qaybta gaarka loo leeyahay ee Turkigu ka samaysay Soomaaliya, waxay gacan ka geysaneysaa kordhinta awoodda dekedda, sare u qaadista mugga ganacsiga, abuurista fursado shaqo iyo kordhinta dakhliga dowladda. Sidaas darteed, Dekedda Muqdisho waxay door muhiim ah ka sii qaadaneysaa horumarinta dhaqaalaha iyo barwaaqada Soomaaliya.
Maalgelinta iyo horumarinta dekeddu waxay sidoo kale xoojinayaan kaalinteeda ay ku leedahay isku xirka Soomaaliya iyo suuqyada caalamka.
Sida lagu xusay Tusmada Waxqabadka Dekedaha Konteenarrada (CPPI) ee 2025, Dekedda Alport ee Muqdisho ayaa sare uga kacday kaalinta 163-aad una gudubtay kaalinta 127-aad ee qiimeynta caalamiga ah. Waxay sidoo kale gashay kaalinta 6-aad ee Afrika iyo kaalinta 2-aad ee Bariga Afrika.
Iyadoo loo marayo maalgashiga ay sameeyaan hay’adaha dowladda iyo qaybta gaarka loo leeyahay, Türkiye waxay sii waddaa taageeridda horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, iyadoo xoojinaysa iskaashiga dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee labada dal.
🇹🇷🤝🇸🇴
Ambassador Ferhat Alkan visited the Alport Mogadishu Seaport, where he was briefed on the port’s operations by Ahmet Sami İşler, General Manager of Albayrak Group Somalia.
The modernization of the Mogadishu Port, a significant investment by the Turkish private sector in Somalia, is contributing to increasing the port’s capacity, expanding trade volumes, creating employment and increasing government revenues. As such, Mogadishu Port is playing an increasingly important role in Somalia’s economic development and prosperity.
Thanks to this investment by the Turkish private sector, Mogadishu Port continues to grow stronger.
According to the 2025 Container Port Performance Index (CPPI), Mogadishu Alport Port rose from 163rd to 127th place in the global ranking. It also ranked 6th in Africa and 2nd in East Africa.
Through direct investments by public institutions and the private sector, Türkiye continues to support Somalia’s development and prosperity as a staunch international partner.
🇹🇷🤝🇸🇴