13/04/2015
Wasiirka Waxbarashada oo ka qeybgashay munaasabada todobaadka dhir beerista Soomaaliya
(Muqdishu) Munaasabada oo qeyb ka aheyd xuska todobaadka Dhir beerista Soomaaliya oo maanta lagu qabtay magaaladda Muqdisho waxaa ka qeyb galay Wasiirka waxbarashada Soomaaliya,mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ,Maamulka Jaamacada Umadda Soomaaliyeed arday iyo marti sharaf kale.
Munaasabada oo looga hadlay micnaha ay Dhirta u leedahay Aadanaha ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay agaasimaha maamulka iyo maaliyada ee Wasaarada Xanaanada xoolaha Dhirta iyo Daaqa sidoo kalena xubin ka ah gudiga qaban qaabada munaasada todobaadka Dhirta Soomaaliya ,wuxuuna ku baaqay in qof walba oo Soomaali ah uu ka qeyb qaato dib usoo nooleynta Dhirta Soomaaliya.
Hormuudka Kuliyada Beeraha ee Jaamacada Umadda Soomaliyeed C/raxmaan Jaamac Ducaale ayaa ugu baaqay madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed in Dhirta beeristeeda aan hal maalin keliya lagu ekeyn loona baahanyahay in mar kasta la beero.
http://moesomalia.net/somali/wasiirka-waxbarashada-oo-ka-qeybgashay-munaasabada-todobaadka-dhir-beerista-soomaaliya/