Xisbiga Xaqsoor

Xisbiga Xaqsoor Xaqsiinta Muwaaddinka iyo Xilkasnimo Qaran

Munaasabadda xuska dhalashada Nebigeenna Muxammad ﷺ, waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta la wadaagaynaa...
25/08/2026

Munaasabadda xuska dhalashada Nebigeenna Muxammad ﷺ, waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta la wadaagaynaa xuska iyo jacaylka Rasuulkeenna ﷺ

25/08/2026

Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka ugu hambalyaynayaa munaasabadda Mowliidka Nabigeenna Suubban, Muxammad (NNKH).

Munaasabadda qiimaha badan waa fursad aynu ku xasuusanno noloshii, akhlaaqdii, naxariistii, iyo hanuunkii uu inoo horseeday Rasuulkeenna Muxammad (NNKH), innaga oo ku dadaaleyna in aynu ku dayanno sunnadiisa iyo dhaqankiisii suubbanaa

Waxaan Alle SWT, ka baryayaa in uu inaga yeelo kuwa si dhab ah u raaca Rasuulkeenna (NNKH), isla markaana uu innaga aqbalo camalkeenna suuban.

Mowliid Mubaarak dhammaan Muslimiinta.
‎اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد

Arrinta dhul boobka ee ay dowladda waddo iyo barakicinta dadka rayidka ah waxay gaartay heer bahalnimo, mana ahan wax la...
23/08/2026

Arrinta dhul boobka ee ay dowladda waddo iyo barakicinta dadka rayidka ah waxay gaartay heer bahalnimo, mana ahan wax la qaadan karo, waxaa dadka Soomaaliyeed lagu dulaysanayaa sharcigii dowladnimada oo loo adeegsanayo danaysi gaar ah. Isbahaysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran wuxuu garab taagan yahay dulmanayaasha, iyadoo ay tahay waajib saaran muwaadin kasta in uu doorkiisa ka qaato joojinta falalka naxariis darrada ah ee ay waddo dowladda wakhtigeedii dhammaaday oo aan haysan wax sharci ah. Aan u istaagno innagoo midaysan in aan joojino xadgudubyada loo geysanayo dadkeenna.

KULANKA KOOWAAD EE GUDDOONNADA DEGMOYINKA GOBOLKA BANAADIRMaanta waxaa qabsoomay kulankii koowaad ee Hoggaanka Garabka D...
20/08/2026

KULANKA KOOWAAD EE GUDDOONNADA DEGMOYINKA GOBOLKA BANAADIR

Maanta waxaa qabsoomay kulankii koowaad ee Hoggaanka Garabka Dhallinyarada Gobolka Banaadir ee Xisbiga Xaqsoor iyo Guddoonnada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Banaadir, mudane Abdisalan Cali geesey.
iyadoo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka marwo sucdi Abdi Jiinoow iyo Xoghayaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Banaadir Amiin muhumed shire .

Kulanka waxaa looga hadlay muhiimadda aaya-ka-tashiga Guddoonnada Degmooyinka, jihaynta iyo qorsheynta howlaha, daadejinta iyo daahfurnaanta hawlaha Xisbiga, iyo xoojinta u-heellanaanta iyo joogteynta waxqabadka.

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo midnimada, wada-shaqeynta, isku-duubnida iyo waxqabadka Garabka Dhallinyarada Gobolka Banaadir, iyadoo la dhisayo hannaan shaqo oo mideysan oo heer degmo iyo heer gobol ah.

“Dhallinyaro mideysan, hoggaan hufan, iyo waxqabad joogto ah.”





𝐃𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 & 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚Isbahaysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran ayaa qabtay kulan diiradda lagu saa...
11/08/2026

𝐃𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 & 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚

Isbahaysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran ayaa qabtay kulan diiradda lagu saaray xoojinta doorka haweenka iyo ka-qeybgalka arrimaha siyaasadda, hoggaanka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna.

06/08/2026

Doorasho loo dhan yahay waxay u baahan tahay ka-qaybgal loo dhan yahay.

Isbaheysiga Xaqsoor & Haybad Qaran wuxuu martigelinayaa kulan lagu falanqeynayo doorka haweenka ee horumarinta dimuqraadiyadda iyo siyaasadda Soomaaliya.

05/08/2026
Waxaa maanta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Xaqsoor ka qabsoomay kulan uu shir-guddoominayay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Mudane...
02/08/2026

Waxaa maanta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Xaqsoor ka qabsoomay kulan uu shir-guddoominayay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Mudane Cabdixakiin Cige, kaas oo uu soo qabanqaabiyey Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdimaajid Cabdullaahi Cabdikariim (SIISII), iyadoo uu ka qayb qaatay Guddoonka Dhallinyarada Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha ardayda jaamacadaha Gobolka Banaadir, waxaana diiradda lagu saaray isbarasho iyo is-weydaarsi, la wadaagidda aragtida Xisbiga Xaqsoor ee ku aaddan horumarinta ardayda jaamacadaha, iyo qorshayaasha Xisbiga ee la xiriira tababarrada hoggaaminta, doodaha cilmiyeed, iyo barnaamijyada horumarineed.

Gabagabadii, Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Mudane Cabdixakiin Cige, ayaa ku boorriyey guddoomiyeyaasha ardayda inay xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin Xisbiga, kana faa’iidaystaan fursadaha tababarrada iyo barnaamijyada horumarineed, isagoo adkeeyey in dhallinyaradu ay yihiin laf-dhabarta horumarka iyo dhismaha mustaqbalka Soomaaliya.

Address

Airport Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Xaqsoor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xisbiga Xaqsoor:

Shortcuts

Share