BRA Directorate of Water, Enviroment & Climate Change

BRA Directorate of Water, Enviroment & Climate Change Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from BRA Directorate of Water, Enviroment & Climate Change, Government Organization, HQ Benadir Local Government, Mogadishu.

The Department of Water, Environment and Climate Change works to ensure access to clean water, protect the environment, and build climate resilience in the Benadir Region.

XUSKA MAALINTA DEEGAANKA ADDUUNKA 5-TA JUUN, 2026 Maanta oo ay tahay 5-ta Juun, waxaan xusaynaa Maalinta Deegaanka Adduu...
05/06/2026

XUSKA MAALINTA DEEGAANKA ADDUUNKA 5-TA JUUN, 2026

Maanta oo ay tahay 5-ta Juun, waxaan xusaynaa Maalinta Deegaanka Adduunka, Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Gobolka Banaadir oo adkeyneyna muhiimadda Maalintaan waxaa ka go'an ilaalinta deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

Deegaanka waa nolosheenna; ilaalintiisuna waa waajib wada saaran dhammaanteen.”


Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay aqoon-is-weydaarsi ku...
03/06/2026

Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Maareynta Khayraadka Dabiiciga ah iyo Nabadda (Peace-Positive Natural Resources Management), oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS iyo Machadka Nabadda ee Yurub (European Institute of Peace). Kulanka waxaa ka soo qayb galay wasaarado heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah.

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada, khayraadka dabiiciga ah iyo nabadda, iyadoo lagu falanqeeyay habab wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo maareynta khayraadka dabiiciga ah, adkeysiga bulshada iyo yareynta khilaafaadka la xiriira saameynta isbeddelka cimilada.

03/06/2026

Agaasimaha Waaxda Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Gobolka Banaadir ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaaliyaan badqabka deegaanka, iyadoo ay foodda nagu soo hayso Maalinta Degaanka Adduunka.

Howlwadeenno ka tirsan Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb gal...
02/06/2026

Howlwadeenno ka tirsan Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay tababar laba maalmood socday oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda FCA.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha deegaanka, isbeddelka cimilada, Maamul Wanaaga iyo kor u qaadidda wacyigelinta bulshada. Waxaa ka qeyb galay howl-wadeenno iyo dhalinyaro ka socotay Degmooyinka, iyadoo lagu xoojinayay doorkooda ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo la tacaalidda caqabadaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ayaa ku bogaadiyay ka qeybgalayaasha tababarka, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay aqoontii ay kororsadeen uga faa’iideeyaan bulshada isla markaana sii xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

30/05/2026

Agaasimaha Biyaha,Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo maanta kormeer ku tagay ceelasha biyaha ee ku yaalla Degmada Kaxda.

30/05/2026

Agaasimaha Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo maanta kormeer shaqo ku tagay ceelasha biyaha ee ku yaalla Degmada Kaxda.

Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Degm...
30/05/2026

Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Degmada Kaxda, si loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada biyaha iyo ilaalinta deegaanka.

Intii uu socday kormeerka, Agaasime Mahad Baraawe , ayaa shaaca ka qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu bilaabayo hirgelinta nidaam adag oo lagu hubinayo tayada biyaha ay isticmaalaan shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya dhammaan adeegyada biyaha ee la gaarsiinayo bulshada ay mari doonaan hubin iyo kormeer, si loo xaqiijiyo in biyaha la isticmaalo ay yihiin kuwo nadiif ah, caafimaad qaba, isla markaana waafaqsan heerarka tayada ee loo dejiyey adeegyada biyaha.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah qorshaha istaraatiijiyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu tayeynaayo adeegyada biyaha, lagu ilaalinayo Deegaanka, laguna xaqiijinayo helitaanka biyo nadiif ah, ammaan ah, oo waara dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

29/05/2026

Ilaalinta Deegaanku waa masuuliyad siwada jir ah noowada saaran aan ilaashano deegaanka.

Agaasinka Biyaha, Deegaanka & Isbadalka Cimilada Maamulka Gobolka Benaadir Mudane Mahad Baraawe Ayaa maanta booqasho Sha...
21/05/2026

Agaasinka Biyaha, Deegaanka & Isbadalka Cimilada Maamulka Gobolka Benaadir Mudane Mahad Baraawe Ayaa maanta booqasho Shaqo ku tagay Kisumu Water and Sanitation Company (KIWASCO), oo door weyn ka qaadata adeegyada biyaha iyo fayadhowrka magaalada Kisumu iyo nawaaxigeeda ee Dalka kenya 🇰🇪

Agaasimaha ayaa soo kormeeray sida eey u shaqeeyso shirkada KIWASCO & nidaamyada eey ku howlgasho
• Bixinta biyaha nadiifka ah
• Maareynta bulaacadaha iyo sewage-ka
• Ilaalinta deegaanka iyo biyaha
• Daaweynta wastewater-ka kahor inta aan dib loo sii deynin ama loo adeegsan.

KIWASCO waxay tusaale wanaagsan u tahay sida adeegyada biyaha iyo sanitation-ku uga qeyb qaadan karaan caafimaadka bulshada, ilaalinta deegaanka, iyo adkeysiga isbeddelka cimilada.

Kisumu - Kenya Agaasinka  Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Mahad Cabdi Faa...
18/05/2026

Kisumu - Kenya

Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Mahad Cabdi Faarax, ayaa ka qeybgalaya shir muhiim ah oo ka socda magaalada Kisumu ee dalka Kenya, kaas oo la xiriira barnaamijka “Citywide Inclusive Sanitation (CWIS) Toolkit program for Somali Cities”, shrkaas oo socondona 18–23 May 2026.

Mudane Mahad ayaa sheegay in shirkan ay isugu yimaadeen masuuliyiin iyo khubaro ka kala socda dowlad-goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha biyaha, deegaanka, caafimaadka, iyo fayadhowrka.

Shirkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraaye Horumarinta fayadhowrka magaalooyinka,Maareynta wasakhda musqulaha (Faecal Sludge Management), Adeegyada sanitation-ka ee loo siman yahay iyo dhisidda nidaamyo nadaafadeed oo waara isla markaana u adkeysan kara isbeddelka cimilada

Sidoo kale, shirkan wuxuu muhiim u yahay xoojinta wada shaqeynta hay’adaha, is-dhaafsiga khibradaha, iyo barashada xalal casri ah oo lagu horumarin karo adeegyada sanitation-ka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Agaasimuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey Bangiga Adduunka (World Bank) iyo dhammaan qabanqaabiyeyaasha iyo khubarada fududeynaya shirkan sido kale sheegay in shirkani yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka magaalooyin nadiif ah, caafimaad qaba, isla markaana waara.

Address

HQ Benadir Local Government
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when BRA Directorate of Water, Enviroment & Climate Change posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share