15/08/2026
Waxaa si rasmi ah loo soo gebagebeeyey Toddobaadka U-adkaysiga Cimilada Muqdisho 2026 (MCRW2026), oo diiradda lagu saaray kor u qaadista wacyiga bulshada, fahamka saameynta isbeddelka cimilada, iyo sidii Muqdisho loogu diyaarin lahaa mustaqbal cimilo ahaan adkaysi leh.
Munaasabadda xiritaanka oo lagu qabtay Xarunta Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, waxaa si rasmi ah u soo xiray Agaasimaha Waaxda Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Mahad Abdi Farah (Baraawe). Toddobaadka waxaa lagu soo gunaanaday olole dhir-beeris ah, kaas oo xambaarsanaa farriin muhiim ah oo ku saabsan doorka dhirtu ku leedahay ilaalinta deegaanka, yaraynta saameynta kulaylka iyo xoojinta adkaysiga magaalooyinka.
Intii uu socday toddobaadku, waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimo muhiim u ah mustaqbalka Muqdisho, oo ay ka mid yihiin u-adkaysiga cimilada, saameynta El Niรฑo, maaraynta qashinka, amniga biyaha, ilaalinta deegaanka, doorka bulshada, cilmi-baarista iyo horumarinta xalal waara oo lagula tacaalayo isbeddelka cimilada.
Toddobaadku wuxuu sidoo kale ahaa madal lagu mideeyey hayโadaha dowladda, khubarada, aqoonyahannada, bulshada iyo daneeyayaasha kale, si loo xoojiyo wada-tashiga, aqoon-wadaagga iyo iskaashiga looga hortagayo caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Hassan Mohamed Hussein Muungaab, taageerada iyo dhiirrigelinta uu u fidiyey dadaallada lagu xoojinayo u-adkaysiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka caasimadda.
Muqdisho u adkaysata isbeddelka cimiladu waxay ka bilaabataa ficilka maanta โ geed la beero, deegaan la ilaaliyo, iyo bulsho la wacyigeliyo.