Central Bank of Somalia

Central Bank of Somalia Kani waa bogga rasmiga ah ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. The Central Bank of Somalia was established in 1960 as the countryโ€™s financial regulatory institution.

After years of insecurity, fragility, and economic decline due to the collapse of the state in 1991, The Central Bank was revived and strengthened with the CBS Act of 2012. The Act laid a new foundation to regulate and boost the countryโ€™s finance sector and facilitate economic growth.

๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฒ๐—น๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ (๐—ฆ๐—ข๐— -๐—™๐—”๐—ฆ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ)Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS), isaga oo kaas...
18/08/2026

๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฒ๐—น๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ (๐—ฆ๐—ข๐— -๐—™๐—”๐—ฆ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ)

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS), isaga oo kaashanaya Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed (SNBS), wuxuu si rasmi ah usoo saaray Warbixin ku saabsan Sahanka Helitaanka Adeegyada Maaliyadeed ee Dalka (Somalia Financial Access Survey - SOM-FAS2026). Warbixintan oo ah tii ugu horreysay nooceeda ah, kuna salaysan sahan heer qaran ah, waxay muujinaysaa xaaladda dhabta ah ee isticmaalka adeegyada maaliyadeed ee qoysaska iyo ganacsiyada yaryar (MSMEs) ee dalka.

Natiijada kasoo baxday sahanka waxay aasaas u noqon doontaa Istaraatiijiyad heer qaran ah, oo hagi doonta adeegyada maaliyadeed ee dalka inay noqdaan kuwo si fudud loo heli karo โ€œNational Financial Inclusion Strategy (NFIS)โ€.

๐™Ž๐™ž ๐™–๐™–๐™™ ๐™ช ๐™–๐™ ๐™๐™ง๐™ž๐™จ๐™–๐™ฉ๐™ค ๐™’๐™–๐™ง๐™—๐™ž๐™ญ๐™ž๐™ฃ๐™ฉ๐™– ๐™ค๐™ค ๐™™๐™๐™–๐™ข๐™ข๐™š๐™ฎ๐™จ๐™ฉ๐™ž๐™ง๐™–๐™ฃ ๐™›๐™–๐™™๐™ก๐™–๐™ฃ ๐™œ๐™ช๐™Ÿ๐™ž ๐™ก๐™ž๐™ฃ๐™ -๐™œ๐™– ๐™๐™ค๐™ค๐™จ๐™š:
https://centralbank.gov.so/somalia-financial-access-survey-report-2026/

๐—ฆ๐—›๐—œ๐—ฅ-๐—–๐—œ๐—Ÿ๐— ๐—œ๐—ฌ๐—˜๐—˜๐——๐—ž๐—” ๐Ÿฐ๐—”๐—”๐—— ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—œ๐—ฌ๐—”๐—”๐—ฆ๐—”๐——๐——๐—” ๐——๐—›๐—”๐—ค๐—”๐—”๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—•๐—”๐—ก๐—ž๐—œ๐—š๐—” ๐——๐—›๐—˜๐—ซ๐—˜ ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—”Muqdisho, 29-ka Luulyo 2026 โ€“ Waxaa magaalada ...
30/07/2026

๐—ฆ๐—›๐—œ๐—ฅ-๐—–๐—œ๐—Ÿ๐— ๐—œ๐—ฌ๐—˜๐—˜๐——๐—ž๐—” ๐Ÿฐ๐—”๐—”๐—— ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—œ๐—ฌ๐—”๐—”๐—ฆ๐—”๐——๐——๐—” ๐——๐—›๐—”๐—ค๐—”๐—”๐—Ÿ๐—”๐—›๐—” ๐—•๐—”๐—ก๐—ž๐—œ๐—š๐—” ๐——๐—›๐—˜๐—ซ๐—˜ ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—”

Muqdisho, 29-ka Luulyo 2026 โ€“ Waxaa magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeeyay shir-sanaadeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha, oo uu soo qabanqaabiyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS). Shirkan, oo socday laba maalmood, ayaa si weyn loogu lafaguray xasilloonida maaliyadeed ee dalka iyo saameynta dhimista taageerada dhaqaale ee dibedda (development aid reduction) ku yeelan karto dhaqaalaha guud ee dalka.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 40 Hay'adood oo ay ka mid ahaayeen:
โ€ข Wasaarado iyo hayโ€™ado dowladeed
โ€ข Hayโ€™ado caalami ah, sida Bangiga Adduunka
โ€ข Ururka Bangiyada Soomaaliyeed (SBA)
โ€ข Ururka Xawaaladaha Soomaaliyeed
โ€ข Ururka Shirkadaha Amaahda Yar-yar (Microfinance Association)
โ€ข Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed
โ€ข Bangiyada dalka
โ€ข Shirkadaha Caymiska Dalka
โ€ข Jaamacadaha dalka
โ€ข Machadyada Cilmi-baarista
โ€ข Cilmi-baarayaal iyo khubaro dhaqaale

Shirka sixaa si rasmi ah u furay wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige. Wasiirku wuxuu Bankiga Dhexe ku ammaanay qaban-qaabada shirkan sannadlaha ah, isaga oo tilmaamay muhimadda uu shirka siyaasadda dhaqaalaha u leeyahay hormarinta iyo xasilloonida maaliyadeed ee dalka. Wasiirku wuxuu ku booriyey dhammaan hayโ€™adaha dowladda inay si wadajir iyo iskaashi ku jiro uga wadashaqeeyaan arrimaha hortebinta u leh kobcinta dhaqaalaha dalka.

Guddoomiyaha Bakgiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa soo dhaweeyay kaqayb-galayaasha, isagoo ka warbixiyay dadaallada xooggan ee Bankiga Dhexe ku tallaabsaday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay si loo kordhiyo xasilloonida maaliyadeed ee dalka.
Shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo daraasado ku saabsan dhaqaalaha dalka iyo dood cilmiyeedyo xiiso badan leh, oo daraasadahaas la xiriira, oo khubaro dhaqaale-yaqaan ah ay ka qayb galeen.

Gudoomiye Ku-xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Dr. Cali Yaasiin Sheek Cali, oo isna khudbad ka jeediyey madasha ayaa faahfaahiyey Warbixinta Sahanka Helitaanka Adeegga Maaliyadeed oo uu Bankiga Dhexe dhowaan dalka ka sameeyey, isaga oo kaashanaya hayโ€™adaha kala duwan ee dalka, gaar ahaan Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka.

Xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Sare ee Bankiga, oo ay ka mid ahaayeen Prof. Xuseen Warsame iyo Dr. Aways Sheekh, ayaa iyana jeediyey khudbado muhiim ah. Iyaga oo soo jeediyey talooyin la xiriira hormarinta dhaqaalaha dalka iyo tayeynta hayโ€™adaha dowladliga ah.

Gabagabadi shirka waxaa si rasmi ah u soo xiray Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, oo iyana ka tirsan Guddiga-maamulka Sare ee Bangiga Dhexe (BDhS), iyada oo mahadcelin ballaaran u jeedisay dhammaan ka qeybgalayaasha iyo qabanqaabiyeyaasha shirka.

24/07/2026

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) wuxuu dhowaan qaban doonaa Shir Cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha, kaas oo lagu soo bandhigi doono cilmi-baarisyo, warbixino maaliyadeed iyo siyaasado dhaqaale oo hortabin u leh horumarka dalka.

๐Ÿ‘‡ ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ก๐จ๐จ๐ฌ๐ž waxa uu soo koobayaa qodobada lagu falaqeyn doono Shir Cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha.


Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee SPS, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulla...
23/07/2026

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee SPS, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa qoraal cinwaankiisu yahay โ€Somaliaโ€™s instant payment system powering economyโ€ ku daabacay wargeyska Business Daily.

Maqaalkan, wuxuu Guddoomiyuhu ku iftiimiyay sida hannaanka lacag-wareejinta degdega ah ee Soomaaliya (SIPS) uu wax badan uga beddeli doono ganacsiga iyo isu-socodka maaliyadeed ee digital-ka ah.

Si aad u akhriso maqaalka oo dhammeystiran, guji lifaaqan: https://www.businessdailyafrica.com/bd/opinion-analysis/columnists/somalia-s-instant-payment-system-powering-economy-5535414


Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) wuxuu dhowaan magaalada Muqdisho ku qaban doonaa Shir-cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda...
22/07/2026

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) wuxuu dhowaan magaalada Muqdisho ku qaban doonaa Shir-cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha, oo dhici doona 28-ka illaa 29-ka Luulyo 2026.

Shirka sanadkan waxaa looga hadli doonaa Xoojinta Xasilloonida Maaliyadeed ee Dalka: Dhisidda Hay'ado Adkeysi leh, Horumarinta Kaabayaasha Maaliyadeed iyo Maareynta Khataraha.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (๐๐ƒ๐ก๐’) waxaa dhowaan u qabsoomay Seminaarkii 10aad ee taxanaha Aqoon-kororsiga shaqaalaha iy...
19/07/2026

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (๐๐ƒ๐ก๐’) waxaa dhowaan u qabsoomay Seminaarkii 10aad ee taxanaha Aqoon-kororsiga shaqaalaha iyo maamulka Bankiga, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Seminaarkan oo ay soo qabanqaabisay ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐—๐จ๐ ๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก (๐ˆ๐“) ee Bankiga Dhexe waxa uu ku saabsanaa Casriyeynta Tignolojiyadda Bankiga Dhexe iyo Horumarinta Hal-abuurka Dijitaalka ah, iyadoo la raacayo halbeegyada amniga tignoolojiyadda ee Caalamiga ah, waxaana si rasmiga ah u furay Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga Dhexe, ๐ƒ๐ซ. ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐˜๐š๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ง ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐ก.

Intii uu socday Aqoon-kororsigu, waxaa looga dooday qodobo muhiimka ah oo ay ka mid yihiin:
- Wacyigelinta Halbeegyada ku asteysan heerk maamulka xogta ee ๐ˆ๐’๐Ž/๐ˆ๐„๐‚ ๐Ÿ๐Ÿ•๐ŸŽ๐ŸŽ๐Ÿ:๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ, oo muhiin u ah hirgelinta halbeegyada caalamiga ah ee amniga macluumaadka.
- Hormarka iyo Isbeddelka dhijitaalka ah ee uu Bankigu sameeyay mudadii u dhaxaysay (2020โ€“2026).

Siminaarkan iyo kuwa lamid ah oo uu Bankigu sanad walba u qabto shaqaalihiisa waxay muujinayaan sida Bankiga Dhexe uga goโ€™an tahay in la hormariyo aqoonta iyo wada shaqeynta shaqaalaha, si loo gaaro hilmilooyinka fog ee Bankiga.

#๐๐š๐ง๐ค๐ข๐ ๐š๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž๐„๐ž๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š #๐ƒ๐ข๐ ๐ข๐ญ๐š๐ฅ๐ˆ๐ง๐ง๐จ๐ฏ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง
#๐‚๐ฒ๐›๐ž๐ซ๐’๐ž๐œ๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐ฒ #๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐š๐ฅ๐‚๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐œ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan soo gebagebeeyay Siminaar muddo todobaad ah u socday Agaasimeyaasha Bankiga. Si...
21/06/2026

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan soo gebagebeeyay Siminaar muddo todobaad ah u socday Agaasimeyaasha Bankiga. Siminaarka oo ku saabsanaa hoggaaminta iyo fulinta istaraatiijiyadda, waxaa fududeeyey khubaro ka socota Machadka Dhaqaalaha iyo Maareynta Maaliyadda ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (MEFMI).

Aqoon-kororsigan waxaa lagu falanqeeyay xoojinta hoggaaminta, maareynta iyo dhaqan gelinta qorshaha istaraatiijiga ah, iyadoo xoogga la saarayo in qorshahaas loo tarjumo natiijooyin la cabbiri karo.

Xoojinta xirfadda maamul ee Agaasimeyaasha Bangiga waxay lagama-maar-maan u tahay in la dhiso bangi dhexe oo casri ah, adkeysi leh, isla-markaana hanan kara hadafkiisa istaraatiijiga ah.
Bankiga Dhexe waxaa ka goโ€™an kobcinta xirfadda shaqaalahiisa iyo xoojinta kartida maamulkiisa.

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 18ka Juun 2026, wuxuu Bankiga Dhexe qabtay kulan farsamo, oo ku saabsan hannaanka lacag-wa...
18/06/2026

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 18ka Juun 2026, wuxuu Bankiga Dhexe qabtay kulan farsamo, oo ku saabsan hannaanka lacag-wareejinta ee loo yaqaan PAPSS (Pan-African Payment and Settlement System). Kulanka waxaa kasoo qaybgalay banyida dalka, SPS (Somali Payment Switch) iyo wafti ka socday PAPSS.

Kulankan oo uu si rasmi ah u furay guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaa looga hadlay sidii bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalku ay faham buuxa uga heli lahaayeen adeegyada uu bixiyo hannaanka PAPSS, sida shaqeeyo iyo sida ugu fudud ee dhammaan Bangiyada dalku qeyb uga noqon karaan PAPSS, Bankiyada ku xirma PAPSS waxay awood u yeelan doonaan in ay macaamiishooda lacag u diri karaan ama wax ka iibsan karaan dhammaan dalalka qaaradda Africa.

Marka la dhammaystiro isku xirka PAPSS iyo Somali Payment Switch, waxay bangiyadeenu ku biiri doonaan shebekad bangiyo Afrikaan ah, oo ka badan 190 bangi. Tani tilaabo weyn oo loo qaaday dhanka isku xirka Bangiyada dalka iyo kuwa caalamka.

๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐œ๐š๐ -๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐œ๐š (๐๐€๐๐’๐’)Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) wuxuu si rasmi ah ugu ...
31/03/2026

๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐œ๐š๐ -๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐œ๐š (๐๐€๐๐’๐’)

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) wuxuu si rasmi ah ugu biiray hannaanka lacag-bixinta ee loo yaqaan PAPSS (Pan-African Payment and Settlement System), oo ah nidaam isku xira lacag-wareejinta ee waddamada qaaradda Afrika.

Tallaabadan muhiimka ah waxay qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo nidaamka maaliyadda dalka, si'uu u noqdo mid casri ah, oo dunida ku xiran, isla markaana fududeynaya:

โ€” Adeegga lacag-bixinta dalka iyo dibeddaba.
โ€” Isku xirnaanta nidaamyada maaliyadeed ee heer qaaradeed.
โ€” Kor u qaadista ganacsiga iyo is-dhexgalka dhaqaale ee qaaradda Africa.
โ€” Soojiidashada Maalgashiga ee Soomaaliya.

Soomaalidu waa dad caan ku ah hal-abuurka ganacsiga iyo maalgashiga, lehna taariikh dheer oo ku saabsan isku la macaamilka suuqyada dibedda. Ka midnoqoshada hannaanka PAPSS waxay sii xoojinaysaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee aynu la leenahay qaaradda, iyadoo u sahleysa ganacsatada Soomaaliyeed in ay si sahlan oo degdeg ah, ula macaamilaan suuqyada Afrika, kana faaโ€™iidaystaan fursadaha ganacsi ee sii kordhaya.

Bankiga Dhexe waxaa ka go'an horumarinta kaabayaasha maaliyadeed ee dalka, si loo helo hannaan maaliyadeed oo xasilloon, isla markaana waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee caalamka.





Address

55 Corso
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252615309060

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Central Bank of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Central Bank of Somalia:

Shortcuts

Share