Qasahdheere Primary & Secondary School

  • Home
  • Qasahdheere Primary & Secondary School

Qasahdheere Primary & Secondary School Waa Hoyga Aqoonta Degmada Qansaxdhere

Maamulka dugsigu wuxuu si weyn u bogaadinayaa ardaygeenna Cabdullaahi Luxub Cali Aadan, oo ka mid ahaa ardaydii fasalka ...
30/06/2026

Maamulka dugsigu wuxuu si weyn u bogaadinayaa ardaygeenna Cabdullaahi Luxub Cali Aadan, oo ka mid ahaa ardaydii fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026 kana soo jeeda degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay.

Inkastoo uu soo maray duruufo adag iyo dhaawacyo culus, haddana k**a uusan quusan waxbarashadiisa wuxuu sii watay dadaalkiisii waxbarasho, isaga oo ka mid noqday ardaydii u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee Wasaaradda Waxbarashada.

Cabdullaahi wuxuu astaan u yahay adkaysiga, dadaalka iyo go'aanka adag. Wuxuu farriin dhiirrigelin ah u yahay dhammaan ardayda Soomaaliyeed, isagoo muujiyay in caqabaduhu aysan hor istaagi karin qofka leh himilo iyo rabitaan uu ku gaaro guul.

Maamulka iyo Macalimiinta Dugsigu wuxuu Cabdullaahi u rajaynayaa guul iyo mustaqbal ifaya, wuxuuna Alle uga baryayaa caafimaad, barako iyo horumar joogto ah.

Hambalyo Cabdullaahi, waxaad tahay tusaale lagu daydo. 🇸🇴📚

Hambalyo geesiga ardayga ah Cabdullaahi Luxub Cali Aadan, Sheekadaadu waa cashar ku saabsan adkaysi, waddaniyad iyo himi...
29/06/2026

Hambalyo geesiga ardayga ah Cabdullaahi Luxub Cali Aadan, Sheekadaadu waa cashar ku saabsan adkaysi, waddaniyad iyo himilo. Waxaad caddeysay in caqabad kasta laga gudbi karo marka uu qofku leeyahay go'aan adag iyo jacayl uu u qabo waxbarashada. Dugsi ahaan, aad ayaan kuugu faanaynaa, waxaanan kuu rajaynaynaa guulo waaweyn oo waxbarasho iyo nololeed. Ilaahay ha kuu barakeeyo dadaalkaaga, hana kuu fududeeyo mustaqbal ifaya iyo Natiijo Facn 🌹📚🇸🇴

Ardaygani oo lagu macagaabo Cbdulaahi Luxub Cali Aadan waxa uu kamid ahaa fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026, kana soo jeeda degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay, sidoo kale waa askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana muujiyay adkaysi, geesinimo iyo go'aan adag oo ku aaddan waxbarashadiisa.

Degmada Qansax Dheere waxaa marar kala duwan oo weeraray kooxda khawaarijta Al-Shabaab, laba jeer ayuu ku dhaawacmay, waxaana uu ku waayay gacantiisa midig isagoo gudanaya waajibaadkiisa. Hase yeeshee, dhaawacyadaasi k**a hor istaagin inuu sii wato waxbarashadiisa iyo himiladiisa nololeed.

Sannadkan, wuxuu ka mid noqday ardaydii u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee ay qabatay Wasaaradda Waxbarashada, isaga oo rajo weyn ka qaba inuu gaaro mustaqbal ifaya.

Sheekada ardaygani waxay astaan u tahay adkaysiga, waddaniyadda, dadaalka iyo qiimaha ay waxbarashadu u leedahay qof kasta, iyadoo caddeyn u ah in duruufaha adag aysan hor istaagi karin himilooyinka iyo guusha qofka go'aanka adag leh.

Guud ahaan tirada ardeyda ee sanadkan 2026 u fadhiisatey imtixaanaadka 8aad iyo 12aad ee Soomaaliya waa 204,493.
28/06/2026

Guud ahaan tirada ardeyda ee sanadkan 2026 u fadhiisatey imtixaanaadka 8aad iyo 12aad ee Soomaaliya waa 204,493.

🎉 Hambalyo Ardayda    iyo Guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed 🎉Waxaan hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa dhammaan ardayda Sh...
26/06/2026

🎉 Hambalyo Ardayda iyo Guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed 🎉

Waxaan hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa dhammaan ardayda Shalay si guul leh u soo dhammeystay Imtixaanka Qaranka.

Waxaa la gaaray maalintii aad mudada dheer u soo diyaar garoobeyseen, idinkoo muujiyey dadaal, dulqaad iyo adkaysi.

Guushu ma aha oo keliya natiijada la helo, balse waa dadaalka iyo halganka aad soo martey si aad u gaartaan heerkan, waxaan idiin rajaynaynaa natiijooyin farxad leh iyo mustaqbal ifaya.

Gaar ahaan ardayda , waxaad tihiin faanka dugsiga iyo rajada berrito, sii wada dadaalka, aqoontuna ha noqoto furaha guushiinna.

Hambalyo mar kale, waxaana idiin rajaynaynaa guul iyo horumar joogto ah. 🌟📚

22/06/2026

Insha Allah
Guul ayaa idin rajaynaynaa.
Hadalka waziirka Sheegay waa runtiis

Xogta tirada ardayda ee sannadkan imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad uga fadhiisatay 5 maamulgoboleed iyo Gobolka Banaa...
21/06/2026

Xogta tirada ardayda ee sannadkan imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad uga fadhiisatay 5 maamulgoboleed iyo Gobolka Banaadir.

Dhamaan ardeyda Soomaaliyeed ee maanta u fariisatey Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad waxaan u rajeynaynaa guul,...
20/06/2026

Dhamaan ardeyda Soomaaliyeed ee maanta u fariisatey Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12aad waxaan u rajeynaynaa guul, si gaar ah ardeydeena Dugsiga waxaan leenahay Allaah idin fududeeyo.

Waxa si wadijir ah U dahfureen Maamulka Degmada oo uu hogaaminayey iyo wakiilka ka socda wazarada waxbarashada Kgs Degmada Qansaxdhere
Guul iyo Natiijo Wanaagsan ayaan u rajeynayna.

نتمنى لكم النجاح والتوفيق

🎉 Hambalyo Ardayda Fasalka 8aad 🎉Waxaa maanta si guul leh u soo gebogeboobay imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay qaadeysay...
18/06/2026

🎉 Hambalyo Ardayda Fasalka 8aad 🎉

Waxaa maanta si guul leh u soo gebogeboobay imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya sanad tacliimeedka 2025-2026.

Waxaan idin rajeynaynaa in dadaalkii iyo juhdigii aad geliseen waxbarashadiinna uu Alle idinku guuleeyo, idinkana siiyo natiijooyin wanaagsan oo farxad iyo guul idiin horseeda.

Ilaahay ha idiin fududeeyo mustaqbalkiinna waxbarasho, hana idiin barakeeyo aqoonta aad barateen.

Hambalyo mar kale, guul iyo gobannimo ayaan idin rajaynaynaa dhammaan arddada .

Wabillaahi Towfiiq.

Ogeysiis.   Ogeysiis   OgeysiisArdada Fasalka 8aad  Maanta waa maalintii Ugu danbaysay ee  Dhammaadka Safarkii Dugsiga d...
18/06/2026

Ogeysiis. Ogeysiis Ogeysiis

Ardada Fasalka 8aad Maanta waa maalintii Ugu danbaysay ee Dhammaadka
Safarkii Dugsiga dhexe الحمد للّه

Ardada waxa aan u sheegaynaa Uniform haku feegaaranin ama haku ciyaarin k**a mid ah ansahax ardeynimada fadlan ugu deeq walalkaa kaa yar ama walasha ka yar iyo kuwa danyarta ah ee aan awoodin inay iibsadaan uniform-ka Kuna sadaqeyso ama keen Xafiiska Iskulka.

Waalidiinta iyagana waxaanu leenahay inay la socdaan oo caruurtooda isha ku hayaan si aney ugu ciyaarin uniform-ka

Mahadsanidiin
Wabilaahi Towfiig

Address

Street Bisha Cas

252

Telephone

+252615356318

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qasahdheere Primary & Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Qasahdheere Primary & Secondary School:

Shortcuts

  • Want your organization to be the top-listed Government Service?

Share