08/08/2026
Barnaamij wareedka BBC TV ga ee Newsnight, xalay waxa gebi ahaantii loo gaar yeelay waraysi la ga qaaday Hunter Biden oo ah wiilka uu dhalay Joe Biden, waa Madaxweynihii Trump xafiiska u ga horreeyay. Arimo shakhsi ah oo xaasaasi ah baa la ga warsaday. Waxa cajab lahayd sida uu runta u gu badheedhay. Sheegista runtu geesinimo ayay rabtaa. Waxa la su’aalay isticmaalka daroogooyinka oo uu ku talax tegay wixii uu ka mutay, xaalka caafimaadka aabihii, sida uu u arko cafiskii madaxweyne ee uu aabihii isaga laftiisa u fidiyay intii aanu xafiiska ka tegin, iwm.
Isaga oo arimahaas dhex galay waxa uu yidhi – daroogadu waa aafo. Waa albaab xidhan oo sida loo galaa fududahay, sida loo ga baxaa na adagtahay. Kokayn ‘cocaine’ baan aad u isticmali jiray, dhib badan baanan ka mutay,khamrada oo aan aad isugu shubi jiray baa se ii ga darnayd si walba. Meesha u hoosaysa ee qof gaadho ayay I la tagtay, aabahay se marnaba albabaada igama xidhan, buu yidhi. “Marka aad goosato in aad waxan ka soo dhex baxdid, albaabkeygu waa kuu furanyahay”, ayuu had iyo goor I gu odhan jiray, mana iga daali jirin buu yidhi. Halkan qodob baa ku jira – dadka daroogadu la tagto, ehelkooda iyo asxaabtoodu ba waa gooyaan oo ku nacaan waxaas. Dabcan tasarufka noocaas ahi sabab ayaa uu leeyahay, ma se aha jidka iyo doorashada u gu munaasibsan ee masiibada noocaas ah la gu waajaho. U gu yaraan goynta noocaas ahi xal ma keento ee waaba u ga sii dartaa xaalka.
Geesta kale, 2024kii Hunter waxa la gu helay saddex dembi oo la xiriira iibsasho iyo haysasho hub isaga oo ka been sheegay in aanu daroogo ku fidmaysnayn, taas oo xaqa haysashada hubka ka hor imanaysa. Sidoo kale, waxa la gu helay sagaal kiis oo saddex ka mid ahi culusyihiin, kuwaas oo ah la baxsi canshuureed oo gaadhaaya 1.4 milyan. Madaxweyne Biden wax yar ka hor intii aanu xafiiska banaynin, waxa uu wiilkiisa u fidiyay cafis daboolaaya muddo 11 sanno ah oo ka soo bilaabanta 2014, iyada oo la sheegay in aan ninkaas loo raacan karayn wax kasta oo uu falay mudadaas dhexdeeda. Laandheerenimo ayuu sheegtay – guriga Abu Sufyaan qofkii galaa waa aamin.
Isaga oo taas ka fal celinaaya, Hunter waxa uu xalay yidhi, nin Trump la dhaho iyo ciyaalkiisa oo aabahay neceb ayaa si xaqdarro ah oo siyaasadaysan ii beegsanaayay, wax wacan baanay ahayd in uu aabahay gaashaan ii ga sameeyay ninkaas iyo weeraradiisa. Sidaas oo ay tahay, buu yidhi, waxa aan qirayaa in aanu cafiskaasi u wacnayn dalka Maraykan, distoorka waddanka iyo dhaxalka aabahay midnaba. Ninka aabbihii oo weliba jeel ka la baxsaday idaacad ka qiri kara in wixiisu uu si hogseeg u ahaa waa kee? Koley Afrika ma joogo, Soomaalina ku ma ba jiro.
W/Q Maxamed Haruun Biixi