15/08/2026
Dawladda Hoose ee Degmada Sheekh ayaa saaka oo Sabti ah ka bilowday Dugsiga Dhexe ee Oday Xaaji Maxamuud ololaha wacyigelinta bulshada ee ku saabsan qaadashada Shahaadada Dhalashada (Birth Certificate), taas oo la siiyo carruurta laga bilaabo marka ay dhashaan ilaa ay ka gaaraan da’da 14 jirka.
Shahaadada dhalashadu waxay muhiimad iyo faa’iidooyin badan u leedahay ubadka, maadaama ay tahay dukumenti rasmi ah oo caddeeya dhalashada iyo aqoonsiga ilmaha.
Ololahan waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Dawladda Hoose ee Degmada Sheekh, cabdisalaan muuse maxamed oo ay weheliyaan madaxda Xafiiska Diiwaangelinta Dhalashada iyo Dhimashada ee Dawladda Hoose ee Degmada Sheekh.
Sidoo kale, ololaha waxaa qayb ka ahaa maamulka Dugsiga Dhexe ee Oday Xaaji Maxamuud, oo uu hoggaaminayo maamulaha dugsiga, C. Fataax Maxamed Aadan, kaas oo si weyn uga qayb qaatay hirgelinta ololahan.
Ololahan wacyigelinta ah ayaa ka socon doona Dugsiga Dhexe ee Oday Xaaji Maxamuud muddo toddobaad ah, kaddibna waxaa loo gudbin doonaa dugsiyada kale ee ku yaalla degmada Sheekh, si loo gaadhsiiyo bulshada muhiimadda ay leedahay in carruurta loo qaado oo loo diiwaangeliyo shahaadada dhalashada.