18/08/2026
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Kulan la Qaatay Taliyaha Booliska Wanlaweyn
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Booliska Degmada Wanlaweyn, Mudane Cabdiraxiin Nuur Axmed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga degmada iyo dardargelinta howlaha lagu sugayo nabadgelyada, kala dambeynta iyo xasilloonida bulshada.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Taliyaha faray inuu si degdeg ah ula wareego xilka loo igmaday, isla markaana uu hormuud ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada degmada.
Sidoo kale, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha amniga iyo maamulka degmada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga, ilaalinta nabadda iyo badqabka shacabka degmada Wanlaweyn.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa kula dardaarmay Taliyaha Booliska Wanlaweyn inuu xilkiisa u guto si hufan, masuuliyad iyo daacadnimo leh, isagoo mudnaanta siinaya amniga, kala dambeynta iyo danta guud ee shacabka.