19/08/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN
Maamulka Degmada Wisil oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada, Gudoomiye kuxigenka, Xoghayaha Degmada iyo Agaasimaaysha Dowladda Hoose ayaa hambalyo u diray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Wisil oo ka mid noqday iskuulada ugu sarreeya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8- ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026, kaas oo ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug.
Gudoomiyaha Degmada waxa uu bogaadinayaa Maamulka, Macalimiinta, iyo Ardeyda dadaalka iyo guusha ay usoo hooyeen Degmada.
Sidoo kale wuxuu hambalyo u diray waalidiinta, iyo macallimiinta Sharafta badan Wisil primary and secondary school oo door muuqda ku lahaa guushaaan.
Waxaan u rajeyneynaa Guulahaaas iyo Guulo ka badan insha Allah.
Xafiiska Warfaafinta Wacyi,gelinta Dowladda Hoose Ee Degmada Wisil .