19/08/2026
Danjire Fatxudiin Cali Fathi Ospite ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 15-guuradii kasoo wareegtay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku tagay magaalada Muqdisho bishii Agoosto 2011.
Munaasabadda, oo ay soo qabanqaabisay hay’adda cilmi-baarista ee ORSAM, ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana looga hadlay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye iyo horumarka ballaaran ee uu gaaray 15-kii sano ee lasoo dhaafay.
Doodaha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka, tamarta iyo batroolka, kalluumeysiga, iyo qaybo kale oo muhiim ah.
Danjire Ospite ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay, isaga oo ka hadlay muhiimadda taariikhiga ah ee booqashadii Madaxweyne Erdoğan ee Muqdisho iyo sida ay u noqotay bilowga bog cusub oo iskaashi iyo walaaltinimo ah oo dhex mara labada dal.
Khudbadda Danjiraha oo dhammeystiran waxaad ka akhrisan kartaa halkan hoose.
https://tinyurl.com/yt9xe78s