Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.

Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET. Bogga rasmiga ah ee Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed Ee Turkiga-UMASET.

04/08/2026

Hambalyo ardayda qalinjabisay🇸🇴🇹🇷

Xaflada Qalinjabinta Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga oo aay soo qaban qaabisay Umaset 2026🇸🇴🇹🇷
03/08/2026

Xaflada Qalinjabinta Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga oo aay soo qaban qaabisay Umaset 2026🇸🇴🇹🇷

Xaflada qalinjabinta Ardayda soomaaliyeed ee Dalka Turkiga sanad dugsiyeedka 2025-2026
02/08/2026

Xaflada qalinjabinta Ardayda soomaaliyeed ee Dalka Turkiga sanad dugsiyeedka 2025-2026

Waxaa si heer sare ah inoogu qabsoontayXafladdii Qalin-jabinta Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga Sanad dugsiyeedka 2025-20...
02/08/2026

Waxaa si heer sare ah inoogu qabsoontay
Xafladdii Qalin-jabinta Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga Sanad dugsiyeedka 2025-2026, taas oo noqotay munaasabad ay ka muuqatay midnimo, sharaf iyo farxad.

Waxaa xafladda nagu sharfay ka soo qeybgalka marti sharaf aad u qiimo badan, oo ay ka mid ahaayeen:

• Mudane Maxamed Axmed Amiir - Guddoomiyihii h**e ee Gobolka Banaadir.

• Mudane MaxamedXaashi
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka
Turkiga.

• Mudane Abdirahman Kaariye
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Afro Development
Organization (ADO).

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa
dhammaan marti-sharaftii, ardaydii qalin-jabisay, waalidiintii, deeq bixiyaashii, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay guusha munaasabaddan.

Xafladda ayaa waxa aay isugu jirtey madal lagu
maamuusay dadaalka, Juhdiga iyo guusha ay gaareen dhamaan ardayda Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigeliyay inay aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda uga faa’iideeyaan horumarka iyo dib udhiska umada soomaliyeed.

Umaset waxa aay hambalyo u direysaa dhammaan
qalin-jabiyeyaasha, ayagoo u rajeynaya mustaqbal ifaya, guulo waaweyn iyo inay nogdaan hoggaamiyeyaal iyo aqoonyahanno door muuqda ka qaata horumarka dalkooda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Hambalyo dhammaan qalin-jabiyeyaasha. Waxaan idiin
rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo guulo isdaba joog ah.

Xaflada qalinjabinta Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga 2025-2026🇸🇴🇹🇷
02/08/2026

Xaflada qalinjabinta Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga 2025-2026🇸🇴🇹🇷

Waxaan si sharaf leh ugu wargelinaynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin-jabisay jaamacadaha Turkiga in Xafladda...
28/07/2026

Waxaan si sharaf leh ugu wargelinaynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin-jabisay jaamacadaha Turkiga in Xafladda Qalin-jabinta UMASET 2026 ay si rasmi ah u dhaceyso.

📍 Goobta: Uranus Istanbul Topkapi
📢 Fiiro gaar ah: Isdiiwaangelintu (Registration) si rasmi ah ayay u xiran tahay.

Waxaan rajaynaynaa inaan idinla wadaagno maalin qiimo badan oo lagu maamuusayo guushiinna. Hambalyo dhammaan qalin-jabiyeyaasha! 🎉🎓

📢 OGEYSIIS MUHIIM AHWaxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga in Xafladda Qalin-jabinta UMASET 2026...
24/07/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga in Xafladda Qalin-jabinta UMASET 2026 dib loo dhigay sababo la xiriira duruufo jira. Taariikhda cusub, waqtiga, iyo goobta rasmiga ah waxaa lagu soo bandhigi doonaa ogeysiiska xiga. Fadlan la soco dhammaan baraha rasmiga ah ee UMASET si aad u hesho xogta ugu dambeysa.

📢 OGEYSIISWaxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda in Registration-ka Xafladda Qalin-jabinta UMASET 2026 uu caawa ku eg ya...
22/07/2026

📢 OGEYSIIS

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda in Registration-ka Xafladda Qalin-jabinta UMASET 2026 uu caawa ku eg yahay saacadda 23:59 (11:59 PM).

Fadlan dhammaan ardayda aan weli isdiiwaangelin ha dhammaystiraan diiwaangelintooda ka hor waqtiga k**a dambaysta ah.

📢 OGEYSIIS RASMI AH: XIL-KA-QAADISTA GUDDOOMIYAHA URURKA ARDAYDA SOOMAALIYEED EE İSTANBULWaxaa la ogeysiinayaa dhammaan ...
21/07/2026

📢 OGEYSIIS RASMI AH: XIL-KA-QAADISTA GUDDOOMIYAHA URURKA ARDAYDA SOOMAALIYEED EE İSTANBUL

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku nool İstanbul in si rasmi ah xilkii looga casilay Guddoomiyihii Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee İstanbul, iyadoo go’aankaas uu soo saaray Guddoomiyaha Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga (UMASET).

Go’aankan waxaa lagu gaaray si waafaqsan xeerarka, dastuurka, iyo habraacyada maamulka UMASET, iyadoo mudnaanta la siinayo ilaalinta nidaamka, midnimada, iyo danta guud ee ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga.

UMASET waxay uga mahadcelinaysaa guddoomiyihii h**e adeegii uu bulshada u soo qabtay muddadii uu xilka hayay, waxayna bulshada ardayda la wadaagi doontaa tallaabooyinka xiga ee la xiriira hoggaanka ururka.

Mahadsanadiin

Address

Kültür Mah. Mithatpaşa Caddesi No:47/10 Çankaya/Ankara
Ankara
06420

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Telephone

+905528834387

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.:

Shortcuts

Share