Somali Embassy in Dar es Salaam- Tanzania

Somali Embassy in Dar es Salaam- Tanzania Embassy of the Federal Republic of Somalia, Dar es Salaam.

SAWIRRO: Safiirka JFS, Soomaliya ee Dalka Tansaaniya & EAC, Danjiire Ilyas Cali Xasan,  oo safar Shaqo kutagey Magaalada...
01/09/2026

SAWIRRO: Safiirka JFS, Soomaliya ee Dalka Tansaaniya & EAC, Danjiire Ilyas Cali Xasan, oo safar Shaqo kutagey Magaalada Melbourne ee Dalka Australia ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Melbourne.

Dodoma, Tanzania – Khamiis, 27 Agoosto 2026: Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo Fududeysay Booqasho Shaqo oo Lagu Xooj...
28/08/2026

Dodoma, Tanzania – Khamiis, 27 Agoosto 2026: Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo Fududeysay Booqasho Shaqo oo Lagu Xoojinayo Iskaashiga Dib-u-habaynta Hay’adaha Dowladda

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania ayaa fududeysay oo isku-dubbariday booqasho shaqo oo uu dalka Tanzania ku joogo wafdi Dowladda Federaalka Soomaaliya ah oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, taas oo qayb ka ah xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga hay’adeed ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Wafdiga ayaa magaalada Dodoma waxaa ku soo dhaweeyey Mudane Ridhiwani Kikwete, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Tanzania ee Maamulka Adeegga Dadweynaha iyo Maamul-wanaagga (Minister of State, Public Service Management and Good Governance).

Labada dhinac ayaa yeeshay kulan heer sare ah oo diiradda lagu saaray dib-u-habaynta adeegga dadweynaha, maamulka iyo maareynta shaqaalaha dowladda, shaqaaleysiinta ku saleysan karti iyo tartan, nidaamyada dijitaalka ah ee maaraynta waxqabadka, isla-xisaabtanka hay’adaha, horumarinta hoggaaminta iyo casriyeynta hannaanka maamulka dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhisidda awoodda hay’adaha dowladda, horumarinta xirfadaha shaqaalaha, maamulka waxqabadka iyo is-weydaarsiga khibradaha dib-u-habaynta adeegga dadweynaha.

Wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qaybgalay kulan aqoon iyo khibrad wadaag ah oo ku saabsan Arrimaha Golaha Wasiirrada iyo Casriyeynta Xoghaynta Golaha Wasiirrada, waxaana lagu soo bandhigay khibradda Tanzania ee habraacyada Golaha Wasiirrada, maamulka dukumentiyada, maaraynta ajandaha, dabagalka go’aannada iyo dijitalaynta habraacyada shaqada dowladda.

Wafdigu wuxuu sidoo kale booqday Mtumba Government City ee Dodoma, halkaas oo uu ku soo indha-indheeyey qaabka casriga ah ee isku-ururinta hay’adaha dowladda, kaabeyaasha wadaagga ah, isku-xirka dijitaalka ah iyo hufnaanta maamulka.

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania waxay door muhiim ah ka qaadatay isku-dubbaridka iyo fududeynta booqashadan, xiriirinta hay’adaha labada dowladood iyo diyaarinta kulamada wafdiga, iyadoo qayb ka ah dadaallada Safaaradda ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Tanzania, laguna ballaarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta hay’adaha iyo adeegga dadweynaha.

Booqashadani waxay ka tarjumaysaa xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Tanzania iyo sida iskaashiga labada dal loogu beddelayo barnaamijyo wax-ku-ool ah oo taageeraya casriyeynta hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

– DHAMMAAD –

19/08/2026

Muqdisho, Soomaaliya- 18 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), Mudane Joseph Ntakirutimana, ayaa dhambaal hambalyo ah la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) isagoo u rajeeyey inuu ku guuleysto gudashada mas’uuliyadda loo doortay ee ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

The Embassy of the Federal Republic of Somalia in the United Republic of Tanzania has lowered the national flag to half-...
14/07/2026

The Embassy of the Federal Republic of Somalia in the United Republic of Tanzania has lowered the national flag to half-staff in solemn remembrance of His Highness Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani, former Emir of the State of Qatar.

The Embassy extends its sincere condolences to His Highness Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, the Government and people of the State of Qatar, and the Al Thani family. We pay tribute to the late Father Emir's enduring legacy and his distinguished contributions to Qatar's development, regional cooperation, and international diplomacy.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa mag...
23/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya uga qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Caalamiga ah ee Istaraatiijiyadda Wax-ka-qabashada Cudurrada Aan Faafin ee Daran ee Afrika (ICPPA 2026), kaas oo ay kasoo qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Afrika, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, khubaro caafimaad iyo daneeyayaal kale.

Intii uu shirku socday, wasiirka ayaa ka qayb-galay dood cinwaankeedu ahaa “Abaabulka iyo Helitaanka Kheyraadka lagu Taageerayo Cudurrada Aan Faafin ee ka jira Dalalka Nugul iyo Goobaha ay Saameeyeen Xaaladaha Bani’aadannimo”, isagoo soo bandhigay xaaladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo muhiimadda ay leedahay in la helo maalgelin waarta iyo iskaashi caalami ah si loo xoojiyo adeegyada la xiriira cudurrada aan faafin.

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in dalalka wajahaya xaaladaha nuglaanta iyo bani’aadannimada ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah si ay ula tacaalaan kororka cudurrada aan faafin, isla markaana loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo ay u siman yihiin dhammaan bulshada.

18/06/2026

Danjiraha JFS ufadhiya dalka Tansaaniya MudaneIlyaas Cali Xasan, ayaa habka fogaan-aragga kula hadlay Xulka Qaranka Gabdhaha U-17 ee Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyey guusha taariikhiga ah ee ay gaareen, una rajeeyey guulo iyo horumar. 🇸🇴⚽️

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dar es Salaam, Tansaaniya, ayaa maanta soo dhaweyn iyo martiqaad shara...
18/06/2026

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dar es Salaam, Tansaaniya, ayaa maanta soo dhaweyn iyo martiqaad sharafeed u sameysay Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee ka qeybgalaya Tartanka CECAFA U-17 Women’s Championship 2026. Mas’uuliyiinta safaaradda ayaa ku bogaadiyay xulka dadaalkooda iyo matalaadda wanaagsan ee ay u hayaan qaranka, iyagoo u rajeeyay guulo iyo mustaqbal ifaya.

Sidoo kale, Danjiraha JFS ee Tansaaniya, Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa habka fogaan-aragga kula hadlay xulka iyo macallimiintooda, isagoo ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee ay shalay gaareen kana rajeeyay horumar iyo guulo dheeraad ah.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Safaaradda JFS ee Tansaaniya soo dhaweynta diirran, martigelinta iyo taageerada ay mar walba la garab taagan tahay xulalka qaranka Soomaaliya.

Address

333A Msasani
Dar Es Salaam

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Embassy in Dar es Salaam- Tanzania posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share