Somali green

Somali green Make self determination and investment your ideas to anther people to become idol of the best

10/10/2025

#1 taxable

06/21/2025
Qiso aad u u xiiso badan oo Ka hadleyso Qof Walba oo Mas'uul ah ,Waxaan Filayaa Hadaad Aqriso in aad Wax badan aad  Ka f...
04/15/2025

Qiso aad u u xiiso badan oo Ka hadleyso Qof Walba oo Mas'uul ah ,Waxaan Filayaa Hadaad Aqriso in aad Wax badan aad Ka faa'iididoonto walaaal

Cumar Binu Qadhaaab (Rc ) Xilligii Uu Qilaafada Islaamka hayay Xilli Mudeedkiisa Waxaa Dhacday maalin Maalmaha kamid ah,Wuxuu Uyeeraray muslimiintii Dagnaa (حمص) Wuxuu Ku amray in Ay Soo Qoraan Dadkooda faqiirada ah in Ay Soo Qoraan Si Wax Loogasiiyo Maalka Muslimiinta,

Cumar rc Markuu aqriyay Magacyadii Muslimiintii Fuqarada ahaa Wuxuu Ku arkay mid Kamid ahaa Madaxdii Muslimiinta Lana Oran jiray Saciid Binu Caamir, cumar Waa uu Fajacay/yaabay markuu ku arkay Magacaa ninkaas Maadaama uu Ahaa mid kamid ah xaakimada islaamka, islmarkaana Wuxuu Xaakim ka ahaa Meesha Layirahdo (xms).

Cumar dadkii ahlu xms ayuu Weydiiyay Suaal oo uu Kuyiri iiga Warama Gudoomiyihiina xaaladiisa,Wuxuu Kalajooday Saciid binu Caamir?

Waxey Kuyirahdeen amiirkeena Saciid mishaarkiisa Wuxuu Siiyaa Dadka fuqurada ah,Waana ninkii Faqiirka ahaa Cajiib!
cumar Markale ayuu weydiiyay Suaal Dadkii ree ahlu Xms Wuxuuna Kuyiri waxaad iiga Warantaan Wax Kale ee aad Ku aragteen?

Waaxay dhaheen Waxaan Ku aragnay sadax Waxyaabood oo kala ah

1.habeenkii nooma yimaado
2.subixii Wuu nagasoo Daahaa
3.isbuucii maalin ayuu noo imaanin

Cumar Wuxuu amray in Looyeero saciid binu caamir Si Wax Loogaweydiiyo Waxyaabihii Lagasheegay?

Saciid ayaa yimid,Cumar ayaa Kuyiri Saciidow Maxaa Kajiro Waxaas Lagugusoo eedeeyay?

Haa amiirul Mu'miniinow Waa Sax arintaas Balse sifiican ban udhageyso

1.maalintii oodhan Waxaan Ushaqeeyaa ayaga Waana ucadaalad Falaa Waqtigeyga oodhan Waxaan uhuraa iyaga Blse habeenkii Waxaan u istaagaa Cibaado,Waxaan Xariir Layeeshaa Rabigey

2.Subixii Wuxuu yiri Waxaan u Qidhmeeyaa ehelkeyga Manaheysto Cid Wax Noqabato oo aniga aan heyn

3.isbuucii halmaalin ayaan Shaqada Kanastaa maalintaasna Waxaan dhaqdaa dharka,Wàayo maheysto dhar aan Ka aheyn Midka aan Xiranahay

cumar binu Qadhaab Marka uu Dhageystay hadaladii Saciid binu Caamir Waa uu ooyay

Ilaahow Qofkii aqriyo Qisaan Macaan Oo xaqiiqda xasanaadkiisa usiyaadi amiin

dheh Si ay u arkaan Walaaha Muslimiinta ah kuna invite garee Asxaaptada kale.
Mohamed a olad

Xigasho

Wuxuu yiri; Mudo 6 bilood markii ay arooskeyga kasoo wareegatay habeen ayadoo xaaskeyga i dhinac jiifto anigana TV iska ...
04/15/2025

Wuxuu yiri; Mudo 6 bilood markii ay arooskeyga kasoo wareegatay habeen ayadoo xaaskeyga i dhinac jiifto anigana TV iska daawanayo ayaa si lama filaan ah waxaa iigu soo dhacday bashqad, waan furay bashqadii isha ayaana mariyay waxaana ku qorneyd fariintaan; "Waa heblaayo, waxaan maqlay inaad guursatay, balse ogoow inaan wali xiiso kuu qabo".

Gabadha fariinta iisoo dirtay waa gabar aan mudo h**e saaxiibo aheyn, aad ayay u qurux badneyd balse wax calaf ah iskuma helin, taleefankii ayaan iska xiray si aan u hubiyo in xaaskeyga ay soo jeedo ama hurudo.

Markaan dhankeeda soo eegay ayaan waxaan arkay ayadoo hurdo dheer moolka kaga jirta, waxay u muuqatay mid shaqadii ay maanta guriga ka qabatay kusoo yara daashay, markaas ayaan waxaan is weydiiyay; Yaa kalsoonidaan siiyay una ogolaaday in xasiloonidaan ay ku hurudo? Waxay dhex jiiftaa guri cusub, waxayna aad uga fogtahay gurigoodii ay mudo 20 sano ku nooleyd, waxay ka fogtahay ehelkeeda, hadana ayadoo sidaas tahay waxay u jiiftaa si kalsooni leh waliba 100%.

Bal maxaa ku kalifay in wax walba kasoo tagto? waalidkeeda kasoo tagto? walaalaheed kasoo tagto? ehelkeeda kasoo tagto? nolosheedii kasoo tagto? kadibna aniga inta ii imaado guri cusub igula noolaato? Cunto ii kariso? Dharka ii dhaqdo? Murugteyda la murugooto? Farxadeydana la faraxdo? Noloshana ila qeybsato?

Intaas oo dhan waxaa iiga daran kalsoonida ay ku jiifto, sidii iney hubto iney la nooshahay qof masuuliyadeeda qaadi karo, dhibka ka ilaalinaaho, farxadeeda ka shaqeynaayo, noloshana u maceynaayo?

Ilbiriqsiyo yar ayay maskaxdeyda waxaasoo su'aalo ah is weydiiyeen, waxaana iisoo baxday oo caqligeyga iyo garashadeydaba isiiyeen inaan taleefanka soo qabsado isla markaana Block saaro gabadhii dambe ee ila soo xiriirtay, waxaana si kaslooni leh u seexday xaaskeyga dhinaceeda, waxaana iska diiday inaan kalsoonideeda khiyaano niyadana ka dilo.
Mohamed a olad

✏️Cabdiraxmaan Xasan Anteeno

HOW TO ATTRACT PEOPLE TO YOU?1. Be mysterious. That develops attraction towards you.2. Be less available. Scarce things ...
04/14/2025

HOW TO ATTRACT PEOPLE TO YOU?

1. Be mysterious. That develops attraction towards you.

2. Be less available. Scarce things are always attractive to people.

3. Be confident. Show that you are capable of doing things in a better way.

4. Be well dressed. Your great sense of dressing attracts everyone's attention.

5. Smells so good. Use perfume, it will attract the attention of others.

6. Your body language must be open. Show that you are straightforward and unbothered.

7. Be fun, your charisma defines you if they want to spend time with you.

8. Don't sell yourself so easily to people. Let them strive to win you over, people don't value things they get easily.

9. Don't express a boring life on social media. This kills the attraction.

10. Don't care what others think of you.

11. Don't despair while talking or texting someone.

12. Don't be needy. The more needy you become, the less attention you receive. Learn to say NO.

12. Just be yourself. Don't change yourself to win someone over. Change yourself to get better.

13. Don't reveal everything about yourself. Revealing everything about yourself makes you a "less attractive" person.

14. Don't be bothered if someone is not giving you importance that you want or deserve.
Always be the one to end the conversation.

15. Don't show too much interest in someone.

16. Maintain a balance of kindness. People will sit you down for it and you're bound to miss all the rides. A strong sense of humor increases attraction because it is also one of the signs of an intelligent personality.

17. Prioritize your goal not any other people (except your family members).

18. During the conversation, make eye contact with the other person and smile slightly.

19. Love yourself and never be afraid to stand up for what you believe in. Be persistent and updated on fashion and other social issues.

20. Be Adventurous. Travel to amazing places and have some amazing clicks and stories from there to post on social media. Be optimistic and take risks. Optimism gives positive vibes to people and therefore they are drawn to you. By taking risks, you show that you are brave and that you can step out of your 'comfort zone' if you need to.

21. Be on your own. Spend most of your time alone. Be a thinker and analyze things. Providing solutions to other's problems without expecting anything in return.

22. Never compromise on your self worth. Always respect and love yourself, but don't forget to remain humble and polite.

23. Be ambitious. Work on your goal and focus on self-improvement.
Mohamed a olad

Diversified Investment Plan

41 RULES TO STAY AHEAD OF THE GAME1. **Privacy is your superpower.** What others don’t know, they can’t ruin. Keep your ...
04/10/2025

41 RULES TO STAY AHEAD OF THE GAME

1. **Privacy is your superpower.** What others don’t know, they can’t ruin. Keep your life close to the chest—people thrive on drama.

2. **Loneliness is part of the journey.** Embrace it; it’s an art form all its own.

3. **Remember, everything is temporary.** Life is fleeting, so stay grounded and humble.

4. **Everyone you meet is fighting a battle you know nothing about.** Be kind; it costs nothing.

5. **Your partner mirrors you.** Choose wisely. Seek out her values just as diligently as her looks.

6. **Your mental health trumps everyone’s feelings.** Be a little selfish here; it’s vital.

7. **You don’t need more time; you need fewer distractions.** Focus is your key to success.

8. **Guard your time fiercely.** Not everyone deserves a piece of it.

9. **Surround yourself with those who truly value you.** You shouldn't have to plead for respect and appreciation.

10. **Self-love is not selfish; it’s necessary.**

11. **Treasure those who lighten your load.** They are rare gems in this world.

12. **Choose your circle with care.** The right people uplift you; the wrong ones can drag you down.

13. **Peace of mind is invaluable.** Protect it at all costs.

14. **Stop chasing love; simply live your life.** The right person will come along.

15. **Seek those who embody that “grow together” mindset.** Lift each other higher.

16. **No regrets—just lessons learned.** Dust yourself off and push forward.

17. **Pursue someone proud to have you by their side.**

18. **Never surrender.** Everyone faces tough times; pick yourself up and keep going.

19. **If you feel drained, take a step back to recharge—don’t quit.**

20. **Sometimes, you need to disappear to return stronger.**

21. **Learn from the successes of others, but let their mistakes teach you wisdom.**

22. **Want to be happy?** Stop expecting anything from anyone; nobody owes you a thing.

23. **Everything will fall into place eventually.** Keep that optimistic mindset alive.

24. **Keep grinding—your breakthrough is on the horizon.**

25. **There’s nothing more attractive than mutual effort.**

26. **Stop overthinking it in places where you’re not valued.**

27. **If no one lends a hand, take the initiative yourself. Complaining won't help.**

28. **Obsess over your growth.** It’s the best investment you can make.

29. **A heart-to-heart should never end in conflict.** Open dialogue is sacred.

30. **“I’ll do it tomorrow” is just procrastination in disguise.**

31. **Aim not to stay the same—strive to be better.**

32. **Sometimes, waiting is more powerful than forcing things to happen.**

33. **Not everyone will understand your journey, and that’s perfectly fine.**

34. **Heal so you don’t become a reflection of your past trauma.**

35. **Keep your circle small and your friends insightful.**

36. **If they’re only around temporarily, feel free to let them go permanently.**

37. **People come and go; learn how to stand strong alone.**

38. **If needed, take time to disappear and focus on yourself.**

39. **Some will resent you for refusing to be controlled.** That’s their problem.

40. **Concentrate on your improvement, not on proving yourself to others.**

41. **Never, ever return to what once broke you.**

**Keep pushing forward!**
Mohamed a olad

𝐗𝐚𝐠𝐠𝐞𝐞 𝐀𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐮𝐬𝐡𝐮 𝐊𝐚 𝐓𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚?👇Waan xasuustaa maalintii aan go’aansaday inaan wax cusub barto. Maalintaas waxaan lahaa...
04/08/2025

𝐗𝐚𝐠𝐠𝐞𝐞 𝐀𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐮𝐬𝐡𝐮 𝐊𝐚 𝐓𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚?👇

Waan xasuustaa maalintii aan go’aansaday inaan wax cusub barto. Maalintaas waxaan lahaa hammi aad u weyn, dhiirigelin badanna waan dareemayay. Laakiin… maalmo kadib, xiisihii wuu hoos u dhacay, rabitaankii wuu yaraa, waxaan dareemay caajis. Waxaan is idhi: “Waa hagaag, berri ayaan dib u bilaabayaa.”

Berri waa timid… mana aanan bilaabin. Maalmo kale ayaa iska dhaafay, ilaa aan garwaaqsaday in dhibaatadu aysan ahayn rabitaan la’aan—ee ay ahayd joogtayn la’aan.

Marmar waxaan la yaabaa: Maxaad u malaynaysaa in dad badan ay riyadooda gaadhi waayaan? Maxaad u malaynaysaa in dad badan ay bilaabaan wax, balse aan dhamaystirin? Waa maxay sirta dadka guulaysta?

Jawaabta waa hal eray: Joogtaynta.

𝐖𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐲𝐧𝐭𝐮?

Joogtayntu waa awoodda aad u leedahay in aad wax isku celceliso, xitaa marka aad caajiso, marka aad daallan tahay, ama marka natiijadu deg deg kugu soo bixi waydo. Waa inaad hawsha sii waddo, adigoo aan u joojin xaaladaha iyo dareenkaaga.

Dadka guulaystay kuma aysan guulaysan hal maalin, hal todobaad, ama xitaa hal bil gudaheed. Waxay guul ku gaadheen sabir, adkaysi, iyo joogtaynta dadaalka.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐊𝐮 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐲𝐧 𝐊𝐚𝐫𝐭𝐚𝐚 𝐃𝐞𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚?

Haddii aad rabto inaad joogtayso dadaalkaaga, waxaa muhiim ah inaad yeelato nidaam adag iyo qorshe sugan:

1. Ogoow Sababta
Waa maxay sababta aad wax u baranayso? Waa maxay sababta aad u shaqaynayso? Hadaf la’aan, lama joogtayn karo wax dadaal ah. Markaad ogaatid sababtaada, way kuu sahlanaanaysaa inaad joogtayso.

2. Samayso Jadwal Joogto Ah
Qof kasta oo guulaystay wuxuu leeyahay jadwal u go’an. Haddii aad wax akhrinayso, u samee waqti cayiman. Haddii aad jimicsi sameynayso, ha dhaafin maalmo. Wixii aad rabto inaad horumarka ka gaadho, waa inaad u samaysaa jadwal joogto ah.

3. Ka Saar Caajiska Iyo Dib-u-Dhigista
Caajisku waa cadowga joogtaynta. Mar kasta oo aad dareento in aad wax qaban kari waydo, ha joojin. Xitaa haddii aad xoogaa yar qabato, way ka wanaagsan tahay inaadan waxba qaban.

4. Kula Xidhiidh Dad Kuu Dhiirrigeliya
Dadku waxay leeyihiin saameyn aad u weyn. Haddii aad la saaxiibto dad dadaalaya, adiguna waad dadaali doontaa. Haddii aad la joogto dad caajis ah, way adkaanaysaa in aad joogtayso.

5. Xusuusnow In Guushu Ay Timaaddo Tartii Tartiib
Ma jiro qof hal habeen ku guulaystay. Guushu waxay u baahan tahay waqti iyo sabir. Haddii aad maanta wax bilowday, ha filanin in aad berri guulaysato. Laakiin haddii aad joogtayso, guushu waa mid lama huraan ah.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐅𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚?

✅ Waxaad Gaadhaysaa Hadafyadaada – Dadka aan joogtaynin dadaalkooda, ma gaadhaan yoolkooda.

✅ Waxaad Noqonaysaa Qof La Aamini Karo – Dadka shaqada si joogto ah u qabta waa kuwa lagu kalsoonaan karo.

✅ Waxaad La Tartami Kartaa Dadka Ugu Fiican – Ma jiro qof kaa fiican, waa inaad kaliya dadaalkaaga joogtayso.

✅ Waxaad Dareemaysaa Xasilooni – Joogtayntu waxay kaa ilaalinaysaa jahawareer iyo walbahaar.

𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝

Joogtayntu waa sirta guusha—waa waxa ay dadka horumarsani kaga duwan yihiin kuwa kale. Haddii aad rabto inaad wax weyn ka gaadho nolosha, waxaad u baahan tahay inaad dadaalkaaga joogtayso.

Haddaba, maanta haddii aad bilaabayso wax cusub waxbarasho, ganacsi, qoraal, ama shaqo ha ka quusan markaad dhibaato la kulanto. Ha joojin markaad caajiso. Ha is dhiibin markaad daasho.

Guushu waa mid sugaysa kuwa si joogto ah u socda!
W/Q: Jaabir salsal
Mohamed a olad

Saacaddu waa 5:30 subaxnimo, taleefankaygu wuu dhawaaqayaa. Codka alarm-ka ayaa si xoogan u yeeraya, isagoo ii sheegaya ...
04/06/2025

Saacaddu waa 5:30 subaxnimo, taleefankaygu wuu dhawaaqayaa. Codka alarm-ka ayaa si xoogan u yeeraya, isagoo ii sheegaya in wakhtigii hurdada la gaadhay gunaanad. Laakiin, maskaxdaydu waxay i leedahay: “Hal daqiiqo oo kale seexo, waxba ma yeelayso!”

Waa halkii ay caqabaddu ka bilaabmayso! Haddii aan dib u seexdo, taasi waxay noqonaysaa guul uu caajisku iga gaaray, waxayna ii horseedi kartaa maalin aan lahayn wax horumar ah. Laakiin haddii aan tooso oo aan la dagaallamo codkaas hoose ee i leh “dib u seexo,” waxaan kasbanayaa hal guul — guul yar oo naftayda ii sheegaysa inaan is xak**ayn karo.

Halkaas ayuu qof walba uga baahanyahay xak**aynta naftiisa!
Laakiin, su’aasha ugu muhiimsani waxay tahay: Sidee baa nafta loo xakameeyaa?

Waa Maxay Xak**aynta Nafta?

Xak**aynta naftu waa awoodda aad u leedahay inaad la dagaallanto rabitaankaaga iyo caajiska, adigoo ku hogaaminaya naftaada waxyaabaha muhiimka ah.

Waa kartida aad isku xak**aynayso marka ay jirto wax aad rabto, balse aan faa’iido kuu lahayn, ama marka ay jirto shaqo aad qabanayso oo culays kugu ah.

Qofka leh xak**aynta naftiisu waa qof awood u leh:
• Inuu shaqada bilaabo xitaa markuu caajis dareemayo.
• Inuu go’aan qaato oo uu ka dhabeeyo.
• Inuu iska celiyo waxyaabaha dhibaatada u keenaya, sida caajiska, hurdada badan, iyo baraha bulshada.
• Inuu yeesho nolol leh kala dambayn iyo yool cad.

Laakiin su’aasha kale ayaa tahay: Maxaa sababa in dad badani waayaan xak**aynta naftooda?

Maxaa Sababa Inaan Is Xak**ayn Kari Wayno?

Dad badan waxay la halgamayaan inay naftooda xakameeyaan sababtoo ah:
• Ma hayaan yool cad – Haddii aad aqoon la’aan ka tahay halka aad u socoto, maskaxdaadu waxay aad u jeceshahay raaxada iyo caajiska.
• Waxay doorbidaan raaxo degdeg ah – Dadka aan lahayn xak**aynta nafta waxay door bidaan raaxo degdeg ah (instant gratification), halkii ay ka sugi lahaayeen guusha fog.
• Waxay la jaanqaadaan jawiga – Haddii aad la joogto dad aan lahayn xak**ayn nafsadeed, adiguna waxaad noqotaa sidaas oo kale.
• Ma hayaan nidaam ay naftooda ku xakameeyaan – Haddii aanad lahayn qorshe ama jadwal aad ku noolaato, caajisku wuu kusoo jiidanayaa.

Sidee Loo Xakameeyaa Nafta?

Haddii aad rabto inaad naftaada xakameyso, waa inaad yeelato nidaam adag oo aad raacdo. Qodobadani waxay kaa caawinayaan:

1. Yeelo Yool Cad
Qof aan lahayn yool cad, wuxuu noqonayaa qof maalin walba u nool sidii dabayshu u wadato.

2. Qorshee Maalintaada
Qor liiska shaqooyinka aad qabanayso maalin kasta.

3. Xoog Saar Dedaal Yar oo Joogto ah
Ha ku bilaabin wax badan hal mar. Bilow dedaal yar oo joogto ah.

4. Ka Fogaaw Waxyaabaha Kaa Weecinaya Yoolkaaga
Si tartiib ah uga yaree waxyaabaha kaa leexinaya sida moobilka iyo hurdada badan.

5. Is Qasbay Waa Xalka Kaliya
Mararka qaar dareen raaxo ma yeelan doontid – si fudud is qasbay oo bilow.

6. Isku Abaal-Mari
Markaad guul yar gaarto, isku abaal-mari si aad u sii waddo.

7. Is Xasuusi Sababta Aad U Xakameynayso Naftaada
Sababtaada iyo himiladaada ha illoobin — ha moogaanin halka aad u socoto.

Gunaanad

Xak**aynta naftu waa furaha guusha!
Dadka guulaysta waa kuwa la dagaallama caajiska, rabitaannada aan faa’iidada lahayn, una dhabar-adayga shaqada adag.

Haddaba, su’aashu waxay tahay: Ma tahay qof is xak**ayn kara? Mise waxaad sii ahaan doontaa qof raaxo degdeg ah raadsada?

Doorashadu waa adiga! Xakamee naftaada, si aad u gaadho riyadaada!
Mohamed a olad

𝗪𝗮𝘅 𝘄𝗮𝗹𝗽𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗲𝘆 𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮𝗺𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗶𝗹𝗮𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯♥️ 🌹 Waxaad ogaataa qof walpa oo noloshaada soo galay wu...
04/06/2025

𝗪𝗮𝘅 𝘄𝗮𝗹𝗽𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗲𝘆 𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮𝗺𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗶𝗹𝗮𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯♥️

🌹 Waxaad ogaataa qof walpa oo noloshaada soo galay wuxuu ku soo galay sabab darteeda shaqo aad weysay, mid aad ku guuldareysatay, niyad jab aad soo martay, qalbiga lagaa soo dhaawacay, qorshe kuu shaqeyn waayay,

🌹 Sidii aad rabtay aadan helin, xanuuno aad la kulantay, jaceyl aad in mudo soo waday misna aadan ku guuleysan, guur aad qorsheysatay, hadana sidaad dooneysay aanu kuugu dhicin

🌹 Dhamaantooda waa qeyb ka mida qorshaha weyn ee rabigeena, waxba si iskooda isagama dhacaan, waayo allaha weyn wuxuusan anaga noo qorin marna dunidaba k**a dhacaan ilaa wuxuu qoray maahee

🌹 Waxaa laga yaabaa inaad waqtiyo badan dhibaato la soo kulantay, indhahaagu ilmo😭 ka qubanayeen, qalbigaaguna culeys weyn uu saarnaa, waxaad is weydiisay su,aalo maxaa dhacay⁉️ maxaa qaldamay⁉️

🌹 Lkn halkan waxaad ka ogaan doontaa runta iyo xaqiiqada kaa dahsoon ee rabigaaga adiga kuu diyaariyay dhibaayin walpa la soo kulantay waxey ahaa tababar adag laguugu diyaarinayo mustaqbal kuu ifi doono

🌹 Hadaba maskaxdaada ku hay shaqada aad weysay waxey hordhac u tahay mid ka sii wanagsan, qofka kaa tagay wuxuu baneeyay boos qof kuu qalma oo naftaada dhisi doono imaan doono

🌹 Qorshaha kuu shaqeyn waayay waxaa laga yaabaa inuusan markiisii h**e kheyr kuu aheyn qalbiga dhaawacmay wuxuu kaa dhigay mid xoogan, oo sahal ku jabi karin

🌹 Imtixaankii noloshaada aad ku dhacdayna wuxuu ahaa mid horseed u noqon doono guul midii ugu sareysay adigana inaad niyad jabto looma baahnee horay waa inaad u socotaa

🌹 Waligaa xusuusnow hadaad dareento inaad dhibaato dhexda kaga jirto ha quusanin, illahey ku kalsoonow oo naftaada ku yadidiilso wax walpa oo dhacay ama dhacaya waa kuwa kuu wanaagsan oo kheyr kuugu jira

🌹 Xitaa hadii aad waqtigaan fahmi weyso waxba ha murugoon naftaada u sheeg oo ku dheh wax walpa oo igu dhacay fursad aan ku heli doono wadadii aan ku heli lahaa guusha

🌹 Mar walpa ogsoonow in waxey u dhacaan sabab uu rabigeena kaliya ogyahay illaahey ha'idin dhowro hana idin xoojiyo hana idiin fududeeyo wadada guusha iyo kheyrka
Mohamed a olad

𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗾𝗼𝗿𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶𝗴𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯 𝗯𝘂𝘂 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗮𝘀𝘅𝗮𝗮𝗯𝘁𝗲𝗲𝗻𝗮 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵𝗲𝘆𝗻 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗵𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝗮𝘀𝘅𝗮𝗮𝗯𝘁𝗲𝗲𝗻𝗮 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻𝗮 𝗾𝗼𝗿𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗲𝘆𝗱𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲 𝘀𝗶𝗶 𝗱𝗵𝗲𝗵🙏🥹

✍️𝗕𝗼𝗾𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗝𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹𝗸𝗮

Markaan aqriyay Qormadan Wllhi  Waan Ka Xishooday Rabbigey inaan Maanta Ka dib Ku Caasiyo intii h**e Ha iga Ekaato.Adiga...
04/03/2025

Markaan aqriyay Qormadan Wllhi Waan Ka Xishooday Rabbigey inaan Maanta Ka dib Ku Caasiyo intii h**e Ha iga Ekaato.

Adigane Waan Ogahay Markad aqrisato Waad Ka Xishoon doontaa Rabbigaaga Oo Aad Muddo badan Ku Caasin jirtay si indho laan ah.

" Xadiith Qudus Waxaa Uu Allah Ku yiri"{ ina Aadamow Waxaan Hooy Kaaga dhigay Caloosha Hooyadaa Adigoo Daciif ah

Waxaan Kugu Daboolay Xuub Dahaar ah Si Aadan Uga baxsan ilmo galeenka Hooyadaa
Wajigaaga Waxaan U jeediyay Xagga dhabarka Dambe Si aysan dhibaato Kugu geeysan Urta Ka dhalatay Raashiinkii ay Hooyadaa Cuntay

Waxaan Kuu Sameeyay Makaanu Santeecsi Meel Aad isku Kala bixiso Markaad Uur jiifka aheeyd Oo ah Dhanka midig iyo Dhanka bidix Dhanka midig Waxaad Ku Jiifan jirtay Beerka Hooyadaa...
Markaad Ku Daasho Waxaad U badalan jirtay dhanka bidix Oo ah beer yaraha Hooyadaa

Waxaan Ku baray Sida Aad Ugu istaagi laheed Uguna fadhisan laheed gudaha ilmo galeenka Hooyadaa , Miyuu jiraa Allah Aan Aniga aheeyn Oo Sidaa Wax yeeli Karo .? Mayo. Rabbiyow Waad Ku mahadsan tahay...

Muddadaadii Markii ay dhamaatay Oo Aan U Waxyooday Malaga Aan U Wakiishay in Uu Ruuxda Ku afuufay Uurjiifka Waqtigoodii Nooleynta U bilaatay in Uu Ruuxda Kugu afuufo Ka dib Ruuxda Lagugu afuufay

Markad Ka Soo baxday Meeshii Mugdiga aheeyd Ee Aad Ku jirtat Oo Aan Ku sahlay Wadadii Ciriiriga aheeyd Adigoo Madaxa Soo i hor marsatay

Ka dib Aan Caano Kuu geliyay Labada Naasood Ee Hooyadaa, Caanahaas Oo Xilliga Qabowga jiro Aad U diiran , Marka Uu Kuleyl jirana Qabow ah.

Labadaada Waalid Aan Quluubtooda Jaceyl Kuu geliyay , Labadaada Waalid Ma dhargaan ilaa Aad adiga Ka dhargto , Ma seexdaan ilaa Aad Ka seexato.

Markaad Xoogaawday Oo Aad qaangaartay
Waxaad igu abaal gudday inaad igu caasiso
Markaad kaligaa tahay igamana Aadan Xishoon.

Sidaas ay tahay Haddii Aad i barido Waan ku ajiibayaa , Haddaad Wax iweydiiso Waan ku siinaya , Haddaad ii towbad keento Waan kaa tiwbad aqbali lahaa."
《 واخفض لهما جناح الذل من الرحمة وقل رب ارحمهما كما ربياني صغيرا》.
Markad dhameyso Soo Qor mid Ka mid ah magacyada Allah أسماءالحسني. Share & Like.
Mohamed a olad

Waxaa La Sheegaa in Maskaxda Dumarka iyo tan  Ragga ilaa 8`Qodob Ku Kala duwan yihiin,  Sancada Rabbi Waa Mid Cajiib ah....
04/03/2025

Waxaa La Sheegaa in Maskaxda Dumarka iyo tan Ragga ilaa 8`Qodob Ku Kala duwan yihiin, Sancada Rabbi Waa Mid Cajiib ah.!

1: isku Wadida dhowr Wax yaabood Hal Mar:

" Dumarka Waxeey Awoodaan in ay dhowr Sheey Hal Mar isku qabtaan...

Nuuca Maskax Ee Dumarka Saaran Waxeey U qaabeysan tahay Qaab ah in ay Hal mar diirada Wad saarto Hal Walax , isku Mar Waxeey Awoodaa gabadha in ay daawato Televionka ayada Oo dhanka Kale Ku hadleeyso telefoonka gacanta intaa Waxaa Kaaga sii daran Waxeey sii Awoodaan in ay Shaqada guriga Ku Dhax Wadaan.

" Ninka isaga intaas isku mar Ma Sameeyn Karo Oo Malaha Awoodaas baaxada leh
Nuuca Maskax Ee Ragga Saaran Waxeey U Qaabeysan tahay Qaab ah in ay Hal Sheey Oo Kaliya diirada saarto
Tusaale " Ninka Ragga ah Ma awooda isku mar in Uu Daawado televionka Kuna hadlo telefoonka gacanta Shaqada Xafiiskane Wado.

2: Xagga barashada Luqaddaha Qalaad:

" Dumarka Waxaa U sahlan in ay Si dhaqso ah bartaan Luqadaha ajnabiga ah , Lkn ayagane Waxeey Ku fashilmaan inta badan in ay Xaaladaha Adag Ee Soo food Saara Xal U helaan
Taa Caksigeeda Ninka Waa ay Ku adag tahay barashada Luqadaha Qalaad Halka Uu Xal dhaqsi ah U Heli Karo Mashaakilada culus Ee Ku yimaado Noloshiisa , Waxad Ku aragtaa goobaha Wax barashada gabdhaha in ay Kaga maskax badan Wiilasha Xagga Wax barashada.

3: Xagga Wax taxliiliska iyo falaqeynta:

" Ragga ayaa Kaga dheeraya dumarka Xagga Wax taxliiliska Waayo Ragga Waxeey Awoodaan in ay Howlaha Hor yaallo Ee Culus inta U Sameeyaan Qariirad iyo Qorshooyiin Cad Ka dib Ka sal gaaraan Xalka Mushkiladaa

Halka Dumarka Caksi Ku yihiin Marka ay timaado Wax taxliiliska iyaga Waa ay Ku adag tahay Kaliya Marka ay gaaran Qariirada Waa ay isaga soo haraan Kuma dhiiran Karaan Xallinta Mushkiladaha Hor yaallo.

4: Gaadiid Wadida :

" Raggu Marka ay Ka Xeeynayaan gaadiidka Waxa ay Ku Sacdaan Qaab Ka baaran dag ah Iyo Qorsho Uu Ku socdo Kolkii Uu Ka hor yimaado Wax Car qaladeyanya habsami U socadka baabuurka isla Waqtigaa ayuu go'aan Ka gaarayaa Halka Uu Ka bixi lahaa

Waa Sidaa Sababta ay U Shil yar yihiin Gaadiidka Raggu Wadaan Taas Waxaa Loo Sababeynayaa Maskaxda ragga Oo Aan meela badan Diirad Saareyn Kaliya Waxa Uu marka hayo ayeey Ku mashquushaa.

Balse Dumarku iyagu Waa Ka duwan tahay Marka ay Wadayaan gaadiidka Qaab qorsheysan Kuma Wadaan micnaha Qiyaasta ayaa Inta badan Ka maqan Kaliya Waxeey Ku War helaan isaga Oo gaarigii Shil galay

Waayo Waxaa U sabab ah Gabadha Oo Maskaxdeeda Ku maqan Meela Kale Waxeey arbtaa ayadoo gaari Wado Hadane in ay Ka qeeyb gasho Aroos meel magalada Ka dhacaya Ka dib Baabuur Kale ayeey madaxa lala galeeysaa.

5: Beenta :

Ninka badana Waa Uu Ka fashiliyaa gabadha beenta ay sheegeyso Waa marka ay hortiisa taagan tahay , Maxaa yeelay Caqliga dumarka 70% Waxuu Xooga Saaraa Ama Ku maqan yahay Wajiga Ninka hor taagan Gaar ahaan Calaamadaha Ka muuqda Wajigaiis ,
20% Waxa Uu fiiriyaa Luqadda jirkiisa
10% Xarakaadka faruuryihiisa Ka muuqda intaas Haddii ay gabadha Wax Ka deernto beenteeda Waa fashil.

Balse Ninka Waa Caksi isaga Waxaas caqligiisa ma eego Kaliya Waxaa Ku filan in Hadalkiisa ay beeniso marka ay hortagan tahay

6: Wax doonista :

Inta badan raggu Waxa ay doonaan in ay helaan maal jago sare guul iyo in ay Xal U helaan dhibaatada heysato

Halka dumarka doonayaan in Helaan jaceyl Xiriir Wanaagsan Oo bulsho iyo mid qaraabo Oo guuleysta

Gabadha Haddii ay Weyso Ama Dareemi Weyso in Uusan jirin Xiriir Wanaagsan Inta badan Dan badan K**a gasho Shaqada ay heyso

Halka Nin Haddii Shaqadiisa ahaan Wsyso Mid Uu Ku faraxsan yahay Xiriir dibada ah Ma Awoodo in Uu sameeyo

7: Sheekada:
Naagta Marka Ay Hadleeyso Uma hadasho Si toos ah Halka Ninka Hadalkiisa toos yahay

8: Xakameeynta dareemaha :
Gabadha Wax badan ayeey iska Hadleeysaa ayada Oo Aan Ka fakirin Waxa ay Ku hadleeyso

Halka Ninka isku dayayo in Uu Ka fiirsado Waxa Uu Ku hadli lahaa Ka hor hadalka.
Mohamed a olad

Qisadii Luqmaan Al-Xakiim iyo WiilkiisaLuqmaan Al-Xakiim wuxuu ahaa nin caqli badan, xikmad iyo cilmi lagu yaqaanay. Ila...
04/02/2025

Qisadii Luqmaan Al-Xakiim iyo Wiilkiisa

Luqmaan Al-Xakiim wuxuu ahaa nin caqli badan, xikmad iyo cilmi lagu yaqaanay. Ilaahay wuxuu ku xusay Qur’aanka Kariimka ah, waxaana uu siiyay xikmad weyn oo uu dadka wax ugu sheego. Wuxuu lahaa wiil uu si joogta ah talooyin iyo waano u siin jiray, si uu ugu hanuuno dariiqa toosan.

Maalin maalmaha ka mid ah, Luqmaan wiilkiisa ayuu si qoto dheer u waaniyey, wuxuuna ku yiri:

1. Waa in aad Ilaahay kaliye caabuddo.

"Wiilkeygiyoow, cidna ha la shariik yeelin Ilaahay, maxaa yeelay shirkigu waa dulmi aad u weyn.” (Suuradda Luqmaan: 13). Wuxuu uga digay in Ilaahay cid kale lala wadaajiyo, maadaama uu yahay abuuraha kaliya ee xaqa lagu caabudo.

2. Waa in aad waalidkaaga si wanaagsan ula dhaqanto.

"Wiilkeygiyoow, u mahadnaq Ilaahay, sidoo kale waalidkaaga u mahadnaq, maxaa yeelay hooyadaa way ku xambaartay inta aad uurkeeda ku jirtay, wayna kugu dhibtootay.” (Suuradda Luqmaan: 14).

3. Wax walba oo aad sameyso Ilaahay wuu ogyahay.

Luqmaan wuxuu wiilkiisa u sheegay in hadduu camal falo, xitaa hadduu sida iniin yar u yaryahay camalkaas kadibna la dhigo buur ama meel kale, Ilaahay wuu ogyahay, oo wuu keenayaa maalinta Qiyaame.

4. Tuko oo dadkana wanaaga far.

Luqmaan wuxuu wiilkiisa ku waaniyey in uu tukado, dadka wanaagga faro, xumaantana ka reebo, dulqaadna muujiyo.

5. Ha is-kibrin oo ha isla waynaan.

"Wiilkeygiyoow, haka jeedsan dadka adigoo is kibrinaaya, dhulka ha ku socon adigoo isla wayn, maxaa yeelay Ilaahay ma jecla qof isla wayn oo kibirka badan." (Suuradda Luqmaan: 18-19).

Luqmaan wuxuu wiilkiisa baray xushmada, samirka, iyo inuu noqdo qof naxariis badan oo dadkana ula dhaqma si wanaagsan.

Qisadan waxay muujinaysaa xikmaddii weynayd ee Luqmaan lahaa iyo sida uu wiilkiisa uga reebay dariiqa xun, uguna waaniyey dariiqa saxda ah.
Mohamed a olad

Address

500 Thornlea Court
Ballwin, MO
63011

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali green posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali green:

Share