Hon. Cumar Cilmi-Qaate

Hon. Cumar Cilmi-Qaate Mr. Cumar Cilmi-Qaate is the Owner of Vision 2030 and Founder of We Can Vote Movement 🗳 Somalia.

TIX: XXD/D/J/0017/2026    TARIIKH: 28/07/2026.                                                   KU: Wasaaradda Arrimaha...
07/29/2026

TIX: XXD/D/J/0017/2026 TARIIKH: 28/07/2026.

KU: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland = Garoowe
OG: Gudoomiyaha Degmada Jarriiban = Jarriiban
OG: Isuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Gobolka Mudug = Gaalkacyo
OG: Gudoomiyaha Gobolka Mudug. = Gaalkacyo
UJJ: Shaqo ka-tagis - Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jarriiban

25/01/2026 - 28/07/2026.

Mudane Wasiir, Aniga oo ogsoon in ay weli jirto kalsoonidii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay iigu Magcawdey Xoghayaha Dawladda Hoose ee Deg. Jarriiban, Tixraacayana Talooyinkii aan soo gudbiyey bilihii May, June & July ee sanadka 2026.

Markii ay ii Muuqatey, in Degmada Jarriiban ay ka jiraan caqabado badan oo u baahan in si wadajir ah ay isaga kaashadaan; Golaha Fulinta, Golaha Deegaanka, Odayaasha dhaqanka & qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Jarriiban & Dawaldda Dhexe ee Puntland.

Markii ay ii cadaatey, in ay tahay xilli wax lagu qiimeyn karo, Aniga oo sameeyey intii karaankayga ahayd ee aan Degmada ugu adeegi lahaa. Sidaas daraadeed, waxaan ka xumahay maanta oo ah Talaado 28/07/2026, in aan shaqadii Xoghayaha D/Hoose ee Deg. Jarriiban halkaan dhaafin waayo. Ugu Dambeyn, Waxaan Go'aansadey inaan si' rasmi ah iskaga casilo Xilkaas. Waana Sunnaha Dawladnimada in xilku uu meerto yahay.

Mudane Wasiir, waxaan si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad iga aqbashid warqadda shaqo ka tagista/iscasilaada.

Mr. Cumar Maxamuud Yaasiin. MBA -HRM
Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Jarriiban

Tacsi.Jarriiban, 16-07-2026.Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.Waa Geeri Naxdin leh !!!.Aniga oo ku hadlaya Magaca...
07/15/2026

Tacsi.
Jarriiban, 16-07-2026.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Waa Geeri Naxdin leh !!!.

Aniga oo ku hadlaya Magaca Shacabka Deg. Jarriiban, Maamulka, Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Degmada & kayga gaarka ahba, waxaan halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Taliyihii Booliiska Degmada Jarriiban oo gacan ka xaqdaran caawa ku dishey Degmada Jarriiban.

Muddadii koobneyd ee uu Taliye Guuleed shaqeynayey wuxuu xoogga saarey kor u qaadista amniga guud ee Degmada, la dagaalanka Burcad badeedka iyo hab sami u socodka hawlaha Booliiska ee degmada Jarriiban, wuxuu ahaa Sarkaal dhallinyaro ah oo waqtigiisa badankiisa u huray ka shaqeynta hawlaha Amniga Deegaanka & Degmada Jarriiban.

Waxaan si guud tacsida ugu lawadaagayaa Ciidamada Booliiska Puntland, Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, Ciidanka Booliiska Degmada Jarriiban, Shacabka Degmada Jarriiban iyo Qoyskii & Qaraabadii Eebbe ha u naxariisto Taliye Guuleed Abdulqaadir Kadleeye.

Taliye Guuleed Kadleeye, Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu Jannatul Fardowso hoygiisa ka dhigo, kitaabkiisana Midigta uga dhiibo, dhamaanteena Samir iyo Iiman buuxa in Alle inaga wada siiyo.

🤲 🤲 🤲 Aamiin 🤲 🤲 🤲

Cumar Cilmi-Qaate
Xoghayaha Deg. Jarriiban.

07/08/2026

08-Jully-2026, Arbaco.

Waxaan soo dhaweynayaa in Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland maanta ansixiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose ee Puntland.

Hambalyo Xuska Maalinta Xorriyadda & Midnimada.Munaasabadda Xorriyadda  darteed, Waxaan u rajaynayaa dadka Soomaaliyeed ...
06/30/2026

Hambalyo Xuska Maalinta Xorriyadda & Midnimada.
Munaasabadda Xorriyadda darteed, Waxaan u rajaynayaa dadka Soomaaliyeed Horumar, Nabad & Barwaaqo.

06/28/2026

Garowe: June 28, 2026.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland mudane Hon Abdi Hirsi Ali - Qarjab ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada Dawladda Puntland, iyada oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland ay fadhiga ka hor akhridey Waxkabedelka lagu sameeyey Xeerka Maamulka Gobolada iyo Dhismaha Dawladdaha Hoose ee Dawladda ee Law. No 3.

Waxaana Wasiirka weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mohamed AIi Farah Farmayeri iyo Agaasimaha doowladaha hoose Abshir Hassan Mohamed iyo Agaasimaha Qorsheynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yuusuf Axmed Aw-cismaan (Yusuf Ganey), garyaqaan Ismaaciil Cabdullaahi Cilmi.

Waxaan Bogaadinayaa in wax badan laga bedelay lana il-tirey daldalooladii yaryaraa ee Xeerkaan ku gedaanaa. Sidoo kale, Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ay ka farabuuxsan doonaan kadibna anxin doonaan waxkabedelka Xeerkaan.

Allaa Mahadleh.

"Waxaan ku niyad samahay in mar uun ay 5ta Soomaaliyeed isu imaan doonaan" - Hon Cumar Cilmi-Qaate.
06/26/2026

"Waxaan ku niyad samahay in mar uun ay 5ta Soomaaliyeed isu imaan doonaan" - Hon Cumar Cilmi-Qaate.

06/26/2026

Baaq Deg-dega ah.

Qiyaasitii ku dhawaad, 75% Dhulka Degmada Jarriiban waxaa ka jirta Abaar saamayn weyn ku yeelatey nolosha Miyiga & Magaalooyinka Degmada. Waxay Degmada Jarriiban weyday 3 nur is xigxoga oo uu ugu dambeyey Gu'ga hadda oo dabayshii Xagaagu ku dhufatey. Waxaa la waayey Deyrtii h**e iyo Gu'gii labaad.

Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo ay khusayso in il-gaar ah lagu hayo Saameynta abaaraha iyo roob waagu keenaan oo loo toog-hayo sidii looga jawaabi lahaa haddii ay isubedesho abaar baahsan.

Muuqaalkaan hoose waa dadka reer guuraaga ah oo ka soo hayaamaya Galxagar, Garacad, Buubi, Seemade ilaa Dhinawda Qoryaweyn. Waxayna kor u hayaan wadada Wadaagsin agagaarka Balli-busle ilaa Godod oo Degmada Gaalkacyo ah.

📸 Dalmar Socdaal 🎥

06/23/2026

Waxaan uga mahadcelinayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee booqashada noogu yimid Degmada Jarriiban in ay Gudbiyeen Baahiyahii ugu muhiimsanaa ee ay kusoo arkeen Degmada.

Waxaan rajaynayaa in Haayadda Dawladda ee arrinkaan ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga soo jawaabaan.

Address

2724 Ceder Avenue
Minneapolis, MN
2754CEDAR

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon. Cumar Cilmi-Qaate posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share