SRAJ News

SRAJ News Hadalyar iyo Howlbadan

An independent and Outlet News that covers the Truth towards the oppressed and Marginalized Somali people who were under occupied since 1954 by the Ethiopian government under the consent of the British government through the barrel of gun.

Musuqa iyo hagardaamada Cabdullaahi Jaarso uu bulshada ku hayo, walaahi waa dhibaato aad u wayn!Dhalinyaro 3 ah oo deega...
04/09/2026

Musuqa iyo hagardaamada Cabdullaahi Jaarso uu bulshada ku hayo, walaahi waa dhibaato aad u wayn!

Dhalinyaro 3 ah oo deegaanka u dhalatay, 2 ka mid ah waa Gobolka Sitti, midna waa Gobolka Faafan, gaar ahaan reer Jigjiga oo Yurub ku nool, ayuu iskugu daray dhibaato wayn iyo hantidi ay lahaayeen oo uu ka dhaco.

Dhalinyaradan oo ku nool dalka Jarmalka ayaa lagu xiray inay sharciga wadankooda la yimaadaan. Safaarada Itoobiya ee halkaas ku taala ayay tageen, faraha iyo indhaha ayaa halkaas lagaga qaaday. Mudo dheer ayay sugayeen, markii ay wax natiijo ah waayeena, mudo ku dhaw sanad ka hor ayay xiriir la sameeyeen Cabdullaahi Jaarso.

Wuxuu u sheegay in farahoodii iyo indhahoodii ay soo gaareen Immigration-ka Addis Ababa, balse sawirada ay soo direen ay u baahan yihiin wax ka badal, lacagna ay soo diraan. Wiilashii waxay soo direen min 5,000 oo dollar, taasoo noqotay lacag dhan 15,000 oo dollar.

Wiilashii ayuu baasabooro fake ah u sameeyay. Markii baasabooradii loo geeyay ee ay tageen goobtii dakanashada Jarmalka, si loo saaro, waxaa loo sheegay in ay fake yihiin baasaboorada ay wataan. Dhibaato badan ayay wiilashii ku wajahayaan dalka Jarmalka.

Xogta wiilashan oo faahfaahsan iyo cadaymihii ayaan idinla wadaagi doonaa, oo ay ka mid yihiin cadaymaha lacagta, baasabooradii iyo codadkii Cabdullaahi Jaarso iyo wiilasha dhax maray.

SRAJ News

ABIY AHMED OO DIYAARINAYA ISBADAL WAYN: DAWLAD CUSUB IYO LIX MADAXWEYNE-DEEGAAN OO LA BADALAYO?Addis Ababa waxaa si wayn...
04/09/2026

ABIY AHMED OO DIYAARINAYA ISBADAL WAYN: DAWLAD CUSUB IYO LIX MADAXWEYNE-DEEGAAN OO LA BADALAYO?

Addis Ababa waxaa si wayn looga hadal hayaa in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu bilaabayo dib-u-habayn balaaran oo lagu samaynayo dawlada federaalka, iyadoo la sheegayo in 70–80% wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenada la badali karo, lana keeni karo wajiyo cusub oo siyaasadeed.

Isbadalku hadii uu dhab noqdo, kuma ekaan doono golaha wasiirada. Waxaa sidoo kale la hadal hayaa in lix madaxwayne oo ka tirsan maamul-deegaanada Itoobiya xilalka laga badali doono, taas oo noqon karta talaabo si wayn u badali karta siyaasada maamul ee dalka.

Su’aashu waxay tahay: Maxaa keenaya isbadalkan xiligan? Abiy Ahmed wuxuu hada kasoo baxay doorasho uu xisbigiisu ku helay aqlabiyad aad u xoogan. Sidaas darteed, wuxuu haystaa fursad siyaasadeed oo uu ku dhiso koox cusub oo si buuxda ugu shaqaysa jihada uu doonayo marxalada cusub.

Oromia iyo Shimelis Abdisa ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee indhaha lagu hayo. Oromia waa gobolka ugu miisaanka culus Itoobiya, waxaana wali ka jira caqabado amni iyo siyaasadeed. Hadii Abiy doonayo waji cusub oo gobolka ah, isbadalka hogaanka Oromia wuxuu yeelan karaa miisaan siyaasadeed oo aad u wayn.

Amhara iyo Arega Kebede sidoo kale waa meel aan la iska indho tiri karin. Gobolka ayaa wali wajahaya xaalad amni oo adag, waxaana muuqata in xukuumada federaalku u baahan tahay qaab cusub oo ay gobolka ula macaamilayso. Sidaas darteed, hadii isbadal balaaran yimaado, Amhara waxay noqon kartaa mid ka mid ah meelaha ugu h**eeya ee la taabto.

Deegaanka Soomaalida iyo Mustafe Omer ayaa kamid ah meelaha sida gaarka ah loo hadal hayo. Mustafe wuxuu xilka hayay tan iyo 2018, mudo ka dheer inta badan madaxda hada talada haysa. Hadii Abiy doonayo inuu dib u habeeyo xiriirka Addis Ababa iyo maamulada, gaar ahaan kuwa uu doonayo inuu u dhiso wajiyo cusub, kursiga deegaanka wuxuu noqon karaa mid muhiimad gaar ah leh.

Afar, Gambela iyo Benishangul-Gumuz ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha isbadalku gaari karo. Sadexdan gobol inkastoo aysan miisaan ahaan la mid ahayn Oromia ama Amhara, hadana waxay muhiimad gaar ah ku leeyihiin amniga, xuduudaha iyo istiraatiijiyada federaalka. Hadii lix madaxwayne la badalayo, magacyada badalaya ayaa noqon doona waxa ugu xiisaha badan.

Ugu danbayn, tani ma noqon doonto oo kaliya “cabinet reshuffle.” Waxay noqon kartaa Abiy Ahmed oo bilaabaya marxalad siyaasadeed oo cusub, isaga oo doonaya wasiiro cusub, madax-deegaano cusub iyo koox siyaasadeed oo si dhaw ula jaanqaada qorshihiisa. Tigray xaaladdiisu waa mid gaar ah oo khilaaf siyaasadeed ka dhaxeeyo Addis Ababa iyo hogaanka Tigray; sidaas darteed indhaha ugu waawayn waxay ku jeedaan maamulada kale. Su’aashu hadda ma aha oo kaliya cida xilka laga qaadayo-ee waa cida Abiy u diyaarinayo inay noqoto wajiyada cusub ee Itoobiya.

SRAJ News

Hassan Moalin: Siyaasigii ONLF, Xildhibaankii Federaalka, iyo Wajiga Cusub ee Siyaasada Itoobiya!Hassan Moalin waa siyaa...
04/09/2026

Hassan Moalin: Siyaasigii ONLF, Xildhibaankii Federaalka, iyo Wajiga Cusub ee Siyaasada Itoobiya!

Hassan Moalin waa siyaasi ka soo jeeda deegaanka somalida oo kasoo baxay waayo-aragnimo dheer oo la xiriirta halganka siyaasadeed iyo maamulka dawladeed, isaga oo mudooyinkii danbe door muuqda ku yeeshay siyaasada heer federaal ee Itoobiya.

Hassan wuxuu h**e uga mid aha hogaanka ururka ONLF, isagoo soo noqday Gudoomiye Ku-xigeenka ururka. Wakhtiyadi uu ururku wajahay khilaafaadyo iyo kala aragti duwanaansho gudaha ah, ayuu Hassan ka baxay hogaankii iyo halgankii uu mudada dheer ku jiray.

Ka bixitaankiisii ONLF kadib, Hassan k**a uusan qayb qaadan khilaafaadkii iyo kala qaybsanaantii siyaasadeed ee ka dhax taagnayd ururka. Taa badalkeeda, wuxuu xooga saaray sidii uu uga qayb qaadan lahaa adeega bulshada iyo arimaha horumarinta dalka.

Qiyaastii hal sano kadib markii uu ka baxay ONLF, Hassan wuxuu ku biiray Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Party-PP), halkaas oo uu kasoo bilaabay wado siyaasadeed oo cusub. Wuxuu noqday xildhibaan heer federaal ah, isagoo sidoo kale qabtay xilal dawladeed oo heer federaal ah.

Intii uu ku jiray dawlada federaalka, Hassan wuxuu soo noqday Wasiiru-dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Xiriirka Gobolka, isagoo qayb ka noqday hawlaha dawlada ee la xiriira ganacsiga, xiriirka iyo iskaashiga gobolka. Kadib waxaa mar kale loo doortay xildhibaan heer federaal ah doorashadi bilo kahor ka dhacday wadanka.

Waxyaabaha lagu tilmaamo inay ka caawiyeen Hassan inuu si degdeg ah ula qabsado shaqooyinka uu qabtay waxaa ka mid ah aqoonta uu u leeyahay luqado badan iyo khibradiisa dhinaca siyaasada iyo maamulka. Awooda luqadeed iyo fahamka uu u leeyahay duruufaha bulshada iyo gobolka ayaa u sahashay inuu si fudud ula shaqeeyo dhinacyo kala duwan.

Dadka la shaqeeya iyo kuwa yaqaan shaqadiisa ayaa ku tilmaama inuu yahay shaqsi si wanaagsan ula qabsaday mas'uuliyadaha loo igmaday, isla markaana isku dayay inuu waayo-aragnimadiisii h**e ugu badalo shaqo dawladeed iyo adeeg bulsho.

Iyadoo siyaasada Itoobiya ay mar walba yeelanayso wajiyo cusub, Hassan ayaa loo arka shaqsiyaadka Soomaalida ah ee kasoo dhax muuqan doona dawlada cusub ee la filaayo in la soo dhiso bilaha inagu soo aadan.

SRAJ News

WAZEMA RADIO: “70–80% XILALKA SARE ISBADAL AYAA LAGU SAMAYNAYAA”-ABiy OO XUKUUMAD CUSUB DIYAARINAYA!Warbaahinta Wazema R...
04/09/2026

WAZEMA RADIO: “70–80% XILALKA SARE ISBADAL AYAA LAGU SAMAYNAYAA”-ABiy OO XUKUUMAD CUSUB DIYAARINAYA!

Warbaahinta Wazema Radio ayaa baahisay xog ay ka heshay ilo ay ku sheegtay inay xog-ogaal u yihiin arimaha xukuumada, taas oo tilmaamaysa in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna Gudoomiyaha Xisbiga Barwaaqo, Dr. Abiy Ahmed Ali, uu qorshaynayo isbadal balaaran oo lagu sameeyo xilalka sare ee dawlada bishan inagu soo aadan kadib doorashadii guud ee todobaad

Sida ay Wazema Radio sheegtay, Xisbiga Barwaaqo wuxuu go’aansaday in 70 ilaa 80 boqolkiiba xilalka sare ee dawlada loo magacaabo masuuliyiin cusub.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Ra’iisul Wasaare Abiy uu arintan u sheegay wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenada hada xilalka haya, iyadoo masuuliyiintii mudada dheer xilalka hayay lagu wargsliyay inay isu diyaariyaan shaqooyin kale.

Wasiiro cusub iyo safiiro!

Sida ay Wazema Radio ka soo xigatay ilo-wareedyadeeda, qaar ka mid ah wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenada hada xilalka haya ayaa laga yaabaa in loo magacaabo xilal diblomaasiyadeed, oo ay ku jiraan safiiro.

Mid ka mid ah ilaha Wazema ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu kulan uu la yeeshay wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenada ku sheegay:

«“70 ilaa 80 boqolkiiba xilalka sare isbadal ayaa lagu samayn doonaa.”»

Wazema waxay sheegtay in kadib hadalkan ay socdaan kulamo xiriir ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenada.

📱 Kulamo xasaasi ah oo Addis Ababa ka socda!

Sida ay Wazema Radio sheegtay, wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenada ayaa si gooni-gooni ah loola kulmayaa.

Kulamada waxaa lagu qiimaynayaa waxqabadkii shantii sano ee lasoo dhaafay, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigayaa dukumiintiyo iyo qorshayaal cusub.

Waxaa la sheegay in kulamada wasiir-ku-xigeenada taleefoonada gacanta laa mamnuucay inay la soo galaan, iyadoo kulamadu ay ka socdaan Addis Ababa ayna sii socon doonaan maalmo dheeraad ah.

Mucaaradka ma lagu dari doonaa xukuumada cusub?

Wazema Radio waxay sidoo kale sheegtay in ay jirto fursad ah in qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka lagu daro xukuumada cusub, sidii dhacday shan sano ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyayaal xisbiyo ah oo Wazema la xiriirtay ayaa sheegay in ilaa hada aan xisbiyadooda loo gudbin codsi rasmi ah oo ku saabsan xilal wasiirnimo.

Isbadalka ma gaari doonaa dawlad-deeganada?

Warbixinta Wazema waxay sidoo kale tilmaamaysaa in isbadalku uusan ku koobnaan doonin dawlada federaalka.

Ilo-wareedyada Wazema ayaa sheegay in qaar ka mid ah masuuliyiinta dawlad-deeganada laga joojiyay shaqada, iyadoo lagu eedeeyay inay si wanaagsan uga soo bixi waayeen waajibaadkii loo igmaday xiligii doorashada.

Qaar ka mid ah masuuliyiintaas ayaa sidoo kale loo sheegay, sida ay Wazema sheegtay, in aysan ka mid noqon doonin golayaasha cusub ee xukuumada la dhisayo.

Musuqmaasuq iyo isla-xisaabtan!

Wazema Radio waxay intaas ku dartay in qaar ka mid ah masuuliyiinta lagu qaban karo ama lala xisaabtami karo ololayaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa ee socda.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyada Wazema, qiimaynno la sameeyay kadib doorashada ayaa horseeday in talaabooyin kala duwan laga qaado qaar ka mid ah masuuliyiinta.

Sikastaba, xukuumada cusub ee Itoobiya waxay wajihi kartaa isbadal hogaamineed oo aad u balaaran-iyadoo inta badan xilalka sare loo diyaarinayo wajiyo cusub.

SRAJ News

Waxaan uga mahadcelinaynaa Xukuumadda sida ay u dhegaysatay talada iyo dareenka shacabka, isla markaana ay tallaabo uga ...
04/09/2026

Waxaan uga mahadcelinaynaa Xukuumadda sida ay u dhegaysatay talada iyo dareenka shacabka, isla markaana ay tallaabo uga qaaday dadkii ku hawlanaa faafinta dhaqan-xumada iyo waxyaabaha aan waafaqsanayn dhaqanka iyo qiyamka bulshada deegaanka Soomaalida.

DHAQAN HALIS AH OO BULSHADEENNA SOO GALAYA WAA IN SI DEGDEG AH LOOGA HORTAGA.

Gabadhan ayaa maalin ka hor soo duubtay muuqaal ay ku sheegtay in koox dhalinyaro ahi ay rakaato ku haystaan, iyadoo xustay inay kahayaan muuqaallo anshax xumo ah oo ay ugu hanjabeen inay faafin doonaan.

Arrintani ma aha dhacdo la iska indho-tiri karo. Waa dhaqan halis ah oo haddii aan si degdeg ah looga hortagin, si weyn u saameyn kara qoysaska, gabdhaha iyo guud ahaan bulshada deegaanka.

Hay’adaha amniga iyo waalidiintu waa inay si dhab ah uga hortagaan dhalinyarada Noocaan ah.
Haddii aan maanta tallaabo adag laga qaadin, waxaa jirta khatar ah in falalkan ay caadi noqdaan, ayna gaaraan heer ay baraha bulshada iyo kooxaha Telegram-ka ka abuurmaan suuqyo lagu kala iibsado muuqaallo anshax xumo ah oo dadka lagu dhibaateeyo.

Tani waa digniin u baahan in si dhab ah loo qaato.

Bulshada, waalidiinta, madaxda deegaanka iyo hay’adaha amniga waxaa saaran masuuliyad ah inay si wadajir ah uga hortagaan dhaqan kasta oo dhaawacaya sharafta, asturnaanta iyo amniga bulshada deegaanka.

Maanta haddii aan la joojin, berri waxay noqon kartaa dhibaato taabanaysa guri kasta iyo xaafad kasta.

Koonfurta somaliya waxa kajira tusaale ha inoogu filnaato.

Cabdi Kursiga Ma Joogo-Mustafe Cagjar Markuu Ka D**o, Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa?Mustafe Cagjar markii uu si fiican u xa...
03/09/2026

Cabdi Kursiga Ma Joogo-Mustafe Cagjar Markuu Ka D**o, Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa?

Mustafe Cagjar markii uu si fiican u xaqiijistay in kursiga laga badalayo, Ayaa wuxuu qaatay qorshe cusub oo ah inuu sawiradisa iyo hadaladiisa ku dhiso isbarbardhiga isaga iyo ninkii ka h**eeyay, ee CMC ahaa.

Wuxuu rabaa inuu dhoho, “Anigu marka aan kursiga ka tagay mashaariic ayaan dhagax dhigay,” isaga oo dhinaca kale isku dayaya inuu xuso in ninkii isaga ka h**eeyay, Cabdi yare, markii kursiga uu ka dagay uu sii daayay maxaabiis badan...Waa mustafe iyo murankiisi badnaaye.

Laakiin su’aashu waxay tahay: maxay tani Mustafe Cagjar u tari doontaa? Cabdi maanta kursiga ma joogo. Ee Adiga kursiga ka dagaya, maxaa lagugu xasuusan doonaa?

SOUTHWEST STATE PRESIDENT ADDRESSES MILITARY OPERATION IN BAIDOABaidoa, Somalia-September 3, 2026: The President of Soma...
03/09/2026

SOUTHWEST STATE PRESIDENT ADDRESSES MILITARY OPERATION IN BAIDOA

Baidoa, Somalia-September 3, 2026: The President of Somalia’s Southwest State, Abdulaziz Hassan Mohamed Laftagareen, has issued a statement regarding a military operation carried out by Southwest State Darwish forces in the city of Baidoa.

According to the presidential statement, the operation was conducted as part of efforts to strengthen security, maintain law and order, and preserve stability in Baidoa.

The statement said the operation targeted forces accused of entering Southwest State territory by force, particularly in Baidoa.

It claimed that two vehicles were set on fire and three others were seized during the operation. The statement also said that significant losses were inflicted on forces identified as Salbalaaar and Afbalaaar.

President Laftagareen praised the Southwest State Darwish forces for what he described as their efforts to protect civilians, maintain security, and safeguard stability in the region.

The Southwest State Government also thanked residents for their support and praised the public for welcoming the Darwish forces during the operation.

In his statement, President Laftagareen reaffirmed his government’s commitment to protecting the lives and dignity of civilians, defending state institutions, and upholding the constitutional order of the Southwest State of Somalia.

📌 SRAJ News | Based on a statement issued by Southwest State President H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen.

IMMIGRATION IN ADDIS ABABA: WHO IS BEING SERVED, AND WHO IS BEING MISTREATED?For some time, we have been receiving infor...
03/09/2026

IMMIGRATION IN ADDIS ABABA: WHO IS BEING SERVED, AND WHO IS BEING MISTREATED?

For some time, we have been receiving information concerning the way passport services are being provided at the Immigration office in Addis Ababa, particularly in relation to people from the Somali Region who seek passports urgently due to medical emergencies or other circumstances requiring immediate travel.

It is well known that Immigration offices handle emergency cases, including people who are seriously ill or facing urgent travel situations. However, the information we have received raises serious questions that require proper investigation and clear answers:

Why are people who are not originally from the region, including those crossing the border, allegedly given easier access to services, while people who are originally from the region face particular obstacles and pressure?

The Immigration office in Addis Ababa is an important center for passport services in Ethiopia and employs staff from different ethnic communities across the country. Somali-speaking employees also work there to assist people from the Somali Region with language, communication, and an understanding of their specific circumstances.

The information we are preparing to disclose specifically concerns two individuals, Abdullahi Jaarso and Fadxi, who are reportedly among the Somali employees working there. These two individuals have allegedly become a particular obstacle for members of the Somali Region seeking passport services.

Several people have reported that they went to the office with medical emergencies or other urgent circumstances but were allegedly met with refusals, delays, and treatment they described as inappropriate and unacceptable. Some of these individuals are also reported to have died in Addis Ababa after failing to obtain the passports they needed to travel abroad for medical treatment.

At the same time, it has been alleged that these two individuals provide preferential treatment to people who are not originally from the Somali Region or Ethiopia, including individuals reportedly coming from different parts of neighboring Somalia. According to the information we have received, Abdullahi Jaarso and Fadxi allegedly take substantial amounts of money from such individuals while giving them special attention and assistance in obtaining passport services.

Some of the information we have received is extremely serious. There are reports of incidents and alleged actions involving these two individuals that are deeply disturbing and cannot simply be ignored or remain unaddressed.

We will present the information and reported incidents piece by piece, Allah willing, so that the public can examine the allegations and the evidence behind them.

We will also provide information about people who were brought to Addis Ababa in serious medical conditions with the intention of traveling abroad for treatment, but who were allegedly denied passports and later died there. We will provide the number of people involved, their names, and the areas of the Somali Region from which they came.

Stay tuned for the next part and for developments that may shock you.

SRAJ News
FDRE Immigration and Citizenship Service
FBC (Fana Broadcasting Corporate S.C.)
Office of the Prime Minister-Ethiopia
Abiy Ahmed Ali
N I S S - የብሔራዊ መረጃና ደኅንነት አገልግሎት
FDRE Ministry of Justice/ የኢ.ፌ.ዲ.ሪ. ፍትሕ ሚኒስቴር
Federal Ethics and Anti-Corruption Commission

03/09/2026

SANAD KAHOR RW DR. Abiy Ahmed Ali AYAA SIDAN YIDHI:

“Waxaan ognahay in ay jiraan tuugo badan oo dhibaato ku haya nidaamka dawliga ah. Laakiin qorshe ayaan hada qaadanay, gudi ayaana u samaynay. Gudigaas ayaa xogta soo gudbin doona, waxaana qaadi doonaa talaabo degdeg ah. Ma garanayno cida ay ku dhici doonto talaabadu, balse sidan isku dhax fadhin mayno.”

Hadalkan sanad ka hor ayuu Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed sheegay. Hadaba, indhuhu waxay ku sii jeedaan talaabooyinka socda iyo cida ay saamayn doonto ololaha la dagaalanka musuqmaasuqa.

IMMIGRATION-KA ADDIS ABABA: Yaa Loogu Adeega, Yaase Lagu Hagardaameeya?In mudo ah waxaa na soo gaarayay xog la xiriirta ...
03/09/2026

IMMIGRATION-KA ADDIS ABABA: Yaa Loogu Adeega, Yaase Lagu Hagardaameeya?

In mudo ah waxaa na soo gaarayay xog la xiriirta habka adeegga baasaboorka ee Immigration-ka Addis Ababa, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida ee u taga xaaladaha deg-dega ah iyo kuwa caafimaad ee u baahan baasaboorka si dhaqso ah.

Waxaa la ogyahay in xarumaha Immigration-ku ay qaabilaan xaaladaha deg-dega ah, oo ay ku jiraan dadka xanuunsan ama ay safaro deg-deg ahi soo wajahaan. Balse xogta aan helnay waxay dhalinaysaa su’aalo culus oo u baahan in si dhab ah loo baadho loogana jawaabo:

Maxaa dadka aan deegaanka u dhalan ee xuduudaha ka soo talaaba loogu fududeeyaa adeega, halka kuwa u dhashay deegaanka-ay ula kulmaan caqabado iyo cadaadis gaar ah?

Immigration-ka Addis Ababa oo ah xarun muhiim u ah adeegyada baasaboorka dalka waxaa ka shaqeeya shaqaale kulmiya dhamaan qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya. Waxaa sidoo kale halkaas ka shaqeeya shaqaale Soomaali ah oo loogu talagalay dadka ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida in ay ugu adeegaan dhinaca luuqada, garashada iyo fahamka duruufahooda.

Xogaha aan sida gaarka ah u baahin doono waxay khuseeyaan laba shaqsi oo magacyadooda lagu sheegay Cabdulahi Jaarso iyo Fadxi, kuwaas oo qayb ka ah shaqaalaha Soomaalida ee halkaas ka shaqeeya. Labadan shaqsi oo la sheegay in ay yihiin caqabad gooni ah oo haysta shacabka DDS.

Waxaa jira dad sheegay inay goobta tageen iyagoo qaba xaalado caafimaad ama xaalado deg-deg ah, balse ay la kulmeen diidmo, dib-u-dhac iyo hab-dhaqan ay ku sheegeen mid aan qurux badnayn. Waliba qaar badan oo dadkaas kamid ah ay ku nafwaayeen magalada Addis Ababa markii ay waayeen baasaboorkii ay dhakhtar ku aadi lahaayeen.

Taas badalkeeda labadan shaqsi ay si gaar ah ugu adeegaan dad aan deegaanka iyo dalka u dhalan oo la sheegay in ay ka yimaadan dalka aan dariska nahay ee Somalia deeganadiisa kala duwan. Dadkaas ayaa la sheegay in cabdulahi jaarso iyo fadxi ay ka qaatan lacago badan iyaga oo si gaar ah xooga u saara in ay u adeegaan.

Qaar ka mid ah xogaha aan helnay Ayaa ah kuwo aad u culus, waxaana jira dhacdooyin iyo falal argagax leh oo ay ku dhaqmeen labadan shaqsi, dhacdooyinkaas oo ah kuwo aan la iska indha tiri karin lagana aamusnan karin. Waxaan xogaha idiinku soo gudbin doonaa qayb-qayb hadii Alle idmo.

Waxaan sidoo kale idiin soo gudbin doona dadka magalada Addis Ababa intii xaalad degdeg ah oo caafimaad loo geeyay si wadaanka dibadiisa loogu qaado loo diiay baasaboorka kadibna halkaas ku nafwayay tirada dadkaas, magacyadooda iyo goobaha ay ka soo kala jeedaan deegaanka somalida.

La soco. qaybta xigta iyo arimo kaa yaabiin doona.

SRAJ News

Address

350 S 5th Street
Nairobi
55401

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SRAJ News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share