08/19/2025
Maalintu waxay ahayd sabti 30/11/2014 ama 06/08/2022 waxaan maqalnay in danlahelay ay qarka u saaran tahay inay canfari la wareegto, waxaan markiiba soo gaadhnay magalaadi danlahelay waxaanan imaanay magalaadii oo laba jiho ay canfartu la wareegtay jihada galbeed iyo jihada koonfurta.
Waxay maalinimadii axada ahayd 1/12/2014 ama 07/08/2022 canfartu naga soo weerartay jihadii waqooyi oo ay cundhufo naga xigtay waxayna isla wakhtigiiba gacanta ku dhigtay kala baydhkii danlahelay, waa goobta isku xidhdha cundhufo iyo danlahelay isla wakhtigiiba waxaa kala go'ay isku socodkii danlahelay iyo cundhufo waxayna cundhufo noqotay mid go'doonsan oo kaliya ay u furan tahay jihada bari.
Maalintii ku xigtay oo isliin ahayd 02/12/2014 ama 08/08/2022 waxaan abaabulay shacabkii dagana magalaada danlahelay iyo agagaarka waxaanan amar siinay ciidamadii dhex dagana maagalada waxaanan habeenimo weerar ku qaadnay goobtii ay canfartu ka kala xidhdhay labada magaalo ee cundhufo iyo danlahelay waxaanan 3/12/2014 ama 09/08/2022 si buuxda ula wareegnay goobtii waxaanan isku furnay isku socodkii labada magaalo.
Waxaan isla maalinkiiba tagnay magaalada cundhufo oo aad u camiran oo aad moodid inuu wax cadaw ahba agagaarka joogin, waxaanan abaabulnay shacabkii magaalada dagana iyo agagaarka waxaan sido kale heegan buuxa galinay ciidamadii joogay magaalada iyo agagaarkeeda waxaana dib ugu laabanay magaaladii danlahelay oo halis ku jirtay.
Maalinimo khamiis ah 05/12/2014 ama 11/08/2022 aroor h**e waxay canfartu si wada jir ah u soo weerartay danlahelay iyo cundhufo iska caabin sacaado kobaan ah ka dib waxaa naga dhamaatay rasaastii aan ku dagaalamaynay saacadu markii ay ahayd 10:30 barqanimo waxayna canfartiisi kala jartay danlahelay iyo cundhufo waxay la wareegtay waqooyiga cundhufo saldhigyo lagu magacaabo qodqod iyo diirane waxayna sido kale go'doomisay saldhig ciidamadeenu daganaayeen oo ay dhinacyada ka dhaaftay.
Dhankii danlahelay waxay ku soo dhawaatay magaaladii danlahelay ayadoo adeegsanaysa qoryo ciidamada qaranku ay lahayeen waxay midh midh ugu gubtay guryihii shacabka ee magaalada waxayna qoryihii waa weyna galafteen nafaf badan waxaana mar kaliya magaaladi ka baxay shacabkii, canfartii ayaana magaaldii soo gashay 4:30kii galabnimo 5/12/2014 ama 11/08/2022 waxaan haddana ciidan ka soo qaadnay goob la dhaho dhagaxcade oo agagaarka danlahelay ah ciidankii ayaa soo gaadhay magaalada 5tii galabnimo waxayna dib uga saareen canfartii, canfarta oo gurmad aad u fara badan oo ay ciidamada federalku ku jiraan helaysay ayaa si rasmi ah gacanta ugu dhigtay magaaladii danlahelay saacadu markii ay ahayd 6:30 maqribnimo 05/12/2014 ama 11/08/2022 waxaana halkii ku dhintay ciidan iyo shacab fara badan dhanka canfartana ciidamo aad u fara badan ayaa kaga dhintay.
Marka aan u soo laabano dhanki cundhufo waxay canfartiisi la wareegtay magaalo shagle iyo dhamaan goobihi lagu dagaalamaayay waxayna ku soo dhawaatay magaaladii cundhufo ayadoo kaga beegan jihada waqooyi, marka ay jihadaas si rasmi ah ula wareegtay saldhig ciidankeenu leeyahayna ay go'doomisay ayay ciidamada federalka oo canfarta garab siinaya magaladii cundhufo dhexdeedi ka bilaabeen dagaal ay shacabka ku beegsanayaan si ay shacabka magaalada uga saaran shacabka oo shihiid niyaystay ayaa aad iska caabiyay dagaalkii ciidanka federalka.
Ciidankii federalka oo nafiihiisa la cararaaya ayaa xeryahoodi ku wada laamay xaalada oo halkaas maraysa ayaan soo rarnay ciidamo dagaana jihada bari ee magaalada ciidankaas ayaana ku xidhnay jihadii waqooyi ee ay canfartu ka soo dhawaatay madamo danlahelayna la qabsaday canfartii ayaa jihadii koonfur ka soo dhaqaaqday wakhti xaadirka magaaladii cundhufo waxaa u furan kaliya jihada bari, jihooyinkii kale oo dhan canfar ayaa ka soo socota.
Xaaladii oo sidaas ah waxaan habeenimo abaabulnay shacab waxaana gaynay magalada birtadheer waxaana ku dardaarnay ayaga oo wada dhinta maahe inaysan canfarta goobtaas ka soo gudbin.
Gabbalkii ayaa dhacay wakhtigu waa habeen dhinackasta canfar ayaa ka soo socota, canfar ayaa go'doomisay ciidankeenii oo dhinacyada ka joogta, cundhufo waa go'doon waxaa dhacay khalkhal iyo argagax, waxaad maqlayaa qaylada ciyaalka iyo hoyooyinka waxaad arkaysa bakhaaro, tukaano iyo goobo ganacsi oo wada furan cidina aysan joogin, xaaladii ayaa nagu adkaatay.
Hadeeta waxaan go'aansanay inaan ciyaalka iyo dumarka ka sarno magaalada habeenimo iyo inaan u gurmano ciidankii go'doosana, laba koox ayaan isku qeybinay, koox waxaan u xilsaarnay inay ciyaalka iyo dumarka magaalada ka saaran kooxdii kale soo hadhayna waxaan u xilsaarnay inay u gurmadaan ciidanka ay canfartu dhinacyada ka joogto.
Saacadu waa 2dii habeenimo ama habeenka markii laba loo qeybiyo oo qeybtii dambe ah intaas ka dib waxaa hal mar ooda soo jabsaday ciidankii ay canfartu go'doomisay waxay aad iska caabiyeen canfartii ku hareersanayd, ka dib waxaan ka hortagnay ciidankii waxaana ku soo ururinay agagaarka magaalada cundhufo.
Waagi ayaan baryay maalintu waa jimce 06/12/2014 ama 12/08/2022 magalaadii cundhufo waa bandaw ama cidla cidina ma joogto, waxaan aadnay xaruuntii cafimaadka anako ka raadinayna bukaan ama dhaawac waxaanse tagnay xaruuntii oo cidla ama faruuq ah, hadeeta waxaan go'aansanay inaan difaacno maagalada waxaan jihada koonfur ee magaalada gaynay dhalintii magaalada si ay u difaacaan, jihadii waqooyina waxaan gaynay ciidan sidaas ayaana magaalada kaga saarnay maatidi, duqaydii iyo cidkasta oo shacab ah oo jilicsanayd.
Saacadu markii ay ahayd 11:00 maalinimo jimce ah 06/12/2014 ama 12/12/2022 waxay canfartii oo wadata ciidanka qaranka oo aad u tira badan soo weerartay jihadii waqooyi oo ciidankeenu joogay waxayna isla wakhtigiiba la wareegtay jihadii waqooyi waxayna lug ama ayago lugaynaaya soo galeen magaaladii ugu dambayna waxay sidaas kula wareegeen magaaladii cundhufo.
Intaas wixii ka dambeyay waxaan gadiidka ku daabulnay duqaydii, curyamiintii iyo hoyooyinkii uurka laha madamo wakhtigu wakhti robaad uu ahaa waxaa adkaatay isku socodka gadiidka.
Maalintaas waxaa la arkayay hooyo iyo ilmaheedii oo kala lumay, hooyo ay fooli qabatay oo dhalaaysa cid xirfadle ah oo ka dhalinaysana aysan jirin, ubad ama carruur yar yar oo gaajo darteed oyaaya, runtii maalintaas dhibaatadii jirtay maaha mid halkan lagu soo koobi karo.
Lakiin waxaa ballan ah in aan soo dhicin doono wadankeeni inta hadhay canfarna wadanka aan uga saari doono sidii ay nooga saareen si ka daran insha allah.