Gen. Odawa Yusuf Rage

Call Directions Website

Gen. Odawa Yusuf Rage This is my official page as the former Chief of Somali National army forces.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN(إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)Ilaahay ha u naxariisto walaalkey A...
10/09/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
(إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)

Ilaahay ha u naxariisto walaalkey Axmed Shire Xuseen, janatul Firdowsana haka waraabiyo. Ehelkii, qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan intii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alle haka siiyo.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelada, qaraabada iyo asxaabta Marxuum Axmed Shire Xuseen. Sidoo kale, waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu Marxuumku ka tirsanaa.

Marxuumka waxaa si xaq-darro ah loogu dilay deegaanka Calaag. Runtii waa dhacdo murugo iyo naxdin leh, kana fog damiirka, dadnimada iyo bini’aadantinimada.

Axmed wuxuu ahaa xubin ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna qoyskiisa uga soo fogaaday gudashada waajib qaran oo uu ugu adeegayay ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta. Ma ahayn wax marnaba xisaabtiisa ku jiray in uu naftiisa ku waayi doono gacanta kuwa uu u taagnaa ilaalinta naftooda, sharaftooda iyo maalkooda. Taasi waa arrin aad looga xumaado oo aan marnaba la aqbali karin.

Sidoo kale, waa waajib aan laga tanaasuli karin in cadaaladda la horkeeno cid kasta oo ka dambeysay falkaas foosha xun.

Ciidanka Qaranku waa daljirayaal Soomaaliyeed oo u adeegaya qaranka, kana sarreeya heyb, qolo iyo deegaan gaar ah. Sidaas darteed, dhiigga askariga Soomaaliyeed waa in ladhowraa lana ilaaliyaa sharafta iyo karaamada Ciidanka Qaranka.

Hambalyo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL15-ka May waa maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto halgankii, midnimad...
15/05/2026

Hambalyo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL
15-ka May waa maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto halgankii, midnimadii iyo waddaniyadda dhalinyaradii Soomaaliyeed ee u istaagay xorriyadda dalka.

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta ummadda, waxaana sharaf weyn leh geesiyaashii SYL ee horseeday gobannimada Soomaaliya waxaana dhalinta manta kula Dardaar mayaa in ay ka fakaraan aayaha maanta iyo kan mustaqbalkooda berito.

12/04/2026
Waxaan hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan umada  Soomaaliy...
20/03/2026

Waxaan hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan umada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Allaha inaga aqbalo acmaashii wanaagsanayd, Ciiddan teeda kale nabad, caafimaad iyo barwaaqo kuwii ku gaara allah hainaga dhigo.

Waxan si gaar ah hambalyo ku aadan munaasabada ciida awgeed halkan uga dirayaa ciidanka qaranka gaar ahaan ciidanka xooga dalka somaliyeed.

Eid mubaarak

06/02/2026

𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗𝗡𝗔𝗤 𝗜𝗬𝗢 𝗗𝗔𝗥𝗗𝗔𝗔𝗥𝗔𝗡

Waxaa Mahad oo dhan u sugnaatay Allah SWT oo si qurux badan noogu soo dhameeyay xil wareejintii Taliska CXDS, sidoo kale waxaan rabaa in aan halkaan markale uga mahadceliyo kala na dardaarmo geesiyaasha Ciidanka XDS, waxaan leeyahay aad baad ugu mahadsantihiin la shaqeyntiinii hagar la’aanta aheyd ee gudashada waajibaadkeenna Qaran ee aan u dhaaranay, Waxaan idin leeyahay dadaalkiini sii laba jibaara, waxaad na ogaatiin in culeys kasta uu fudeyd ka dambeyn doono insha alaah.

Ugu dambeyn, waxaan rabaa in aan fariin iyo dardaaran aan u diro Shacabkeyga Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah ee aan aadka u jeclahay, walaalayaal waxaan diyaar u nahay in aan u dhimano, u dhaawacnno, una taagnaano habeen iyo maalin badqabkiina naf iyo maalba.
sidaas darteed,waxa uu ciidankiinu idinkaga baahanahay la shaqeyn buuxda iyo garab istaag, waayo adinka la’aantiin ma jirto wax u qabsoomi karo, runtii aad iyo aad ayaana ugu kalsoonahay wadaniyadiina iyo jaceylka aad u heysaan ciidankiina.

Mahadsanidiin..

𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱𝗰𝗲𝗹𝗶𝗻Mahad oo dhan waxey u sugnaatay Allah SWT, sido kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxdii Qaranka oo markale fursa...
04/02/2026

𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱𝗰𝗲𝗹𝗶𝗻

Mahad oo dhan waxey u sugnaatay Allah SWT, sido kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxdii Qaranka oo markale fursad ii siiyay in aan u qidmeeyo Qarankeyga,Ciidankeeyga, iyo umadeeyda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan si niyad ah ugu mahadcelinayaa Saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Alifleyda iyo Dableyda CXDS oo runtii si wadajir ah aan ugu soo wada qidmeynay Qarankeenna, waxaana rajeynayaa in ay halkaasi kasii wadaan maadaama ay tahay mas’uuliyad adag oo ina wada saaran. Waxan Allah SWT uga baryayaa in uu Shuhadada ka aqballo geesiyaashii Qarankooda u shahiiday.
Sidoo kale, waxaan dhammaan saxiibada ku dhawacmay u rajeeynayaa caafimaad taam ah.

Waxa kale oo aan halkaan uga mahadcelinayaa bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan runtii shaqadeenna ma aanan ku guleeysan leheeyn hadii aadan ina garab taagneeyna markale aad ayaad u mahadsan tihiin sharaf ayaana idiin heeynaa.

Waxaan rabaa sidoo kale in aan u mahadceliyo saaxibada ina tageera qaybahooda kala duwan ee inala shaqeeyay gaar ahaan USA, EU,UK, AU,QATAR,AUSSOM, TURKIYE, UNSOS, UNMAS iyo dhamaan saxiibada kale oo aanan halkaan kuso koobi karin.

Waxaan fursadaan uga faa’iideysanayaa oo an halkan uga mahadcelinayaa Dowlada Uganda oo si gaar ah arimaha la dagaalanka cadawga inagala qeeyb qaadatay.

Ugu dambeyn, sida ay waajib u tahay in aad mas’uuliyadda qabato ayey waajib u tahay in aad ka degto sidaas darteed, waxaan soo dhaweynayaa Taliyaha cusub oo aan Alle uga baryayo in mas’uuliyadda hortaallo u fududeeyo.

Mahadsanidiin…

28/01/2026

Hadafkeenu wa ciribtirka argagixisada iyo la dagaalanka cadawga umada somaliyeed.

Address

London

Opening Hours

Friday 9am - 5pm
Sunday 9am - 5pm

Telephone

+252614404444

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gen. Odawa Yusuf Rage posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share