22/10/2023
Taliyaha policeka qaybta gobolka Galgaduud gaashanle Qalbi Axmed, Taliyaha Saldhigga policekada degmada Balanballe dhamme Cabdifitaax Daahir, taliye ku xigeenka Degmada Guriceel ahna taliyaha koontoroolada Galmudug dhamme Cabdi Cali gurey, taliye ku xigeenka degmada Balanballe L/xidigle Cabdishukri Cawil isaxaaq oo ay wehelinayaan gudoomiye ku xigeenka degmada Balanballe jaamac muxumed Diini iyo agaasimaha amniga iyo siyaasadda degmada Balanballe Micraaj ayaa maanta booqday deeganka Xirsi lugey oo ka mid ah deeganada hoos yimaada degmada Balanballe waxayna halkaas kulamo kula soo qaateen dadka
Deeganka ayaga oo kala soo hadlay sidii nabadda iyo xasiloonida dadka isku oodda ah looga wada shaqayn lahaa.
Masuulyiinta ayaa bulshada kala hadlay in kala
Shaqeeyaan amniga sidoo kalena ciidanka ay ku soo wargaliyaan cidii wadda wax liddi ku ah xasilooda deeganka.
Dhanka kale shacabka xirsi lugey ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan ciidanka waxayna balan qadeen in la shaqayn doonaan.