Mustafa Yaasin Sheikh

Mustafa Yaasin Sheikh Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yasin Sheik is the General Manager of the National Communications Authority of
Somalia (NCA)

07/09/2026
06/09/2026
05/09/2026

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka(NCA), Mudane Mustafa Yaasin Sheekh ayaa ka mid ah martida ka qeybgeleysa Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum 2026).

Shirweynahan oo diiradda lagu saarayo doorka iyo mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya xilligan casriga ah, ayaa isu keeni doona mas’uuliyiin, khubaro iyo bahda warbaahinta.

Hal-ku-dhigga Shirweynaha:
“Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah”(𝑺𝒉𝒂𝒑𝒊𝒏𝒈 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒂’𝒔 𝑴𝒆𝒅𝒊𝒂 𝑭𝒖𝒕𝒖𝒓𝒆 𝒊𝒏 𝒕𝒉𝒆 𝑫𝒊𝒈𝒊𝒕𝒂𝒍 𝑬𝒓𝒂)








The NCA - Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka  and CyberSecurity Malaysia - MoU is delivering. SIMAD University academic staff...
03/09/2026

The NCA - Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka and CyberSecurity Malaysia - MoU is delivering. SIMAD University academic staff are in Cyberjaya for Training-of-Trainers under Global ACE Certification — growing Somalia’s own pool of certified cybersecurity trainers.

13/08/2026

Waxaan bogaadinayaa takhasuska cusub ee Cybersecurity and Artificial Intelligence (AI), oo muhiim u ah kobcinta xirfadaha jiilka cusub iyo daboolidda baahida sii kordheysa ee dalka ee amniga dijitaalka ah iyo Garaad-Gacmeedka. Hambalyo Mogadishu University جامعة مقديشو

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay  billowday Wadatashi dadweyne oo ku saabsan laba qabyo-qoraal oo muhiim u ah horum...
13/08/2026

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay billowday Wadatashi dadweyne oo ku saabsan laba qabyo-qoraal oo muhiim u ah horumarinta adeegyada isgaarsiinta iyo ilaalinta xuquuqda macaamiisha.

📌 Xeernidaamiyaha Tayada Adeegyada Isgaarsiinta – waxa uu dejinayaa halbeegyada lagu cabbirayo, lagula soconayo laguna kormeerayo tayada adeegyada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.

Somali: https://short.nca.gov.so/pcuy8
English: https://short.nca.gov.so/NaXR8

📌 Xeernidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta – waxa uu xoojinayaa ilaalinta xuquuqda iyo danaha macaamiisha, isaga oo kor u qaadaya daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo adeeg-bixin tayo leh.

Somali: https://short.nca.gov.so/2HvMZ
English: https://short.nca.gov.so/CmBDI

Waxa ay Hay’addu ka codsanaysaa Shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka (ISPs), macaamiisha, khubarada iyo dhammaan daneeyayaasha in ay akhriyaan qabyo-qoraalladan, kana soo gudbiyaan talooyinkooda iyo aragtidooda ugu dambayn 31/08/2026 iyaga oo u ku soo diraya emaylkan: [email protected]

Talo-bixintaadu waxa ay gacan ka geysanaysaa dhismaha nidaam isgaarsiineed oo tayo leh, caddaalad ah, isla markaana ilaalinaya xuquuqda dhammaan isticmaaleyaasha.

Mahadsanidiin

07/08/2026

Munaasabadda Daahfurka Garad Ai ee Arkaan Leadership and Innovation Hub - Hal’abuur dhalinyaro, maalgelin dhalinyaro oo dhiirigelin iyo bogaadin mudan.

Munaasabadda daahfurka Garad Ai  waxaa lagu soo bandhigey adeegyo muhiim u ah horumarinta Garaad-Gacmeedka (AI) iyo hal-...
06/08/2026

Munaasabadda daahfurka Garad Ai waxaa lagu soo bandhigey adeegyo muhiim u ah horumarinta Garaad-Gacmeedka (AI) iyo hal-abuurka dalka

Hambalyo dhammaan bahda Arkaan Leadership and Innovation Hub , waxa aan u rajaynayaa guul iyo saamayn waxtar leh oo ka qayb qaadata kobcinta aqoonta iyo hal-abuurka dalka.

Waxa aan u mahadcelinayaa Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (SONSA) booqashada iyo talooyinka qiimaha badan. Waxaan...
05/08/2026

Waxa aan u mahadcelinayaa Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (SONSA) booqashada iyo talooyinka qiimaha badan. Waxaan ku faraxsanahay doorka bulshada rayidka ee horumarinta siyaasadaha dijitaalka ah, waxa aana rajeynaynaa sii xoojinta wadashaqaynta si loo hormariyo amniga internetka iyo dhaqaalaha digitaalka dalka.

Waxaan maanta ka qaybgalay Aqoon-is-weydaarsiga Qiimeynta U-Diyaarsanaanta Soomaaliya ee Garaad Gacmeedka (AI Readiness ...
05/08/2026

Waxaan maanta ka qaybgalay Aqoon-is-weydaarsiga Qiimeynta U-Diyaarsanaanta Soomaaliya ee Garaad Gacmeedka (AI Readiness Assessment)oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo diyaarinta Soomaaliya ee horumarinta iyo adeegsiga mas’uuliyadda leh ee AI.

Adresse

Berlin
13509

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Mustafa Yaasin Sheikh erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Verknüpfungen

Teilen