Somali Embassy in New Delhi- India

Somali Embassy in New Delhi- India Embassy of the Federal Republic of Somalia, New Delhi.

22/07/2026
22/07/2026

Malรฉ, Maldives- Credential Ceremony ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿค๐Ÿ‡ฒ๐Ÿ‡ป

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ahna, Safiirka aan daganeyn, ee dalka Maldevis oo maanta ...
22/07/2026

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ahna, Safiirka aan daganeyn, ee dalka Maldevis oo maanta laga qaabilay warqadaha aqoonsiga danjironimo dalka Maldevis.

Malรฉ 22 Luulyo 2026. Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, sidoo kalena ah Safiirka aan daganeyn ee Dalaalka Sri lank iyo Maldevis, ayaa waxaa maanta warqadaha aqoonsiga danjironimo ka guduumay madaxweynaha dalka Maldevis Mudane Dr Mohamed Muizzu.

Kulanka Safiirka iyo Madaxweynaha waxaa goob joog ka ahaa, Lataliyaha Koowaad ee Safaaradda JFS ee Hindiy, Marwo Ayan Mohamoud Sheikh Hamid.
Arrimaha looga wada hadlay waxaa ka mid ahaa bogaadiinta soo noqoshada xiriirka tooska ah ee diblomaasiyadeed ee labada dal oo dib usoo laabtay markale ka dib sanadkii 10 March 1988 ay ahed markii ugu h**eysay ee ay sidaan oo kale xiriir toos ah uu dhexmaro.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Maldevis , Mudane Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee Qasriga madaxtooyada loogu sameeyay, wuxuu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Dowladda Maldevis si loo xoojiiyo xiriir labada dal.

New Delhi, Hindiya | 14 Luulyo 2026Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr. Cabdullahi...
14/07/2026

New Delhi, Hindiya | 14 Luulyo 2026

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Xarunta Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada New Delhi.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Danjiruhu waxa uu saxiixay buugga tacsida ee loo furay geerida Amiirkii h**e ee Dowladda Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, oo sidoo kale ahaa aabbaha Amiirka talada haya ee Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Danjiruhu waxa uu tacsi iyo tiiraanyo u diray Dowladda, shacabka iyo qoyska reer Al Thani, isagoo adkeeyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.
Waxa uu Alle uga baryay marxuumka in uu naxariistiisa Janno kawaraabiiyo , ehelka iyo shacabka Qatar-na samir iyo iimaan buuxa ka siiyo.

05/07/2026

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Hindiya , waxay mahadnaq balaadhan u direysaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee magaaladda Hyderabad, Hindiya sida qiimaha iyo wadaniyadu ku jirto ee ay uga qayb qaateen Munaasabadda Xuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midowga Dalka oo markii u h**eysay in ka badan toban sano ka qabsoontay Hydrerabad. Mahadsanidin ๐Ÿ™๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Happy independence week
01/07/2026

Happy independence week

Felicitations to FM Abdisalam Abdi Ali, the Government and people of Somalia on their National Day.

๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ณ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Hydrabad, Hindiya | 1 Luulyo 2026Safaaradda JFS ee Hindiya oo Magaalada Hydrabad ku Qabatay Munaasabad Ballaaran oo Lagu...
01/07/2026

Hydrabad, Hindiya | 1 Luulyo 2026

Safaaradda JFS ee Hindiya oo Magaalada Hydrabad ku Qabatay Munaasabad Ballaaran oo Lagu Xusay 66-guurada Maalmaha Xorriyadda dalka.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, oo kaashanaysa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Hydrabad, ayaa qabatay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusay 66-guurada Maalmaha Xorriyadda iyo Midowga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabaddan qaran oo ay ka muuqatay dareen waddaniyadeed iyo midnimo ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hydrabad, diblomaasiyiin, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ganacsato, madaxda isbitaallada iyo jaamacadaha, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.

Ka qaybgalayaashu waxay si weyn u bogaadiyeen dadaalka Safaaradda JFS ee Hindiya, iyagoo xusay in magaalada Hydrabad aan lagu qaban munaasabad qaran oo heerkan ah muddo ka badan toban (10) sano.

Waxay si gaar ah ugu mahadceliyeen Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Hindiya, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, iyo dhammaan diblomaasiyiinta Safaaradda, kuwaas oo suurageliyay in bulshada Soomaaliyeed ee Hydrabad ay si sharaf, wadajir iyo qiiro waddaniyadeed leh ugu dabaaldegaan maalmaha qaran.

munaasabadda waxaa hadallo ka jeediyay, Xoghayaha Koowaad ee Safaradda Maxamed Cabdi Ibraahim (Qowdhan) Danjire Ku-xigeenka Cali Axmed Maxamuud,iyo masuuliyiin ka socotay qeybaha bulshada, iyo Sanatar Laylo Nur Maah, oo bogaadisay munaasabada heer ka qaran.

ugu dambeyn Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxammed Odowa, oo khudbada ka jeediyay munaasabada, ayaa ugu horreyn hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 66-guurada Xorriyadda iyo Midowga Jamhuurriyada Soomaaliya.

Sidoo kale Danjiraha ayaa u mahadceliyay Guddiga Qabanqaabada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay diyaarinta munaasabaddan taariikhiga ah,

Gabagabada hadalkana wuxuu kula dardaarmay inay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, isla markaana ay lashaqeeyaan, Safaaradda si loo xoojiyo adeegyada loo hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Hindiya iyo guud ahaan xiriirka bulshada iyo Safaaradda

DHAMMAAD

Ogeysiis Muhiim Gudiga Qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda  Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Federaalka oo ay si rasmi ah u...
28/06/2026

Ogeysiis Muhiim

Gudiga Qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Federaalka oo ay si rasmi ah u magacowday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Hindiya (SICC), waxay si xushmad leh ugu martiqaadayaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Hyderabad iyo nawaaxigeeda ee dalka Hindiya ๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ณ , inay kasoo qaybgalaan munaasabada Xuska 66-aad ee Xorriyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mahadsanidiin

Midnimo โ€ข Xorriyad โ€ข Horumar ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

27/06/2026

Address

L-1/19A Hauz Khas Enclave , PIN Code 110016, New Delhi, India
Delhi
110016

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Embassy in New Delhi- India posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Embassy in New Delhi- India:

Shortcuts

Share