Somali Embassy in Kampala- Uganda

Somali Embassy in Kampala- Uganda Embassy of the Federal Republic of Somalia, Kampala.

SAFIIRKA J. F. SOOMAALIYA EE UGANDA OO TACSI UGU TEGTAY SAFAARADDA DOWLADDA QATAR EE KAMPALA‎‎Safiirka Jamhuuriyadda Fed...
14/07/2026

SAFIIRKA J. F. SOOMAALIYA EE UGANDA OO TACSI UGU TEGTAY SAFAARADDA DOWLADDA QATAR EE KAMPALA

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Uganda Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tagtay Safaaradda Dowladda aan walaalaha nahay ee Dowladda Qatar ku leedahay magaalada Kampala, si ay Dowladda iyo shacabka Qatar u gaarsiiso tacsida iyo murugada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan geerida naxdinta leh ee Amiirkii Waalidka ahaa ee Dowladda Qatar.

‎Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare, oo ay halkaas ku soo dhaweeyay Siihayaha Safaaradda Dowladda Qatar, Mudane Cabdullaahi Axmed Aljufeeyri gaarsiisay tacsida, iyadoo Alle uga baryaysa in Marxuumka naxariistiisa Janno ugu deeqo, qoyskiisa boqortooyada, Dowladda Qatar iyo shacabkeedana samir iyo iimaan ka siiyo.

‎Intii ay booqashadu socotay, Safiirku waxay sidoo kale saxiixday buugga tacsida ee ka furan Safaaradda Dowladda Qatar ee Kampala.

‎Dhanka kale, iyadoo la fulinayo amarka Madaxda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa hoos loo dhigay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, si loo muujiyo garab istaag, la qaybsiga murugada tacsida Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar.

01/07/2026

𝗖𝗔𝗗𝗗𝗘𝗬𝗡

‎𝗜𝘆𝗮𝗱𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗷𝗮𝘄𝗮𝗮𝗯𝗮𝘆𝗼 𝘀𝘂'𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗳𝗮𝗿𝗿𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗮𝘆 𝘀𝗼𝗼 𝗴𝘂𝗱𝗯𝗶𝘆𝗲𝗲𝗻 𝗺𝘂𝘄𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻 𝗸𝗮 𝘁𝗶𝗿𝘀𝗮𝗻 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗲𝗲 𝗸𝘂 𝗻𝗼𝗼𝗹 𝗨𝗴𝗮𝗻𝗱𝗮, 𝗸𝘂𝘄𝗮𝗮𝘀 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗙𝗲𝗱𝗲𝗿𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗲𝗲 𝗨𝗴𝗮𝗻𝗱𝗮 𝗮𝘆𝘀𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗮𝗻 𝘂 𝗾𝗮𝗯𝗮𝗻 𝗺𝘂𝗻𝗮𝗮𝘀𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝘅𝘂𝘀𝗶 𝗷𝗶𝗿𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗫𝗼𝗿𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗲𝗲 𝟮𝟲-𝗸𝗮 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝟭-𝗱𝗮 𝗟𝘂𝘂𝗹𝘆𝗼, 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗲𝘆𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗺𝘂𝗻𝗮𝗮𝘀𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮𝗮𝘀 𝘀𝗮𝗻𝗮𝗱𝗸𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝗯𝗮𝗮𝗷𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝗼 𝗹𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗮 𝗱𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝘂 𝗻𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗼𝗼 𝘅𝗮𝗱𝗶𝗱𝗮𝘆 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗶𝗺𝗮𝗮𝘁𝗶𝗻𝗸𝗮 𝘅𝗮𝗳𝗹𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝘄𝗮𝘆𝗻 𝗺𝗶𝗱𝗱𝗮𝗮𝘀 𝗼𝗼 𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝗿 𝗹𝗮 𝗹𝗲𝗵 𝘅𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗰𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗘𝗯𝗼𝗹𝗮.

‎𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗿𝗮𝗷𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗶𝗱𝗺𝗼 𝗶𝗻 𝘀𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗯𝘁𝗼 𝗺𝘂𝗻𝗮𝗮𝘀𝗮𝗯𝗮𝗱𝗼 𝗵𝗲𝗲𝗿 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝘀𝗶 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗷𝗶𝗿 𝗮𝗵 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗺𝗮𝗮𝗺𝘂𝘂𝘀𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗾𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗲𝘆𝗻 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗱𝗵𝗶𝘆𝗮 𝘁𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗸𝗵𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗨𝗺𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱.

‎𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱𝘀𝗮𝗻𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻.

30/06/2026

Amb Fardosa Mohamed Kanyare ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed u dirtay hambalyada 1-da Luulyo

Amb Fardosa Mohamed Kanyare oo Hambalyo u dirtay muwaadinta Soomaaliyeed
25/06/2026

Amb Fardosa Mohamed Kanyare oo Hambalyo u dirtay muwaadinta Soomaaliyeed

22/06/2026

Booqashadii maanta ee Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ku tagtay Cavendish University ee Uganda

𝗗𝗮𝗻𝗷𝗶𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗲𝗲 𝗨𝗴𝗮𝗻𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗯𝗼𝗼𝗾𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝘃𝗲𝗻𝗱𝗶𝘀𝗵 𝗨𝗻𝗶𝘃𝗲𝗿𝘀𝗶𝘁𝘆 𝗲𝗲 𝗨𝗴𝗮𝗻𝗱𝗮‎‎Kampala, Uganda – Danjiraha Jamhuu...
22/06/2026

𝗗𝗮𝗻𝗷𝗶𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗲𝗲 𝗨𝗴𝗮𝗻𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗯𝗼𝗼𝗾𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝘃𝗲𝗻𝗱𝗶𝘀𝗵 𝗨𝗻𝗶𝘃𝗲𝗿𝘀𝗶𝘁𝘆 𝗲𝗲 𝗨𝗴𝗮𝗻𝗱𝗮

‎Kampala, Uganda – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta booqasho ku tagtay Jaamacadda Cavendish University Uganda, halkaas oo ay kulan miro-dhal ah kula yeelatay maamulka sare ee jaamacadda.

‎Kulanka waxaa dhinaca jaamacadda uga qeyb galay Assoc. Prof. Olutayo K. Osunsan, Ku-Xigeenka Guddoomiyaha Jaamacadda (Deputy Vice Chancellor), iyo David Mutabanura, Agaasimaha Fulinta Jaamacadda (Executive Director).

‎Intii uu kulanku socday labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Jaamacadda Cavendish, gaar ahaan arrimaha la xiriira horumarinta waxbarashada iyo taageerada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadda.

‎Qodobada muhiimka ah ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqaha iyo fursadaha ay helaan ardayda ka socota dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC), fududeynta adeegyada ay jaamacaddu siiso ardayda Soomaaliyeed, iyo in la ballaariyo fursadaha deeqaha waxbarasho ee loo qoondeeyo ardayda Soomaaliyeed si kor loogu qaado helitaanka waxbarasho tayo leh.

‎Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay suurtagalnimada in jaamacaddu xaqiijinta dukumentiyada iyo diiwaannada waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed sameyso sanadka kuuwaad ee jaamacadda, halkii maamulka jaamacadda hadda haaya ay xaqiijinta shahaadooyinka ku sameeyso marka uu ardaygu qalin-jabinayo.

‎Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo jawi qurux badan.

DHAMAAD

PRESS STATEMENTMogadishu, 16 June 2026The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Repub...
16/06/2026

PRESS STATEMENT

Mogadishu, 16 June 2026

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia expresses its profound concern regarding reports of engagement by the Israeli administration with the secessionist administration of the northern west region of Somalia outside the framework of the Federal Government of Somalia.

The Federal Republic of Somalia considers any such engagement a violation of its sovereignty, unity, territorial integrity, and constitutional order. Somalia remains a sovereign and internationally recognized state, and the Federal Government is the sole legitimate authority empowered to represent the country in international relations.

The Ministry underscores that any political, diplomatic, or other engagement with the secessionist administration that bypasses the Federal Government of Somalia is inconsistent with international law and carries no legal or political standing.

Somalia calls upon the United Nations, the African Union, the Arab League, the Organization of Islamic Cooperation, IGAD, and all international partners to uphold international law, respect Somalia’s sovereignty and territorial integrity, and condemn actions that undermine the unity and stability of the Somali state.

The Federal Republic of Somalia reserves its sovereign right to take all lawful and necessary measures, through diplomatic, legal, and other appropriate channels, to protect its sovereignty, territorial integrity, and national unity.

Somalia remains committed to peaceful dialogue, regional stability, and constructive engagement with all partners, but it will not accept any action that violates its sovereignty or threatens the unity of the Somali people.

END.

CIID WANAAGSAN
26/05/2026

CIID WANAAGSAN

‎𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗦‎‎Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda waxay ogeysiinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliy...
19/05/2026

‎𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗦

‎Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda waxay ogeysiinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ay go’aamisay in laga bilaabo 1-da Luulyo 2026 aan la aqbali doonin codsiyada samaynta baasaboorka Soomaaliga haddii qofka dalbaduhu aanu haysan:

‎𝗞𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗡𝗜𝗥𝗔, 𝗮𝗺𝗮
‎𝗪𝗮𝗿𝗾𝗮𝗱𝗱𝗮/𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗱𝗱𝗲𝘆𝗻𝗲𝘆𝘀𝗮 𝗶𝗻 𝘂𝘂 𝗰𝗼𝗱𝘀𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗞𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 (𝗡𝗜𝗥𝗔).

‎Sidaa darteed, Safaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan muwaadiniinta aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga Qaranka inay si deg deg ah u bilaabaan is- diiwaangelinta iyo codsiga Kaarka Aqoonsiga (NiRA), adeegaas oo ay ka heli karaan Safaaradda , si looga baaqsado dib u dhac ama caqabado la xiriira dalbashada Baasaboorka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHAKampala, May 12, 2026: Madaxweynaha Jamhuu...
12/05/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

Kampala, May 12, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yugaandha Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo lagu qabtay magaalada Kampala.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Yugaandha, isaga oo u rajeeyey in hoggaamintiisa cusub ay dadka iyo dalka u horseedo guul, horumar iyo barwaaqo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Yugaandha martigelinta diirran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

DHAMMAAD

Address

Embassy Of Somalia, Nile Avenue
Kampala

Opening Hours

Monday 10:00 - 15:00
Tuesday 10:00 - 15:00
Wednesday 10:00 - 15:00
Thursday 10:00 - 15:00
Friday 10:00 - 12:00

Telephone

+256414257460

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Embassy in Kampala- Uganda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Embassy in Kampala- Uganda:

Share