Ali Abdullahi Issak

  • Home
  • Ali Abdullahi Issak

Ali Abdullahi Issak Chief of Staff, Office of the President, Southwest State of Somalia

🌙 Ciidul Adxa Mubaarak 🌙Waxaan Farxadda Ciiddaan barakeysan lawadaagayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacab...
26/05/2026

🌙 Ciidul Adxa Mubaarak 🌙

Waxaan Farxadda Ciiddaan barakeysan lawadaagayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacab weynaha Koonfurgalbeed Soomaaliya.
waxaan idiin rajeyneynaa nabad, barwaaqo, caafimaad iyo farxad.
Aan xoojino isgarab istaagga, iyo u gargaaridda dadka nugul si ay noola qeybsadaan farxadda maalmahan kheyrka badan.

كل عام وأنتم بخير 🤍

SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DKGS OO LOOGA HADLAY XAALADAHA KA JIRA GUUD AHAAN DEEGANADA KOONFUR GALBEED.Baydhabo, May, 21, 2...
21/05/2026

SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DKGS OO LOOGA HADLAY XAALADAHA KA JIRA GUUD AHAAN DEEGANADA KOONFUR GALBEED.

Baydhabo, May, 21, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, dardargelinta adeegyada bulshada, arimaha bini’addanimada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradaha amniga, gargaarka, xanaanada xoolaha iyo arimaha gudaha iyagoo ka wada hadlay qorshayaasha horumarineed ee socda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada loo fidiyo bulshada reer Koonfur Galbeed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ku boorriyey xubnaha Golaha Wasiirrada inay laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo adeegyada bulshada, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan adeeg hufan oo tayo leh.

DHAMMAAD

HOGGAAMIYE MUDANE Hon. Jibril Abdirashid Haji OO KORMEERAY GOOBAHA COD-BIXINTA DOORASHOOYINKABaydhabo, 10 May 2026: Hogg...
10/05/2026

HOGGAAMIYE MUDANE Hon. Jibril Abdirashid Haji OO KORMEERAY GOOBAHA COD-BIXINTA DOORASHOOYINKA

Baydhabo, 10 May 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta kormeer ku tegay xarumaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka hanaanka Qof iyo Cod, kuwaas oo lagu soo dooranayo Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta habsami u socodka doorashada, xaaladda amniga goobaha cod-bixinta, iyo heerka ka qeybgalka bulshada ee geeddi-socodka doorashooyinka.

Intii uu ku guda jiray kormeerka, Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyey shaqada ay wadaan guddiyada doorashooyinka, ciidamada amniga, iyo shacabka sida mas’uuliyadda leh uga qeyb qaadanaya cod-bixinta. Waxa uu xusay in hirgelinta nidaamka Qof iyo Cod ay saldhig u tahay xoojinta dimuqraadiyadda, isla markaana ay sare u qaadayso matalaadda shacabka Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa bulshada ugu baaqay inay sii adkeeyaan nabadda, wadajirka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, si loo xaqiijiyo doorasho xor ah oo daahfuran.

DHAMMAAD

Baydhabo, May 3, 2026Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Ali Abdullahi Issak, ay...
03/05/2026

Baydhabo, May 3, 2026

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Ali Abdullahi Issak, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ay isugu yimaadeen Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada loo fidiyo bulshada.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo waxqabadka guud ee dowladda.

Mudane Ali ayaa Agaasimiyaasha Guud ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka, wada-shaqeyn dhow, iyo hubinta in qorshayaasha dowladda si hufan loo fuliyo. Waxa uu sidoo kale ku boorriyey inay labanlaabaan dadaalkooda si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Ali Abdullahi Issak ayaa ka qeyb galay kulan muhiim ah o...
29/04/2026

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Ali Abdullahi Issak ayaa ka qeyb galay kulan muhiim ah oo maanta ka dhacay Madaxtooyada Baydhabo, kaas oo uu Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Hon. Jibril Abdirashid Haji, kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadannimada,

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, dardargelinta gargaarka bani’aadannimo, iyo wax ka qabashada saameynta abaaraha iyo xaaladaha barakaca ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Guud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhow ee u dhaxeysa Dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo hubiyo in taageerada la gaarsiiyo dadka ugu nugul si wax ku ool ah oo waara.

27/04/2026
27/04/2026

Kulan lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa lagu muujiyay taageero buuxda oo loo hayo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Mudane Ali Abdullahi Issak.

Kulanka ayaa sidoo kale ahaa fursad lagu muujiyay mahadcelin iyo bogaadin loo jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Hon. Jibril Abdirashid Haji oo lagu ammaanay hoggaankiisa iyo dadaallada uu wado xilligan kala guurka ah.

Odeyashii kulankan kasoo qeybgaley ayaa waxay ay adkeeyeen muhiimadda midnimada, wada-shaqeynta, iyo isku-duubnida si loo hormariyo nabadda iyo horumarka Koonfur Galbeed.

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID XAAJI AYAA DAAHFUREY QORSHAHA ISBEDELKA KOONFUR GALBEED IYO SIYAASADA XALKA WAARA.Baydhab...
25/04/2026

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID XAAJI AYAA DAAHFUREY QORSHAHA ISBEDELKA KOONFUR GALBEED IYO SIYAASADA XALKA WAARA.

Baydhabo, Abriil, 25, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara ee koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday magaalada baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday bulshada rayidka iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Qorshahan cusub ayaa diiradda saaraya xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta nabad waarta. Sidoo kale waxa uu qorshuhu qeexayaa istiraatiijiyad cad oo lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale, iyo bulsho ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed soomaaliya.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji hogaamiyaha kmg ah ee dowladda koonfur galbeed ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid horseedi doona isbeddel dhab ah isla markaana uu saldhig u noqon doono horumar waara oo ay gaaraan shacabka Koonfur Galbeed soomaaliya.

Hogaamiye Jibriil ayaa ugu baaqay shacabka iyo daneeyayaasha kala duwan in ay ka qeyb qaataan hirgelinta qorshahan si loo xaqiijiyo mustaqbal xasilloon oo horumar leh.

DHAMAAD

24/12/2021

Jimca wanaagsan

Address

Villa KGS

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ali Abdullahi Issak posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ali Abdullahi Issak:

  • Want your organization to be the top-listed Government Service?

Share