29/07/2026
ππππππππ
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Berlin, Jarmalka waxay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Baasaboorka iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) safaaradda u imanaya ku wargelinaysaa in maanta oo ay taariikhdu tahay 29.07.2026, si ku-meel-gaar ah loo hakiyey adeegga dalbashada baasaboorada iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) sababo farsamo (Technical Issues) awgood.
Sidoo kale safaaraddu waxay sii wadi doontaa bixinta adeegyada kale ee caadiga ah, oo ay ku jiraan dokumentiyada I.W.M.
Safaaraddu waxay dib u bilaabi doontaa dalbashada baasaboorrada iyo NIRA maalinta Isniinta ee 03 Agoosto 2026.
Mahadsanidiin