29/06/2026
XUSKA SANAD-GUURADA 66-AAD EE TODDOBAADKA
XORRIYADDA IYO MIDNIMADA SOOMAALIYA
(26 JUUN – 1 LUULYO 2026)
Safaaradda JFS ee Boqortooyada Sweden iyo Waddamada Nordic-ga, oo uu hoggaaminayo Danjire Abdikarim Ahmed Mohamed, ayaa door muuqda ka qaadatay qabanqaabada iyo hirgelinta munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, iyadoo ay garab taagan yihiin diblomaasiyiinta Safaaradda iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool waddamada Nordic-ga.
Munaasabadda ayaa ka bilaabatay caasimadda Sweden ee Stockholm, waxayna ku sii baahday magaalada Eskilstuna, halka maanta si heer sare ah loogu qabanayo magaalada Gothenburg.
Danjire Cabdikariim Axmed Maxamed iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed waxay isla qaateen in laga bilaabo sannadkan iyo wixii ka dambeeya, Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya si mideysan loogu xuso dhammaan waddamada Nordic-ga, si loo adkeeyo midnimada, wadajirka iyo qiimaha maalmaha taariikhiga ah ee dalkeenna – 26ka June iyo 01da July.
Nala daawada muuqaalladii quruxda badnaa ee munaasabadaha.
Hambalyo Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya!
Soomaaliya Hanoolaato! - Soomaaliya Ha Israacdo!